Kulan qado ahaa oo maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Imaamka, Ugaaska, Duubab dhaqameedyada, Nabadoonada, siyaasiyiinta iyo Haweenka Beesha Mudullood ayaa laga soo saaray war murtiyeed ku saabsan dib u heshiisiin muddo labaatan cisho ka dhex socotay xubanaha beesha.
Fiiro Gaar Ah, Hadii
aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan
Kulankan ayaa lagu muujiyay midnimada iyo isku duubnida Beesha, iyadoo ka heshiiyay khilaafyo xaga dhaqanka oo u dhaxeeyay, waxaana kulanka khudbado iyo duco ka jeediyay Imaamka guud ee Beesha Mudullood, Ugaaska Beesha, iyo Duubabka dhaqanka.
Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo mudooyinkan dalka dibadiisa safar ugu maqnaa ayaa sheegay in Beesha Mudullood ay kala maqnaayeen, balse isu imaatinkooda iyo kulamadii u socday uu dhaliyay is faham.
"Beryahan la kala maqnaa, isu imaatinkan wuxuu muujinayaa midnimada beesha mudullood, wixii jiray ee khilaafaad yar yar laga heshiiyo"ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf Cali.
Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle ayaa sheegay in kulanka dib u heshiisiinta Beesha Mudullood uu soo socday tan iyo 20-kii November ilaa 8-da Bisha, kaasoo uu xusay in lagu xaliyay khilaafaadka xaga dhaqanka ahaa oo ay beesha kala tabaneysay.
Ugaaska ayaa kulanka ka aqriyay war murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo laga soo saaray shirarkii u socday xubnaha beesha Mudullood, isagoo xusay in shirarka ay u socdeen ilaa 170 ergo oo ka kala socday beelaha Mudullood ka soo kala xulaan Beelaha Mudullood.
"Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada muqdishu dib-u-heshiisiin mudo ka dhex socotay beesha mudulood dhexdeeda. Shirrkan gabagavada ah waxaa uu ka soo qaybgalay ergooyin ka kooban 170 ee ka kala socda beelaha mudullood oo dhan, kana koobnaa oday dhaqameedyo, culumo, haween, iyo aqoonyahanno , waxaa ka soo baxay qodobo badan"ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.
Ugaaska ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya ay beesha ka tashanayso sidii deegaanada ay degto Maamul Goboleed looga hirgelinaa, waxaana uu tilmaamay in Gudi farsamo loo saarayo arrintaas sidii deegaanada beesha degto loo nabadeyn lahaa, maamulo looga hirgelin lahaa.
Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Duubabka dhaqanka beelaha Mudullood, kuwaasoo soo dhoweeyay dib u heshiisiinta iyo isku duubnida beesha, waxaana ay ku baaqeen in la ilaaliyo Midnimada Beesha Mudullood.
Xubnihii ka hadlay kulanka oo isugu jiray Ugaasyada, Waxgaradka iyo Haweenka ayaa waxay si kal iyo laab u soo dhoweeyeen war murtiyeedka shirka laga soo saaray.
Ugu dambeyn War murtiyeedka shirka laga soo saaray ayaa ka koobnaa ilaa sideed qodob.
War murtiyeedka ayaa sidan u qornaa:-
1- Mudada uu Shirka socday waxaa lagu heshiisiyay Beelaha Mudullood ee colaada ka dhaxeyso.
2- Beesha Mudulood waxay ugu baaqeysaa beelaha kale oo ay dariska yihiin nabad iyo isfaham ku saleysan walaanimo, derisnimo iyo cadaalad.
3- Beesha Mudulood waxay diyaar u tahay in khilaafkasta ey ku dhameeyso wada hadal iyo nabad.
4- Beesha Mudulood waxay diyaar u tahay in ey gogol nabadeed u fidiso beel kasta ee wax ka tabaneysa.
5- Waxay beeshu sidaas si la mid ah diyaar u tahay gogol haddii loo dhigo in ey ka qeyb qaadato.
6- Waxay beeshu u soo xulaneysaa guddi u xilsaaran khilaaf bixinta beesha dhexdeeda iyo nabad iyo dib-u-heshiinsiin in ey la gaarto beelaha kale oo ay colaadi horay u dhex martay.
7- Beesha Mudulood waxay beelaha kale ee Soomaliyeed oo dhan ugu baaqeysaa in ey mowqifkaan mid la mid ah go’aansadaan.
8- Beeshu waxay ugu baaqaysaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed in la adkeeyo nabada isla markaana la isku soo dhoweeyo shacabka Soomaaliyeed ee
colaaduhu kala qaybiyeen.
Fiiro Gaar Ah, Hadii
aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan
Kulan balaaran oo beesha Mudulood kuyeelatay Muqdisho (Sawiro)
Kulan qado ahaa oo maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Imaamka, Ugaaska, Duubab dhaqameedyada, Nabadoonada, siyaasiyiinta iyo Haweenka Beesha Mudullood ayaa laga soo saaray war murtiyeed ku saabsan dib u heshiisiin muddo labaatan cisho ka dhex s