Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa markii ugu horeysay waxaa uu iska fogeeyey lahaanshaha barta Facebook ee ku furan magaciisa " Abdi Farax Shirdoon (Saacid)" kuna tilmaamay been abuur magaciisa lagu sameynayo. Abdi Farax Shirdoon ayaa waxaa uu sheegay
inuusan laheyn facebook-ga magaciisa wata oo dhawaan laga soo xigtay
sawir lagu durayey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud kaasi
oo ahaa mid laga soo qaaday maalin la aasayey dadkii ku geeriyooday
weerarkii madaxtooyada balse uu madaxweynaha Xaflada Sanad guurada
Ciidamadda Asluubta uu uga qeybgalay taaso ka dhacday magaalada
Muqdisho. Iyaddoo uu sawirkaasi macno siyaasadeed badan laga fasiray
markii lagu arkay barta facebook ee uu iminka beeninayo inuu iska
leeyahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon
(Saacid)
" Aniga ma lihi wax Facebook ah waxaana jira dad
magaceyga ilaa maalintii aan xilka Ra'iisul wasaare qabtay ilaa hadda oo
anan xil dowladeyn heyn sameystay oo sida ay rabaan u isticmaalaya.
Haddaba waxaan rabaa in aan shacabka oo dhan uga digo arrintaasi si
aysan ugu qaldamin, oo aysan ugu qaadan in aan aniga ahay qofkaasi" ayuu
ku yiri Warsaxaafadeed kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Shirdoon.
Waxaa
uu intaasi ku daray in ay soo gaareen maalin kasta fariiso sheegaya in
bar magaciisa ku furan la soo dhigo sawiro iyo warbixino la huwinayo
inuu isaga soo gudbinayo, taasi buu yiri ay dad badan u qaateen inuu
isaga yahay. Gaar ahaan waxaa uu iska fogeeyey sawirkii dhawaan lagu
baahiyey facebook ee Madaxweyne Xasan ku saabsanaa kaddibna ay
warbaahinta soo xigteen kaasi oo fariimo badan ka helay.
"
Sawirada la soo dhigay iyo warbixinada magaceyga lagu soo gudbiyo ee
facebook waxaan sheegayaa in aanan aniga shaqo ku laheyn, waxaana ugu
danbeeyey oo aan cadeynayaa sawirka la sheegayo in madaxweynaha laga soo
gudbiyey isaga oo kulan ka qeybgalaya in aanan waxba kala socon" ayuu
yiri Saacid oo ugu baaqay dadka magaciisa isticmaalaya inay arrintaasi
ka waantoobaan.
" Walaalaha magaceyga sida qaladka ah u
isticmaalaya waxaan ka codsanayaa inay i xushmeeyaan oo aysan been iga
faafin,ummada kale iyo madaxdana ujeedooyin guracan oo ay ka leeyihiin u
isticmaalin magaceyga."
Dhinaca kale warbaahinta Soomaalida ayuu
ka codsaday inaysan iska soo xigan baraha aysan xaqiijin karin cidda
isticmaaleysa oo aysan qof aanba waxba ka ogeyn u saarin xumaan iyo
ammaan meeshaasi lagu soo gudbiyo. Wixii isaga ay gaar wax uga
weydiinayaana ay la soo xiriiri karaan.
" Waxkasta inay iska
hubiyaan inta aysan baahin ayaa looga baahan yahay warbaahinta, maxaa
yeelay cid xaqiijin karta ma leh magaca iyo sawir qof leeyahay oo ciddi
isaga sameysato facebook kadibna wixii ay doonto ku faafiso. Sidaasi
darteed waa in wixii aniga igu saabsan oo ay meelahaasi oo kale ku
arkaan ila soo xiriiraan oo ay wax iga weydiiyaan inta aysan bulshada
beentaasi gaarsiin." ayuu yiri Saacid oo hadlayay.
Ugu danbeyntii
Abdi Farax Shirdoon (Saacid) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay
ka qeybqaataan nabada iyo dib u dhiska dalkooda, islamarkaana u rajeeye
y inay guul iyo midnimo ku gaaraan sanadka danbe.
Ra'isul-wasaarihii hore ee dalka oo iska fogeeye sawir barta Facebookiisa lasoo dhigay "War-saxaafadeed"
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa markii ugu horeysay waxaa uu iska fogeeyey lahaanshaha barta Facebook ee ku furan magaciisa " Abdi Farax Shirdoon (Saacid)" kuna tilmaamay been abuur magaciisa