Goobtii ay Kuuriyada Waqooyi hubka ku tijaabin jirtay oo duntay

0
Thursday April 26, 2018 - 14:31:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goobtii ay Kuuriyada Waqooyi hubka ku tijaabin jirtay oo duntay

    Saynisyahanno Shiinays ah ayaa sheegay in ay qayb ahaan duntay xaruntii ay Kuuriyada Waqooyi ku tijaabin jirtay hubka nukliyeerka ah, taas ka dhigi karta mid aan la adeegsan karin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saynisyahanno Shiinays ah ayaa sheegay in ay qayb ahaan duntay xaruntii ay Kuuriyada Waqooyi ku tijaabin jirtay hubka nukliyeerka ah, taas ka dhigi karta mid aan la adeegsan karin.

 
Xarunta tijaabada ee Punggye-ri ayaa lix jeer lagu tijaabiyay hub nukliyeer ah tan iyo sannadkii 2006-dii.

Markii u dambaysay ee tijaabada lagu sameeyay bishii Sabtembar waxaa gariirka sii waday dhulka, khuburada dhulgariirka ku takhasusayna waxay rumaysan yihiin in qayb ka mid ah buurtu ay gudaha ka duntay.

Sabtidiina hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ku dhaqaaqay in uu hakinayo tijaabooyinkii nukliyeerka iyo gantaallada dalkiisa.

Ku dhawaaqitaankaas layaabka leh ayaa yimid wadahadalka taariikhiga ah ee uu la yeelanayo Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka.

Cilmibaaristan u dambaysay ee ay samaysay jaacadda sayniska iyo tiknoolajiyadda ee Shiinaha ee magaceeda loo soo gaabiyo USTC ayaa la daabici doonaa maalmaha soo socda.

 


Jowhar.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip