Ciyaaryahanka Muslimka ah Ba oo Chelsea kuhogaamiyay Guul Taariikhi ah

0
Tuesday April 08, 2014 - 23:41:26 in Sports by Web Admin
  • Visits: 1959
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahanka Muslimka ah Ba oo Chelsea kuhogaamiyay Guul Taariikhi ah

    Gool uu waqtigii dhimashada ciyaarta dhaliyay Demba Ba ayaa u xaqiijiyay Chelsea inay xaqiijisato booskeeda semi-finalka Champions League ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen PSG taasoo ka dhigtay inay ku soo baxaan sharciga goolasha martida madaama la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gool uu waqtigii dhimashada ciyaarta dhaliyay Demba Ba ayaa u xaqiijiyay Chelsea inay xaqiijisato booskeeda semi-finalka Champions League ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen PSG taasoo ka dhigtay inay ku soo baxaan sharciga goolasha martida madaama labada lug ay ku dhamaatay barbaro 3-3 ah.
Tababare Jose Mourinho ayaa kulankaan ku soo bilaabay Samuel Eto’o kaasoo taam u noqday kulankaan, halka Cavani uu buuxinayay booskii uu ka maqnaa Ibrahimovic.

Eden Hazard ayaa ka dhaawacmay Chelsea daqiiqadii 18aad taasoo keentay inuu bedelo Andre Schurrle, Chelsea ayaana labo fursadood heshay oo abuureen David Luiz iyo Lampard ka hor inta aysan hogaanka u qabanin ciyaarta.

Xiddigii bedelka ku soo galay Schurrle ayaana hogaanka u dhiibay kooxda Blues markii uu helay kubad uu soo taabtay Luiz taasoo u saamaxday inuu shabaqa ku hubsado daqiiqadii 32aad ee ciyaarta.

Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.


 
Chelsea ayaana labo fursadood oo halis ah heshay labo daqiiqadood oo isku xigta daqiiqadihii 52aad iyo 53aad. Eto’o ayaa kubad u dhiibay Oscar, kaasoo kubada u sii dhiibay Willian, isna waxa uu u soo celiyay Schurrle kaasoo darbo fiican goolka la beegtay waxaana ka soo beenisay birta goolka.

Daqiiqadii ku xigtay waxaa Chelsea afka hore ee xerada goolka loo dhigay laad xor ah waxaa u soo istaagay Oscar kaasoo isna kubada birta ku dhuftay.

Chelsea ayaana neef weyn ay ka soo fuqday markii ay heleen goolkii labaad ee ciyaarta ee u soo saarayay semi-finalka Champions League markii kubad uu soo taabtay Torres uu shabaqa meel kore ka geliyay xiddiga bedelka ku soo galay Demba Ba.

Demba Ba goolkiisa ayaana Chelsea u xaqiijiyay booskooda semi-finalka Champions League iyagoo ku soo baxay goolasha sharciga goolasha martida madaama wadar ahaan labada lug ay ku dhamaatay 3-3.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip