Maalinba Waa Meel! (FAALLO)

0
Sunday December 15, 2013 - 22:22:40 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Maalinba Waa Meel! (FAALLO)

    Waxaa jiray beri ay aheyd Kaamil aan kala go' go'neyn, . Waxaa xigay beri hammigu ahaa soo celinta kaamilnnimada dhulka sida ka muuqato Calanka Buluugga ee leh Xiddigta shanta gees wadata. Waxii ka horreeyay 1884tii gayigaan waxaa ka jiray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa jiray beri ay aheyd Kaamil aan kala go' go'neyn, . Waxaa xigay beri hammigu ahaa soo celinta kaamilnnimada dhulka sida ka muuqato Calanka Buluugga ee leh Xiddigta shanta gees wadata. Waxii ka horreeyay 1884tii gayigaan waxaa ka jiray dhul is heysta iyo dad mida Balse waxa bilaabatay xilligaas kadib in dhulkii la qabsaday sida meelo badanba loo qabsaday.. Waxaa dhacay hooggii isticmaarka keenay. Halganno badan oo nafhuridi wadato ayaa keenay in waddamadii la qabsaday qaybo badan oo ka mida ay Calamo helaan..Qaarna la kala qaybshay si dhibka uuna u dhammaan.

Waxaa jiray is curjin iyo is riix-riix xooggan kuwaas oo soo jiitamaayay, ahaana is dabayaal.
Adduunka guud ahaan waxaw soo maray xilliyo kala duwan, dagaalladii caalamigaa kadibna waxaa bilawday dagaalkii qaboobaa ee Adduunka kala qaybiyay, Xilligaas markaad jalleecdo waxaad mooddaa inuu jiray dheellitir siyaasadeed kutlado kala fikira lehna miisaan awoodeed simman. Waxaan qabaa haddii xaalka saas ku sii negaa lahaa in dunida weji kale lahaan laheyd, waase la kala badshay.

Waa dhexe caalamku wuxuu ku dhawaaday inuu noqdo mid...Casru cawlama "Globalization".Kaasoo laftiisa dhibkiisa, iyo dheeftiisaba la yimid. Haddii shalay aad tuuladaadi ku badbaadeysay maanta Maya. Waxaa yimid technolojiyo isku xirta adduunka dacal ka dacal ,meeshaad joogtana laga ogaan karo.Waxaa yimid Farsamo leh laba weji oo kala geddisan : Selbi iyo Ijaabo (TOGAN IYO TABAN): Waa marka adduunyadu is-dhexgasho, oo feker, badeeco iyo dadba is dhex maraan. Is dhexgalkaan yimid kolleey waxaa uun faa'ida ku qabaayo cidda leh Aqoon caqliyeed iyo mid farsamo ,waxa uun kol walbaa laga macaashaayana waa inta huruda...Waa nin seexday, sicii dibi dhal!.

Haddii damaceennu shalay ahaa Kaamilnimo Midaw Soomaaliyeed, maanta danta ,duruufaha iyo ifafaallada jiraa yiri maya! Beri waa halkeed. Wax baa dhacay oo diiday, kana horyimid taas..Taasoo hammigeedu yahay kala yaryareynta Bilawgii Kaamilnimo. Waa Adduunyoo maalinba waa meel.. Maantana saaseey joogtaa berrina yeelkeed..Muhimadda maanta waxay tahay in danta iyo waayaha lagu jiro la garto lagana baxo qayaaliga maanka lagu haayo loona qumo caddaalad iyo sixitaan wixii khaldamay, laysagana garaabaa wixii xumaan dhacay lana daba qabtaa waxa haray.Waxaa layska rabaa uun in maanka lagu haayo shalay wixii dhacay..Maantana loo kaco waxa na horyaal oo ka fikir iyo taxaddar badan u baahan, Berina la tilmaansado halka dhaanka loo rarayo,ee maahan uun in maanta lagu yuurursado. Waxaa loo baahan yahay aragti qota-dheer.

Balse muhimadda hore waxay tahay hawsha maanta taal in aan dib loo dhigin, Haddii
taas timaad waxaa dhacaayo dib u dhac aan ka soo kabasho laheyn...waxa ku horyaal in aan dib loo dhigin oo toos loo abbaaro taasna waxa qabo oo ku soo arooray Xaddiisyo badan, Hiddaha iyo dhaqanka suubban ee ummaddana waxaa laga dheehan karaa murtiyo badan oo arrinkaas ku saabsan sida "Hawl aan ku hureyn horaa loo qabtaa".

Akhristoow bal haddana ila jalleec qayb gaaban oo ka mida Maansooyinkii Waayeelkii Suugaanta Rabbi ha u naxariistee X.Aaden Afqalooc waxaana ka mida:-

"Zamman tegey mid soo socdiyo
saakay waxa jooga
Seddexdaa wax yaa lagu
sifeeyaa xaal adduunyaade
Soo noqod ma jiro shalay
wxii saadufoo dhacaye
Berri iyo saadambena
waa su'aal maqane
Waxay taladu kuu suuban tahay
Subaxaad joogtaaye".

Waa murti aan darsi fiic
an ka baran karno haddaan miyir u yeelanno.. Waxey la micno tahay fikirka carbeed ee yiraa "Laa Tu'ajil camalal yoom ilal qad" oo micnaheedu yahay dib ha u dhigin hawsha maanta.

Waxaan shaki ku jirin in qofka maanta Siyaasadda horsocdaa mahoow rabo ha joogee inow la kulmaayo waxyaabo lagu qalqaalihaayo kuwaasoo jahwareer weyn ku abuuraayo , xagal daacinna ku sameyhaayo gudashada hawshaas culus ee horseedka laga yahay. Waxaa kaloo jiro waxyaabo badan oo maanku garan karin...Waxaa uun aragnaa shaak wareegaayo oo aaney muuqan quwadda riixeysa.

Waxaa muuqdo tammar xoog badanoo ili ma aragtaa...Kana hooseeysa tan Mawlaheen...Taas oo ah midda tamwiilineysa waxa socda, haddana kala socda.
Marmar ayaad is weydiihee sida xaalka adduunku u socdo...kolkolna waxaaba kuu soo baxaayo in ay jiraan khatarro halis badan oo nagu wada gudban..Kolkaasaad caqliga waxaas ku tusay hiifeysaa ood leedahay "maxaa i tusay khatarrahaan cabsiyaha wata.".

Waxaad arkee ama kuu muuqaayo [Quwado Sheydaan heshiis kula jira..Kuwa Heshiis kula jira waxa la yiraa ....iyo.kuwa Super powerka jira u adeega...iyo kuwa weli qarsoon barta ay jiraan..Iyo Kuwa qaar ka itaal hooseeya u adeegaaya aananba ogeyn xaqiiqda seey tahay ,kanaba war qabin iyaga itaalkooda.Ogow heshiisyada la galaa ma lahan ka bixid.. Hoheey...iyo Hoheey.

Arrimahaasna waa uun jahawareerka Siyaasadeed iyo masaalixeed ee dunida, Middaas oo kaa cabsigeliheyso in aad adiga aayahaaga u tashato, kuguna qasbeyso inaad uun noqoto mid la tilmaaamaayo..Arrimahaas iyo kuwa kaloo qarsoonba waxay keeneen in ay adkaato is waafajinta dantaada gaar iyo midda lagaa leeyahay.

Arrimahaas markeey ii muuqdaan waxaa qalaw igu soo dhahaayo Gabayada xigmadda badan ee Professor Cali Jimcaale kuwaas oo intooda badan tilmaamaayo duruufaha nagu xeeran iyo dhibaatooyinkooda, Haddiise dhug loo yeesho iyagu nama dhigaaayaan raja beel ee waxay tilmaamaayaan in la helo xilmi xal u ah Halxiraalayaasha jira. Gabay lagu magaacaabo "selves Divided" ama "nafaf la kala qoqobay", waxa uu ku sheegaya Cali Jimcaale baahida loo qabo caqli, cindi iyo cudud mideeysan, haddii la rabo in laga feejignaado murugo iyo mashaqo ummaddoo dhan wada harqisa. Waxaan tusaale usoo qaadanaayaa tuduc ka mid ah gabayga hoos ku xusan:

Compressed from all sides
Like tiny seeds in undue struggle
For sunshine the parts squeeze
Rending the abode into
Teeny bits and pieces
Hurling all to the open
Where divided they remain
And at the mercy of a scavenger.

Iyadoo laga tusaale qaadahaayo taariikhaha qoran iyo kuwa qoyan,waaqicana la raacaayo caaddafifaddana laga fogaahaayo ayaa loo baahan yahay si miir qab leh,taxaddar caqli iyo farsamaana ku jirto looga gudbaa dhibahaan kala jeeda . Si la mida sida uu qabo Professorka oo ah in laga digtoonaado dhibaato aan cidna u aabayeeli doonin. Waxaa la yiraa "daad intow san ku soo gaarin ayaa la iska moosaa." Waa balaayo dabo la qabta maleh ee waxay leedahay fool ama weji la qabto.

Waxaan ku jirnaa waa dawaamo aan irid laga baxaa laheyn..Allow na bixi. Kolleey Awoodda Rabbi ka sukoow ...Haddii culeyska bato waxaa dhacaayo wax la yaqaan.. Ummaduhu iyagaa awoodda leh marka xaalku xumaado..[Inkastoo iyagu yihiin shacab deggen.,haddana dhiifoon. Kolleey waxaa dhaba in "In aan Rabbi bedelin ummad haddii ayna iyagu is bedelin".

Waxaad dhihi kartaa: Kaamilnimo waa halkeed, waxaa maanta loo kala kudaa waa wax mustawrad nagu ah..., Waa qaybo naga mida waxa stilkaas u kala kudaayo dhibihii dhacay waxay keeneen in qaybo ka mid ah dhulkii dhismo, qaybana sidoodii hore ka sii hoos maraan. Waxaa uun muhiima in deegaan kastaa tiisa daryeelo, kadibna laysugu yimaad midda guud. Horaa loo yiri, "Naftiis gabe naf kale ma kalkaalo."Meelaha qaar waxay joogaan cidi uma maqna ceelna uma qodna.. Kuwaas oo weli aaminsan maahmaahda laga isticmaalo geeska Africa ee tiraa "Af Daboolan Dahab". Bal nafeey adiga is-dhugo, duruuftaada deymo hor leh u celi. Is qiimeey oo is-weydii, "yaa u maqan oo kuu maqan"? Dhimirkaaga kaasho oo isla xisaabtan. Dad waxow liita kii naftiisa dhagra. Dhibka muuqda kii arkayow, arrin kalena kuu laaban. Waa adduun iyo wacdarahiis, waa halxiraale haddana furan. Waa baahi loo qabo Qodaxtool. Hoheey, Maalinba waa meel.

Qoraalkaan kooban waxaan ku soo qatimaa qayb gaaban oo ka mida Maansadii
"Sirta Nolosha" ee Abwaan M.I.Warsame "Hadraawi" tiriyay, waana tan:-

Saran seerka jiilaalka
Sur bacaadka jaawweynta
Sumal haadka roob waaga
iyo solanka daaduunka
cirka oo sabaad guuray
dhulka oo hawaday siigo
iyo dogobo soog soogan
Marka beladu sooyaanto
Saadaashu beenawdo
saca nuguli kaa leexdo
adna sebenka raac maaha.

Xuseen M.Cabdulle"Wadaad"
huswadad@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip