Ooyinti Mario Balotelli oo shaki iyo walaac kusii abuurtay Guuldaradi Milan

0
Sunday February 09, 2014 - 12:10:59 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ooyinti Mario Balotelli oo shaki iyo walaac kusii abuurtay Guuldaradi Milan

    Kooxda Napoli ayaa xalada ku xumaysay kooxda AC.Milan iyo tababare Seedorf kadib markii ay 3-1 ku garaaceen ciyaar ka dhacday garoonka Napoli ee Stadio San Paolo kulan ka tirsanaa kulamada 23 ee horyaalka talyaaniga, Higuain ayaana ka caawiyay kooxda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Napoli ayaa xalada ku xumaysay kooxda AC.Milan iyo tababare Seedorf kadib markii ay 3-1 ku garaaceen ciyaar ka dhacday garoonka Napoli ee Stadio San Paolo kulan ka tirsanaa kulamada 23 ee horyaalka talyaaniga, Higuain ayaana ka caawiyay kooxda Napoli inay u awood sheegato dhigeeda AC.Milan.


Milan


daqiiqadii 8 kooxda AC.Milan ayaa la hormartay goolka koowaad waxaana u dhaliyay laacib kooda cusub ee Adel Taarabt kadib markii uu si xoogan ugu shuuday kubad uu kalasoo cararay qadka dhexe isagoona watay ilaa uu ka dhaliyo goolka, balse 11 daqiiqo kadib ayeey heshay Napoli goolka bar baraha kaas oo ahaa mid ka mid ah goolasha ugu qurxoon horyaalka talyaaniga xili ciyaareed kaan waxaana u dhaliyay Gokhan Ilner kadib markii uu ka dhliyay kubad qiyaamo aheed isagoo joogo banaanka hore ee xerada ganaaxa shuudkiisii ayaa si toos ah ugu gudbay goolka, ciyaarta ayaana lagu kala nastay 1-1.

Qaybtii danbe kooxda Napoli ayaa aad uga awood badneed kooxda AC.Milan iyagoo durbaba hogaanka u qabtay ciyaarta, 56 daqiiqo Gonzalo Higuain ayaa u dhaliyay goolka labaad isagoo ciyaarta ka dhigay 2-1 kadib markii uu madax ku dhaliyay kubad uu usoo qaaday Inler, xiligaas kadib Milan ayaa isku dayday inay soo bar barayso ciyaarta laakiin umasuuro galin Mario Balotelli ayaana ka qasaariyay fursad fiican oo ay ciyaarta ku bar barayn kareen.

82 daqiiqo Higuain ayaa hurdo u diray ciyaarta kadib markii uu dhaliyay goolka 3 ee Napoli, Callejon ayaa baas fiican u dhigay Hamsik isagoona u sii dhigay Higuain oo isna sii daba mariyay gool haye Abbiati, ciyaarta ayaan ku soo idlaatay 3-1 oo ay guushu ku raacday kooxda Napoli.

Arinta layaab ka leh ee ka dhcday ciyaarta ayaa aheed markii ay kaamirooyinka qabteen Mario Balotelli oo oynaya markii labadalay kadib isagoo fadhiya kursiga Hadaba Halkaan Hoose Ka Fiiri Sawirka Balotelli oo oynaya.

Balotelli


Hasa yeeshe tababaraha Milan Sedrof ayaa tilmaamay in ooyinta Mario ee tahay wax aan kubada ku cusbeen oo un ee xamaasad keenaatay.

Balse waxa xusid mudan in jaraa'idada italy oo dhan saakay ee wajiga hore soo saareen Mario oo ooyin kadaalay habeenki xalay walow wili laga war dhoorayo inuu arintaa ka jawaabo laacibka madowga ah ee reer Talyaani


laacib.net

 


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip