Muxuu salka kuhayaa Safarka Ra'isul Wasaare C/Wili ee magaalada Nairobi?

0
Tuesday June 17, 2014 - 19:08:39 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1091
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu salka kuhayaa Safarka Ra'isul Wasaare C/Wili ee magaalada Nairobi?

    Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta u amba baxay dalka Kenya, halkaasi oo uu kula kulmi doono Madaxda Dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta u amba baxay dalka Kenya, halkaasi oo uu kula kulmi doono Madaxda Dalkaasi.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli waxaa isaga iyo wafdigiisa garoonka ku sii sagootiyay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada.

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa inta uu ku suganyahay dalka Kenya waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda dalkaasi, kuwaasi oo uu kala hadli doono xoojinta iskaashiga la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab, adkeynta xiriirka labada dal iyo ka wada shaqeynta amniga gobolka.

Ra’iisul wasaaruhu waxa uu Mas’uuliyiinta dalkaasi kala hadli doonaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Kenya sidii ay u heli lahaayeen xaquuqda Qaxootinimo, islamarkaana aysan saameyn ku yeelan falalka argagixisada Al-Shabaab ay ka geysaneyso qeybo ka mid ah dalka Kenya.

Socdaalka Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa ay qeyb ka tahay dadaalada ay Xukuumadda Soomaaliya ugu jirto xoojinta iyo adkeynta xiriirrada kala dhexeeya wadamada Caalamka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip