Magaaladda Baydhabo ee Xarunta gobolka bay maalmihii ugu danbeeye waxaa ka jiray xiisado siyaasadeed oo iska soo horjeedo xilli magaaladaasi doorasho lexda gobol ee Koonfurta ay kadhacday laaguna doortay Madaxweyne. Doorashadii ka dhacday Magaaladda kadib ayaa waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya cadeysay in aysan taageersaneen doorashadaasi lagu doortay Madoobe nuunoow islamarkaana ay taageereyso maamul ka kooban sedex Gobol.
Maamulka ka kooban sedexda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya la rabo in la dhiso ayaa waxaa u ololeenayo Gudoomiyihii Hore Baarlamaankii kumeeel-gaarka ahaa ee Shariif Xasan Sheikh aadan halka Madaxweynaha Cusub ee loo doortay Maamulka Lexda Gobol ee Koonfurta Madoobe Nuunow oo ku adkeesanayo in uu asaga maamulka haayo maamul kalana ayna soconeenin in laga dhiso Baydhabo.
Xaaladda oo ah mid sidaasi u cakiran ayaa hadana waxaa jiro in aad u yaraanayaa dhaq-dhaqaaqyadii Ganacsi iyo waxbarasho ee ka jiray magaaladda ayadoona ay iminka xaaladdu ay tahay mid kacsan oo aan laheyd sal ay ku fadhiso.
Dhanka kale Ciidamada Ethoipia ayaa gacanta ku haya ammaanka Magaaladda aydoona Shariif Xasan iyo wafdigiisa oo soo gaaray Baydhabo si weyn ay uga soo hor-jeesadeen taageerayaasha Maamulka lexda Gobol ayna wadaa banaan baxa ka
dhanka ah Shariifka.
War qoraal
ah oo saacado ka hor uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Shariif Xasan
ku beeniyay eedeynta ku aadan inuu hub kala soo degay garoonka Baydhabo,
isagoo cadeeyay in aanu marnaba raali ka aheyn inuu dhib horseedo, hase
ahaatee waxaa uu xusay in mowqifkiisa aanay jirin wax iska bedelay,
isla markaana uu sii wadayo dadaalkiisa dhismaha Maamulka saddexda Gobol.
Sikastaba maalinta Khamiista ayaa qorshuhu waxa uu yahay in la doorto
Hogaamiyaha Maamulka saddexda gobol ee Koofur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo tani ay
jawaab u noqoneyso doorashadii Madaxweynaha Maamulka Lixda Gobol ee
todobaadyo ka hor ka dhacday Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Xaalad kacsanaan ah oo ka taagan Baydhabo iyo dhaq-dhaqaaqa Magaaladda oo siiyaraanayo "Xog-qarsoon"
Magaaladda Baydhabo ee Xarunta gobolka bay maalmihii ugu danbeeye waxaa ka jiray xiisado siyaasadeed oo iska soo horjeedo xilli magaaladaasi doorasho lexda gobol ee Koonfurta ay kadhacday laaguna doortay Madaxweyne.