Ciyaartoyda Muslimiinta iyo Kuleelka Cimilada Barazil ee Xiliga Ramadaanka

0
Wednesday June 11, 2014 - 17:49:20 in Sports by Web Admin
  • Visits: 4368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaartoyda Muslimiinta iyo Kuleelka Cimilada Barazil ee Xiliga Ramadaanka

    Waxaa Ku jira tartanka koobka aduunka ciyaartoy badan oo muslimiin ah kuwaas oo marka ay gaadho bisha Ramadan sooma xataa haddii ay ciyaaro leeyihiin kooxohoodu. Ciyaartoydan muslimiinta ah ayaa dhibaato kala kulmidoona soonka bisha ramadaan marka uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Ku jira tartanka koobka aduunka ciyaartoy badan oo muslimiin ah kuwaas oo marka ay gaadho bisha Ramadan sooma xataa haddii ay ciyaaro leeyihiin kooxohoodu. Ciyaartoydan muslimiinta ah ayaa dhibaato kala kulmidoona soonka bisha ramadaan marka uu bilaamo koobka aduunku. Waa markii ugu horaysay intii ka danbaysay 1986 inay ciyaartoyda muslimiinta ahi wajahaan waqtigan oo kale.


1986 ayaa ugu danbaysay iyadoo ay isku beegmaan koobka aduunka iyo bisha barakaysan ee Ramadaan. Ramadan ayaa la rajaynayaa inay bilaabanto June 28, waxayna ku beegantahay maalinta kowaad ee wareega labaad waxayna dhamaanaysaa ilaa July 27.

Tusaale ahaan haddii ay France iyo Ivory Cost u soo baxaan wareega 16 waxay wajihidoonaan ciyaartoyda muslimka ah eek u jirtaa inay kala doortaan inay cudurdaartaan oo ay soonka dib u soo qaleeyaan iyo inay iska soomaan taas oo aad u dhib badnaandoonta.

Xulka France waxaa ku jira ciayartoy muslimiin ah oo dhawr ah waxaana ka midah Karim Benzeam,Mamudou Sakho, Bacay Sagna iyo Moussa Sissoko halka Ivory Cost na ay kaga jiraan labada wiil ee walaalaha ah ee Kolo iyo Yaya Taure. Dhanka kale waxaa kale oo ku jira Edin Dzeko oo diinta sifiican ugu dhaqma iyo xidigo ay ka mid yihiin Marouane Fellaini, Maussa Dembele oo Bulgium ah halka Xherdan Shaqiri uu ka socdo wadanka Switzerland.

Warka fiican ee ay haystaan ciyaartoydan muslimka ah ayaa ah inay 11 saacadood soomidoonaan halkii ay UK ka soomi jireen 17 saacadood. Ciyaartoyda qaar ayaa cudurdaarta oo waxna cuna iskana cab laakiin Kolo Taure ayaan samaynin wax cudurdaar ah.

Tuare oo ka hadlayay sanadkii hore ayaa yidhi: Waxaad xaqiiqdii u baahan tahay edeb, aniga shanta maalmood ee hore way igu adag tahay laakiin intaa wixii ka danbeeya jidhkayga ayaa la qabsada waxanan dareemayaa farxad. Waxaad nadiifinaysaa jidhkaaga waxaanan dareemayaa inaan xoogaysto ramadaanta. Waxaa layaableh sida ay ramadaantu u xoogaynayso jidhkaaga.

Sawirada qaar ka mid ah ciyaartoyda muslimka ah ee koobka aduunka ka qayb qaadan doona.

benzema

 

Benzema.

Dzeko

Dzeko

Shaqiri

 

ShaqiriToure

Kolo iyo Yaya Tuare


Laacib.net

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip