Xildhibaanadi kutaageeray madaxweyne Xasan Sheekh inuu kataquluso xukuumadi Saacid iyo xildhibaanadi kale ee iyagana marki hore taageersanaa ra'isul wasaare saacid ayaa waxey isku aragti ka noqdeen ra'isul wasaaraha cusub oo la doonayo iyo xukuumada oo soo dhisi doono. Mudanayasha baarlamaanka Soomaaliya oo codkooda umuuqdo mid hal dhinac ah ayaa waxey madaxweynaha ka dalbadeen in xukuumada cusub ee la filanayo ee noqoto mid laga dheehdo wajiyo cusub aanan lagu soo dirin wasiiradi hore ee xukuumadi Dr Saacid iyagoo taana ku macneeyay in gabi ahaan xukuumadaasi fashilantay oo aan qaladka saacid kaliya la saarin.
Madaxweynaha oo dalabka xildhibaanadu kunoqday mid aad uculus ayaa waxa dhanka kale iyana jirto in wafdiyo kasocdo beesha caalamka ee si gooni gooni ah usoo gaarayeen magaalada Muqdisho kuwaasi oo iyagana madaxweynaha ugudbinayay aragtida dowladahooda ee ku aadan cida loo xulan karo jagada banana ee wasiirka kowaad ee xukuumada Soomaaliya.
Dhanka kale warar hoose oo shabakada Warsheekh heshay ayaa sheegaya in guuxa xildhibaanada uu ka dambeeyay kadib marki lasheegay in kooxda lagu tuhmayo talada madaxweynaha iney lamaamusho ee Dam jadiid ee damacsantahay xil kaqaadista Prof Jawaari.
Ma cada xaqiiqada warkani hasa yeeshe siyaasadu aanu laheen saaxib joogta ah ayaa hadana waxa taasi mugdi galin karo marka fiiriso xiriirka xoogan ee xiliganai ka dhaxeyo madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya.
Kala xod xodosho iyo xusul duub adag ayaa waxa uu si aad ah uga socdaa gudaha madaxtooyada soomaaliya kaasi oo ku aadan cida qabaneyso xilka wasiirka kowaad ee Xukuumada Soomaaliya .
Wixi kusoo kordha wararkaan kala soco Warsheekh.com
Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale caqabad culus soo wajahday.
Xildhibaanadi kutaageeray madaxweyne Xasan Sheekh inuu kataquluso xukuumadi Saacid iyo xildhibaanadi kale ee iyagana marki hore taageersanaa ra'isul wasaare saacid ayaa waxey isku aragti ka noqdeen ra'isul wasaaraha cusub oo la doonayo iyo