Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen Bedesha curadka u ah Abgaal cusmaan ee Rati abgaal, ayna ku mideysnaayeen qeeybaha kale ee beesha abgaal oo aanan cidi ka maqneyn, ayaa waxaa siweeyn loogu jeexjeexay 3 Qodob oo kala ahaa Midnimadda beesha abgaal cusmaan iyo Taagerro loo fidiyay laguna muujiyay Cod dheer iyo in baaq deg deg ah loo jeediyo Xubnaha golaha baarlamaanka federaalka ugu jira beesha abgaal, ayaa waxaakulankasi ka hadlay imaamka Beesha abgaal Cusmaan Imaam Maxamed Yuusf Cali , ugaaska Beesha wacbuudhan, Ugaas maxamuud Cali Ugaas iyo Suldhaan Maxamed cabdi shiddo, kuwaasi oo ugu Horeyn u hambalyeeyay ka soo qeybgalayaasha kulanka iyo cidii soo qabanqaabisay, waxayna sheegeen inay taasi ku abuureyso faraxad weeyn iyo isku kalsoonaan beesha dhaxdeeda, taas oo ka turjumeyso xoojinta iyo walaalnimadda Midnimadda Beesha abgaal cusmaan.
Kulankaan oo ahaa mid si aad ah u sareeyay qabanqabadiisa iyo isku dubaridkisa ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay xubno iskugu jiray Xildhibano hore xilal uga soo qabtay dalka ,kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen, ex Xildhibaan Drs Ruqiya cali cabdule, Ex Xildhibaan Cabdulaahi geedi shadoor, Ex Xildhibaan Xuseen Xabeeb, Ex Xildhibaan Xasan cali waranto iyo xubno kale kuwasi oo iyagana sidaas oo kale ku ayiday xubnihii doobabka dhaqan ee ka horeyay, waxayna hoosta aka xariiqeen in ay waajib muqadas ah ay tahay midnimadda iyo wadajirka beesha abgaal cusmaan, madaxweynaha Dawladda federaalka ah ee soomaliya xasan sheikh maxamudna uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee dawladda soomaliyeed, iyadoo sharcigana uu dhigaayo in uu jagadda madaxtinimadda uu sii haynaayo mudadda u dhiman ee labadda sanno ee soo socota, ahadi uu alla Idmo, xiliaag uu ku began in uu dalku galio doorasho xor ah cidkasta ee daneyneysa madaxtinimada dalkana ay u diyaargarowdo in ay qeyb ka noqoto musharaxiinta xiligaas haddii ladooranaayo iyo hadii kale, balse haatan ay dhinac iska dhiogto in ay ku mashqulsho Mootion aanan loo baahneynin.
Xubnahaasi waxaa kaloo ay baaq deg deg ah u jeediyeen Tiradda Xildhibanadda ee beesha abgaal uga jirta baarlamaanka federaalka ee xiligaan, iyagoo uga digay inay cagaha dhulka sifiican u dhigtaan oo ay ka fogaadaan wax aanan lala wadin wixii ka yimadaana ay masuuliyadooda yeelan doonaan, iyagoo xusuusiyay in Xildhibanadasi ay ka soo dhaxbaxeenBeesha abgaal cusmaan, doobabka dhaqanka ee beeshana ay ahaayeen kuwii u dhiibay xilka ay manta haayaan oo ay ku fadhiyaan Xubnaha baarlamaanka, iyagoo u dhaartay in ay dalaka iyo dadka si cadaalad ah ugu shaqeynayaan, haddii ay taasi beeneeyaana ay waajib muqadas ajh ka dhigeyso in doobabka dhaqanka ee beesha ay ka qaadankaraan Go,aad adag.
Sidoo kale intii lagu guda jiray kulankasi ayaa waxaa sidoo kale ka ahadalay xubno can ka ah beesha abgaal dhexdiisa, kuwaasi oo kala ahaa ,Nabadoon, Xasan macalin,Shamsa cali maclain,Nabadoon axmed Muxumed axmed jowhar,Nabadon,Axmadey kabiiroow,Nabadoon C/Raxmaan axmed Cabdulle, Qaloosh,NabadoonMaxamed Muuse Maxamed Abooto,Nabadoon,Xuseen Guure Calasoow,Nabadoon Cali xuseen xaayoow,Nabadoon,Xaaji Cumar Qoorey,Nabadoon,Axmed maxamed kaanti,Nabadoon Cumar Ibrahim Cosoboow,Nabadoon shire dalfac, iyo xubno kale oo badan, kuwaasi oo kulankasi ka muujiyay sida ay u taageersan yihiin madaxweynaha dawladda federalka soomaliya Md xasan Shiikh Maxamuud iyo weliba wadqajirka iyo midnimadda beesha abgaal, wasxayna sheegeen inay tahay lama taabtaan.
Xubnahasi iskugu jiray nabadonadda iyo waxgaradka beesha abgaal ayaa waxay halkaasi ka soo jeediyeen laba qodob oo ay sheegeen inay yihiin Baaq kuna kala socday Xildhibanadda Baarlamaanka federaalka soomaliya ee ka soo jeedda Goboladda dalka ee ay ka jiraan ismaamul goboleydyadda iyagoo sheegay inaysan xitaa tagikarin deegaanadii ay ka soo jeedeen ee ay wakiilka u ahaayeen maadaama ay wakiil ka yihiin shacbiga ku dhaqan goboladasi, balse taas ka sokoow ay muqdisho kula meereysanayaan wax ay ugu yeereen motion labadii biloodba mar, waxayna uga digeen inay ka waantoobaan wax alla iyo wixii dhalinkarra khilaaf iyagoo ugu baaqay in ay ka dhabeeyaan dhaartii ay ka hordhaarteen baarlamaanka .
Sidoo kale waxay baaq kas lamid ah u direen Xildhibanadda Baarlamaanka Federaalka ugu jira beesha abgaal waxayana uga digeen in ay ka soo noqdaan wadadda khaldan ee ay haayaan una dhaga nuglaadaan fariimaha ka soo yeerayay Boqoradii shalay u saxiixay waraaqaha ay kula fadhiyaan kuraasta baarlamaanka dadka iyo dalkana si cadaalad ah ugu shaqeeyaan.
Kulankaasi ayaa ku soo idlaayay isfamah iyo ismarxabeynsiin, waxaana goobta laga shaaciyay inay jiridoonaan kulamo kale oo nuucan ah oo ay yeelandoonto beesha abgaal, lagana soo saaridoono qodobo muhiim ah ee kuwajahan dalka iyo dadka.
Daawo Sawirada By Mobile
Source: Caliyaale
Beesha Abgaal Cusmaan oo si aan horay loo arag u taageertay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud. (Sawiro)
Kulan Baraalan oo uu shirgudoominaayeen Imaamka abgaal Imaam maxamed Yuusuf Cali, Ugaasba Beehs wacbuudhan Abgaal, ugaas maxamuud Cali Ugaas Cabduule iyo Suldhaanka beesha waceysle Abgaal, ayna sidoo kale kala qeeyb galeen Ex Xildhibaanii Hore ee baa