21-dii Oktoobar 1969kii Waa Maalintii ay bilaabatay in la duugo Demoqaraadiyaddii ka jirtay Jamhuuriyadda Soomaaliya‏

0
Tuesday October 22, 2013 - 18:51:06 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 4154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    21-dii Oktoobar 1969kii Waa Maalintii ay bilaabatay in la duugo Demoqaraadiyaddii ka jirtay Jamhuuriyadda Soomaaliya‏

    Oktoobar 21, 2013, 1dii Luuliyo 1960kii waxaa israacay Waqooyiga Iyo Koofurta Soomaaliya; waxeyna Soomaaliya noqotay Jamhuuriyad. Xeerka Cusub Ee Soomaaliya waxaa uu qorayey in Soomaaliya yeelato 123 Mudane oo ka tirsanaanayo Baarlamaanka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Oktoobar 21, 2013, 1dii Luuliyo 1960kii waxaa israacay Waqooyiga Iyo Koofurta Soomaaliya; waxeyna Soomaaliya noqotay Jamhuuriyad. Xeerka Cusub Ee Soomaaliya waxaa uu qorayey in Soomaaliya yeelato 123 Mudane oo ka tirsanaanayo Baarlamaanka Soomaaliya mudo shan sano ah. 123da Mudane waxaa si xor ah usoo dooranayo Dadweynaha Soomaaliya; waxeyna sii dooranayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo mudo lix sano ah madaxweyne ahaanayo. Madaxweynaha la doortay waxaa uu magacaabayaa Wasiir Koowaadka Soomaaliya oo isna soo dhisayo Golaha Wasiiradda; isagoo tixgelinayo Xisbiga Baarlamaanka Soomaaliya ugu badan. Waxaa kaloo Xeerka Jamhuuriyadda Soomaaliya awood u siinaye Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya inuu soo magacaabo Shanta Garsoore Ee Maxkamadda Sare.

Halgame Aaden Cabdulle Cismaan oo xubin waxtar leh ka ahaa Xisbiga Leego (Somali Youth League) isla markaana ahaa Guddoomiyaha Kumeel Gaarka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo doortay inuu noqdo Madaxweynihii Uhoreeyay Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaa uu magacaabay Halgame Cabdirashiid Cali Sharma'arke oo isna xubin waxtar leh ka ahaa Xisbiga Leego (SYL), wuxuuna noqday Wasiir Koowaadkii Uhoreeyay Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya kadib markii uu Madaxweyne Aaden Cabdulle Cismaan magacaabay. Wuxuu soo dhisay Gole Wasiiro oo ka koobnaa Xisbiga Leego (SYL, Koofur), Xisbiga SNL (Somali National League Waqooyi) iyo Xisbiga USP (United Somali Party, Waqooyi).

1964tii waxaa dhacday doorashadii Baarlamaanka Soomaaliya; waxaana codadka ugu badan helay Xisbiga Leego (SYL). Waxaa markaasi Madaxweyne Aaden Cabdulle Cismaan magacaabay ra'isulwasaare cusub. Ra'isulwasaaraha Cusub waxaa uu noqday Mudamne Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

1967dii waxaa dhacday doorashadii Jagada Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartameen Madaxweyne Aaden Cabdulle Cismaan iyo Wasiir Koowaadkiisii Hore Cabdirashiid Cali Sharma'arke; waxaana wareegii seddexaad Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya loo doortay Cabdirashiid Cali Sharma'arke. Waxaa dhacday Dowladdii uu Wasiir Koowaadka ka ahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma'arke waxaa uu Wasiir Koowaad u magacaabay Haalgame Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo dhisay Gole Wasiiro oo hawl waday ilaa iyo doorashadii Maarso 1969kii. Mar kale waxaa uu Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma'arke Wasiir Koowaad u magacaabay Maxamed Ibraahim Cigaal oo sii balaariyay Golihii Wasiiradda.

15tii Oktoober 1969kii waxaa Laas Caanood lagu toogtay Madaxweynihi Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharma'arke oo booqasho ku kala bixinaye dalka. Waxaa Madaxweyne Sharma'arke toogatay askari boolis ah (Saciid Dhaashane Ismaaciil ?) oo ka tirsanaa ilaalada madaxweynaha; waxaana Madaxweynaha Kumeel Gaar Soomaaliya noqday Shiikh Muqtaar oo ahaa Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiir Koowaad Maxamed Ibrihim Cigaal oo booqasho hawleed ku marayey Dalka Mareykanka wuxuu si deg-deg ah ugu soo laabtay Soomaaliya; waxaana Madaxweyne Sharma'arke la-duugay 20kii Oktoober 1969kii.

Golaha Dhexe Ee Xisbiga Talada Hayey Ee Leego (SYL ) iyo Koox Mudaneyaal ah ayaa la sheegay iney raadinayeen qofkii Madaxweynaha Soomaaliya noqon lahaa, inkastoo uu qilaaf aan sidaas aheyn uu ka dhex taagnaa.

Halgame Aadan Cabdulle Cismaan iyo Mudane Caabdirisaaq Xaaji Xuseyn waxaa ay wateen Halgame Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo xubin firfircoon ka ahaa Xisbigii Leego (SYL) halka Wasiir Koowaad Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu watay Halgame Muuse Boqor oo xubin firfircoon ka ahaa Xisbigii Leego (SYL).

21dii Oktoober 1969kii waxaa Dawladdii Soomaaliya Afgembiyay (Coup d' e'tat ) saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya. 24tii Oktoober 1969kii waxaa Raadiyo Muqdisho kala hadlay Dadweynaha Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Siyaad Barre oo ahaa Taliyihii Xooga Dalka Soomaaliya; wuxuuna balanqaaday 'In Soomaaliya laga dhigayo dal lagu ixtiraamo Siyaasdda Arrimaha Gudaha Iyo Dibadda'. 1dii Nofeembar 1969kii waxaa la dhisay Golihii Sare Ee Kacaanka oo ka koobnaa 25 sarkaal. Magacyada Saraakiisha waa kuwa soo socdo:

1. Sareeye Gaas Maxamed Siyaad Barre(Xooga Dalka)

2. Sareeye Gaas Jaamac Cali Qorsheel (Boolis)

3. Sareeye Guuto Maxamed Ceynaanshe Guuleed (XD)

4. Sareeye Guuto Salaad Gabeyre Kediye (XD)

5. Sareeye Guuto Maxamed Cali Samatar (XD)

6. Sareeye Guuto Xuseen Kulmiye Afrax (Boolis)

7. Sareeye Guuto Cabdalla Maxamed Faadhil (XD)

8. Gaashaanle Sare Cali Mataan Xaashi (XD)

9. Gaashaanle Sare Axmed Maxamuud Cade (Boolis)

10. Gaashaanl Sare Maxamuud Mire Muuse (Boolis)

11. Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Cali Abokar (XD)

12. Gaashaanle Dhexe Axmed Suleymaan Cabdalla (XD)

13. Gaashaanle Dhexe Maxamed Shiikh Cusmaan (Boolis)

14. Gaashaanle Dhexe Axmed Maxamuud Faarax (XD)

15. Gaashaanle Dhexe Maxamed Cali Shire (XD)

16. Gaashaanle Dhexe Maxamuud Geele Yuusuf (XD)

17. Gaashaanle Dhexe Faarax Waceys Duule (XD)

18. Gaashaanle Maxamed Cumar Jees (XD

19. Gaashaanle Bashiir Yuusuf Cilmi (XD)

20. Gaashaanle Axmed Xasan Muuse (XD)

21. Gaashaanle Cismaan Maxamed Jeele (XD)

.22 Gaashaanle Muuse Rabiile Good (XD)

23. Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Abokar (XD)

24. Gaashaanle Cabdulqaadir Xaaji Maxamed (XD)

25. iyo Gaashaanle Cabdi Warsame Isaaq (XD).

Saraakiisha kor ku xusan waxey boobeen Hawlihii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Hawlihii Wasiir Koowaadka Dowladda Soomaaliya iyo Golihiisa Wasiiradda. Waxaa kale ay boobeen Hawlihii Baarlamaanka Soomaaliya iyo Maxkamadii Sare Ee Soomaaliya; waxeyna Dadweynaha Soomaaliya u cadeeyeen ineysan aragtidooda soo bandhigi karin.

Waxaa kale oo uu joojiyey ama mamnuucay golehii loogu magac-daray Golaha Sare Ee Kacaanka ( Supreme Revolutonary Council ) dhamaan sagaalkii wargeys ee Dalka Soomaaliya kasoo bixi jiray. Sidaas darteed, 21dii Oktoober 1969kii waa maalintii ay bilaabatay in la duugo demoqaraadiyadda Soomaaliya. Waa maalin murugo leh oo aan weligeed la iloobi doonin. Iyada oo sidaa ah ayey guud ahaan Wariyeyaasha Soomaaliya, gaar ahaana Wariyeyaasha Raadiyo Muqdisho ay bilaabeen iney buun-buuniyaan Maalintii 21ka Oktoobar, iyagoo weliba sii wareysanayo Kalkaaliyehii Kelitaliyihii Soomaaliya, kaa oo magaciisa ah Jeneraal Axmed Suleymaan Cabdalla, kana masuul ah dhibaatooyin badan oo loo geystay guud ahaan Bulshada Soomaaliya, gaar ahaana kuwii diidanaa Kelitalisnimada Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

W.Q. Dr. Abdulkadir Abukar Spinato
aa_spinato@hotmail.com
+46 769 616 640
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip