Kulan Ururada Bulshada rayidka ku taageerayeen howl galka loogu magac daray Badweynta Hindiya iyo guulaha ciidamada dowladda ka soo hoyeen ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulan Ururada Bulshada rayidka ku taageerayeen howl galka loogu magac daray Badweynta Hindiya iyo guulaha ciidamada dowladda ka soo hoyeen ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Hey'adda wada hadalka bulshada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas'uuliyiin ka socday ururada bulshada rayidka, odayaal dhaqameedyo, haween iyo Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka.
Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka ee Gobolka Banaadir ahna Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Shabelle State Muxiyadiin Xasan Afrax oo sheegay in hadii bulshada iyo ciidamada amniga wada shaqeyn dhex marto lagu guuleysan karo sugida amniga.
"Hadii Ururada bulshada rayidka iyo hey'adaha amniga isla shaqeeyaan waa ay ku guuleysan karaan sugida amniga, mana dhici doonto in dalkan ay ku dhuumaaleystaan argagixiso, maxaa hada ayagaaba dalka gabaabsi ka sii ah.
Muxiyadiin Xasan Afrax ayaa sheegay in sida kaliya ee looga hortagi karo qaraxyada ay tahay bulshada oo is abaabusho, maadaama kuwa wax qarxinaya ama kuwa sameynaya ay magaalada gudihiis ku sameynayaan.
"Hey'adaha amniga iyo bulshada si ay u wada shaqeeyaan waa loo ciribtiri karaa Shabaa, maxaa yeelay waxyaabihii hada dhacay wax shabaab dan u aheyd ma aheyn, bulshada iyo hey'adaha amniga oo is kaashadana waa baaba'a Al-Shabaab"ayuu yiri Muxiyadiin Xasan Afrax.
Sidoo kale Islow Maxamed Yuusuf oo hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa amaanay doorka ururada bulshada rayidka, isagoo tilmaamay in kulamada iyo isu imaatinkan oo kale ay ka turjumayaan in loo heelan yahay nabad, horumar iyo dib u dhis.
Suldaan Maxamed Cabdi Shiddo oo ka mid ahaa madax dhaqameedyada ahna Gudoomiye kuxigeenka Dallada Ururada Bulshada Rayidka ayaa sheegay inay u arkaan dilkii hogaamiyihii Al-Shabaab guul caalamka u soo hoyatay iyo Afrika, isla markaana loo baahan yahay in guushaas la xajisto.
C/kariin Cabdulaahi Cali ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan baaqa dowladda ee in muddo 45 cisho gudahood isku soo dhiibaan dhalinyarada ka bar bar dagaalameysa Shabaab, waxaana uu ugu baaqay inay ka faa'ideystaan.
"fursada ah in 45 cisho ugaga soo baxaan ka qeyb qaadashada dagaalada ay ku jiraan dhalinyarada waxaa dhihi karaa waa baaq mudan in la soo dhoweeyo, maxaa yeelay wadada ay ku socdaan ma ahan mid dan u ah, ama wax ay ku baranayaan, ama mustaqbalkooda ay ku hagaajin karaan"ayuu yiri Mr C/kariin.
Waxaa uu sheegay in dhalinyarada la qalday loo baahan yahay inay bulshadooda ku soo laabtaan, waxbarashadooda, isla markaana dowladda u sameyso dhaqan celin, lana dhiira geliyo marka ay isaga soo baxaan Shabaab.
Sidoo kale Ruqiyo Cali Cabdulle oo ka mid ah ururada haweenka ayaa sheegtay in Haweenka loo baahan yahay deegaanadii u dambeeyay ee la xoreeyo ay ka sameeyaan dib u dhic, wacyi gelin iyo inay shacabka kala qeyb qaataan soo celinta adeegyadii aas aasiga ahaa, sida caafimaadka iyo waxbarashada.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Maxamed Yuusuf Cusmaan oo ugu dambeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Hey'adda CCD ay tahay hey'ad bulshada u ololeysa, kana qeyb qaadata horumarinta iyo wacyi gelinta bulshada.
Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in loo baahan yahay in amniga laga shaqeeyo, isla markaana la is abaabulo rag iyo dumar.
'Hadii Godane la dilay, godanayaal kale jira, waxaa nagala rabaa inaan dowladda la shaqeyno, haweenka ay qaataan doorka ugu badan, inaan culeyskas dowladda kaliya lagu sii deyn, oo lagala qeyb qaato sugida Amniga"ayuu yiri Maxamed Yuusuf.
Ugu dambeyn ururada bulshada rayidka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan baaqa dowladda Soomaaliya ee ku aadan cafiska mudada 45 cisho ee loo fidiyay dhalinyarada ka bar bar dagaalanta Shabaab, si ay uga soo baxaan, ugana qeyb galaan sugida amniga.
Kulan ururada bulshada rayidka ku taageerayeen guulaha ciidamada dowladda oo ka dhacay Muqdisho + Sawirro
Kulan Ururada Bulshada rayidka ku taageerayeen howl galka loogu magac daray Badweynta Hindiya iyo guulaha ciidamada dowladda ka soo hoyeen ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.