TIMIR LAF BAA KU JIRTA!! (Faallo)

0
Tuesday December 30, 2014 - 18:09:09 in Wararka by
  • Visits: 2435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TIMIR LAF BAA KU JIRTA!! (Faallo)

    Cinwaanka Maqaalkan waxaan ka soo qaatay warbixinnadii uu afhayeenka Amisom Col. Cali Aadan Xumad uu siinayay warbaahinta Gudaha iyo kuwa Caalamiga, waana xilka ay saartay IGAD maadaama ay tixgelineyso Ra'yul Caamka ayaa waxay goosatey inay xilk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cinwaanka Maqaalkan waxaan ka soo qaatay warbixinnadii uu afhayeenka Amisom Col. Cali Aadan Xumad uu siinayay warbaahinta Gudaha iyo kuwa Caalamiga, waana xilka ay saartay IGAD maadaama ay tixgelineyso Ra'yul Caamka ayaa waxay goosatey inay xilkaas u dhiibto qof ka mid ah dowladaha IGAD oo waliba Af Soomaaliga ku hadla kaasina waxaa uu noqday Muwaadin Jabuutaawi ah.
Markii IGAD ay Dowladda Jabuuti weydiisatay lana hor dhigtay dalabkaas, taladu kuma ekaan taliska Militariga Jabuuti oo kaliya balse hoggaanka toosan ee Jabuuti ayaa lala socodsiiyay si loo ogaado in qofkaasu uu noqdo qof dhowraya sharafta dowladda Jabuuti ee uu hoggaamiyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhammaan si xilkaas uu u qabto qof dhowra xurmada bulshaweynta Af Soomaaliga ku hadasha, ururka Islaamka iyo sharafta IGAD.
 

Qof Askari ah ee lagu soo tarbiyadeyay Dishibiliin hagaagsan ee Militari xurmeynaya Afrika iyo Muwaadininteeda aanana marnaba oggolaaneyn in been loo sheego caalamka, Geesinimana muujinaya markii saxaafadu weydiiso su’aalo ku saabsan Amisom oo uu Afhayeenka u yahay. Soomaalidu dhammaan kuma hadasho luuqad aan Af Soomaali ahayn badankood. In yar " Elite " mooyaane oo nasiib u helay inay af shisheeyeye bartaan gaar ahaan af Ingiriisiga. Waxaa laysla gartay ururka IGAD in xilkaas loo dbiibo qof Soomaali ah oo garanaya Afka Soomaaliga iyo kan ajaanibta. ujeeddooyinka su’aalaha loo weydiinayo oo aan loo hoos gelin Karin su’aalo marin habaabinaya sida waagii uu Bady Akuuna ahaa afhayeenka Amisom oo ku hadli jiray af Ingiriisi oo kali ah inta badan Ra’yul caamka Soomaalida aysan garan Karin waxa uu leeyahay iyo inuu gees maray su’aalihii la weydiinayay.

Markii la weydiiyay Col Cali Aadan Xumad Afhayeenka Amisom sidii ay ku dhacday in Amisom oo ah meel ciidan xoog lihi ku nool yahay ay ka dhisan yihiin safaarado shisheeye ayna marar badana ku hoydaan wufuud caalami ah ay ugu suura gashay koox dhallinyaro Al Shabaab ah inay si fudud u soo galaan xeradaas.

 

Col Cali Aadan Xumad- afhayeenka Amisom wuxuu ku jawaabay: Timir Lafbaa ku jirta, jawaabtaasu waxay ahayd jawaab edboon oo aan dharbaaxo iyo Aflagaado midna u geysan taliska Amisom. Waxaa aad iyo aad yaab u lahaa in xerada Amisom la soo galo iyadoo habeenkaa loo dabbaaldegayay Ciida Kiishtaanka ee 25 December. Habeen wuxuu ahaa in xerada oo dhan ay ku heeraarsanadaan ciidamo fiijigan ee xurmieynaya talisyadoodi sare ee Uganda iyo Burundi kuwaasoo noo soo huray dhiiggoodii iyo dhacaankoodi si ay u daafacaan Soomaaliya.

 

Haddaba isla markii warku gudaha Soomaaliya iyo dibaddaba uu ku faafay waxaa isla markiiba ka soo baxay taliska Amisom in Col. Cali Aadan Xumad laga qaaday xilkii oo haatan ka dib hadalkii uu ku hadlo isaga kaliya uu khuseeyo iyadoo aanay wax cabasho ahi ka soo bixin ururka IGAD oo iyagu u dhiibay Col. Cali xilkaas.

 

Hadalkaas iyo tallabadaas Amisom qaaday miyeysan qofka akhrinaya Wargeysyada iyo Idaacadaha garaneyn in taliska Amisom aanu dooneyn marnaba in la dhaliilo oo uu doonayo in uu habaabiyo ra’yul caamka gudaha iyo kan dibadda.

 

Waxaan aad u hubaa in Madaxweynaha Uganda iyo kan Burundi aanay u dhadhameyn tallaabada degdega ah ee aan ka fiirsashada lahayn ee taliska Amisom ee Muqdisho Qaaday. Si gaar ah haddan uga hadlo Yuweeri Musaveni madaxweynaha Uganada oo ah xiddig bartamaha uga yaal ururka IGAD inuu Muqdisho yimid oo holcaysa kolkaasoo ay soo dhaweeyeen Maleeshiyadii SNA ee Jen. Ceydiid. Madaxweyne Yuweeri Musafeeni wuxuu naftiisa u huray shacabka Soomaaliyeed badbaadintiisa iyo heshiisiinta Jen. Ceydiid iyo Cali Mahdi si shacabka Soomaaliyeed ay nabad ugu nooladaan, una helaan hoggaan hagaagsan oo Dimoqraadi ah oo aan qabyaaladu soo dhex geli Karin balse danta guud ee Soomaaliya,

 

Afrika iyo shucuubta dumida. Waxaan hadalkeyga ku soo koobayaa in ururka IGAD aanu fududeysan tallabadaas gefka ah ee taliska Amisom uu qaatay. Taliska Amisom waa inay ogaadaan in ciidamo Jabuuti ah oo jooga Hiiraan aanay u joogin la dagaallanka Shabaab oo kali ah balse ay tababareen ciidamo Milatari ah oo kaalin weyn ka qaadan kara difaaca Hiiraan iyo meel kastoo looga diro Soomaaliya.

 

Waxaan kun goor raalli ahaada ku oranayaa shacabka Jabuuti, Madaxweynaheeda Ismaaciil Cumar Geelle oo ahaa ninkii ugu horeeyay oo madax ah oo Xamar cagta soo dhiga iyadoo nabad ahayn. Maalintii labaadna oo ka soo degay garoonka Aadan Cadde, Ra’iisul wasaarihii Turkiga markaas Rajib Dayib Ordogan kuwaasoo adduunka tusaaleeyay inaaney Muqdisho ama Soomaaliya ahayn meel bahala galeen oo aan la soo geli Karin.

 

Markaa ka dib waxaa bilowday in wufuud badan oo caalami ahi ay Soomaaliya yimaadaan kana tirtiraan Ra’yul caamka caalamiga ah fikrada qaldan ee laga siiyay Soomaaliya. Col Cali Aadan Xumadow shacabka Soomaaliyeed waxay ku leeyihiin kun jeer raalli baan kaa nahay weligeenna kuma hilmaami doono

W/Q Siciid Cabdisalaam Ismaaciil

E-Mail Saciidcabdisalaam@Hotmail.Com

Tel 00252618517969

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip