Magaalada London oo siweyn loogu xusay Suubanaha (NNKH) "Sawiro)

0
Sunday January 12, 2014 - 21:21:23 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2230
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada London oo siweyn loogu xusay Suubanaha (NNKH) "Sawiro)

    Waxa Magaalada London gaar ahaan South East lagu qabtay taariikhda marka ee aheed 10 Rabi al-awwal 1435 kuna beegneed 11 january 2014 xaflad lagu weyneenayay dhalashada nabi Maxamed (NNKH)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Magaalada London gaar ahaan South East lagu qabtay taariikhda marka ee aheed 10 Rabi al-awwal 1435 kuna beegneed 11 january 2014 xaflad lagu weyneenayay dhalashada nabi Maxamed (NNKH) Xafladaani oo aheed mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxa kasoo wada qeybgalay culuma’udiinka Ahlusunah Waljamaac kuwaasi oo isaga kala yimid dhamaan gobolada dalkaan Ingiriiska.

Dhamaan Culimadi kahadashay xaflada ayaa kudheeraaday ka sheekeenta siirada Rasuulkeeni Maxamed NNKH iyadoo sidoo kale dhamaan dadki kasoo qeybgalay oo isugu jiray, Culuma’udiin, Aqoonyahano, Odoyaal, Haweyn, Dhalinyaro oo dhamaantood ka maqsuuday muxaadarooyinki qiimaha badnaa ee soo jeedinayeen Culimada..

Qaar kamid ah magacyada Culimadi kahadashay Meesha
Shiikh Maxamed Kulmiye Axmed
Shiikh Axmed Xuseen Shiikh Axmed Caato
Shiikh Cali Lobagey
Shiikh Cumar Xuseen Axmed
Khaliif Maxmed Cilmi

Waxaa sidoo kale mesha xaflada ka socoto lagu casuumey shiikh bakar oo u dhashey wadanka sudan kana hadley sifadi Nabi Maxamed (NNKH) isagoo kuhadlaayey luqada Ingiriska iyo Carabiga

Dadki ka so qebgaley ayaa u riyaqey qasatan dhalinyarada ku dhalatey wadanka Uk ama ku korey ey ku adagtahey in ey wax ku fahmaan afka somaliga.


Waxaa gaba gabadi ka daceeyey Xaaji Cali Jarmal oo ka mid ah OdoyaashaDuqowda dhanka ee Soomaalida ee wadanka uk

Jawi aad u wanaagsan ey ku soo dhamaatay

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan




    Wabilahi Towfiq
W/D: A/rahman M. Mahamud (Cabdi yare)

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip