Madaxweyne Xasan "Caalamku waa inuu gurmad deg-deg ah la soo gaaraa dadkii ay saameeyeen duufaanta Cyclone

0
Monday November 11, 2013 - 22:34:12 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1068
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan "Caalamku waa inuu gurmad deg-deg ah la soo gaaraa dadkii ay saameeyeen duufaanta Cyclone

    Muqdisho, 11 November 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta wuxuu si khaas ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen muwaddiintii ku geeriyooday duufaanihii ka dhacay Somali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 11 November 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta wuxuu si khaas ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen muwaddiintii ku geeriyooday duufaanihii ka dhacay Somalia, gaar ahaan xeebaha Puntland. Madaxweynahu waxuu u diray baaq deg-deg ah beesha caalamka oo uu yiri "Caalamku waa inuu gurmad deg-deg ah la soo gaaraa dadkii ay saameeyeen duufaaanta Cyclone oo boqolaal ay ku geeriyooday, kumanaan qofna uu hoy la'aan dhigay, isla markaana xoolihii saameeyey. Waa maalin mugdi ah oo dhammaan Soomaalida meel walba ay joogaan waa inay gar-gaar deg deg ah la soo gaaraan wallaalahooda."

"Waxaan EEBBE uga baryayaa dhammaan intii ku geeriyootay inuu janadii ka waraabiyo, eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeena uu samar iyo Iimaan ka siiyo.” ayuu yiri Madaxweynaha. " Duufaanta xoogga leh ee wadato roobab waxey khasaare weyn u geysatay degaanada xeebaha Puntland, Somalia oo xoolo, duunyo iyo khasaare nafeedba ay geysatay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri "Waana inaan u wada gurmanaa oo aan waxba la harin"

- DHAMAAN -
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip