Waxaan laysku diidanayn oo marag madoontaa in la xusana mudan cid kastaa oo bulshada wax u qabatay si ay uga samato bixiso masiibooyinka ku habsaday dalka iyo dadka, hadaba hadii aan u soo daadego qormadeydaan anigoon ka been sheegin xaqiiqda jirta.
Waxaan laysku diidanayn oo marag madoontaa in la xusana mudan cid kastaa oo bulshada wax u qabatay si ay uga samato bixiso masiibooyinka ku habsaday dalka iyo dadka, hadaba hadii aan u soo daadego qormadeydaan anigoon ka been sheegin xaqiiqda jirta.
Tan iyo burburkii dowladii dhaxe waxaa soo if baxayay dalado magacyo qurxoon la baxay iyo boorar aan wax macno ah ugu fadhin bulshada markaad u kuur gasho.
Waxaa marag madoonta ah indhahana laga daboolan karin waxyaabihii ay qabatay hay'ada wada hadalka bulshada CCD lixdii sano ee ay u adeegaysay bulshada Soomaaliyeed, runtii waa hay'adii ugu horeeysay ee dalka ka bilowday inay qaybaha bulshada wada hadlaan si looga gudbo dhibaatada jirta iyadoo kashanaysa bulshada qeybaheeda kala duwan sida:
Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka Ex-Banaadir, Culumaa'udiinka Ahlu Sunna, Mashaa'iqda Soomaaliyeed, Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Ururka Haweenka Qaranka iyo Odayaasha Dhaqanka.
Hay'adda CCD ayaa kulamo wacyi gelin, dood wadaag iyo aqoon kororsi waxay u qabataa qeybaha ay ka kooban tahay bulshada Soomaaliyeed, iyadoo howlo sidaan oo kale ah ka qabatay inta badan gobolada dalka, sida Baydhaba, B/Xaawo, Gobolka Hiiraan, Sh/dhexe, Sh/hoose, gobolka Mudug magaaladiisa Gaalkacyo iyo Gobolka Banaadir.
Inkasta oo aan halkaan lagu soo koobi karin waxqabadka bulshada ee Hay'adda CCD, waxaa kale oo aan ka xusi karaa inay ka shubtay dhallinyarada ay Shabaabka ku shubeen fikradaha qaldan, iyadoo bannaanbaxyo dhowr ah oo dadweynaha Soomaaliyeed u qabatay si weyn loogu cambaareeyay falalka kooxda Al-Shabaab ay ka waddo dalka, taasina ay sababtay in dhallinyaro fara badan ay isaga baxaan kooxda.
Marka la eego xaaladda adag ee uu wadanka marayay iyo hanjabaadaha kooxda Al-Shabaab u jeedinayeen shacabka rayidka ah oo aan marnaba ku dhiiran karin inay meel fagaare ah ka sheegaan hadallo lid ku ah argagixisada ayaa hay'adda CCD waxay ku guuleysatay inay shacabka Soomaaliyeed cabsida ka saarto iyo welwelkii ay ka qabeen in naftooda dhibaato uga timaado kooxda Al-Shabaab isla markaana fagaarayaasha Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood ku soo bandhigay nacaybka qaan gaaray ee ay u qabaan kooxda Shabaab.
Guddoomiyaha Hay'adda Wadahadalka Bulshada CCD Md. Ciise Axmed Cumar waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo ka mid ah qurba joogta dalka dib ugu laabtay, wuxuuna sheegay in Hay'adaan la asaasay markii aqoonyahano Soomaaliyeed ay u adkeysan waayeen tacadiyada iyo dhibaatada dalka ka jirta.
Waa aqoonyahankii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo noqday hal abuur bulshada ay ku diirsato, isla markaana taageero hiil iyo hooba leh ku bixiyay sidii shacabka Soomaaliyeed ay uga bixi lahaayeen dhibaatada heysata, isla markaana ugu midoobi lahaayeen cid kasta oo ka hor timaada danahooda.
Runtii fikradaan oo dad badan is waydinayan ayaa ah mida Muqdisho ifisay iyo qaybo ka mida dalka mana jirin in Guddoomiye Ciise Cadde hortii la wadahadlo ama meel la isugu yimaado waayo "Dagaal wiil baa ku dhinto ee wiil kuma dhasho" ayay Soomaalida ku mahmaahdaa.
Qaybaha bulshada Soomaaliyeed hadal haynta ugu badan markay maqlaan siminaar ayaa jiro ama banaanbax markiiba waxa afkoda soo dafaya Hay'adda CCD oo aan hubo in qalbiga bulshada ku qoran tahay.
Runtii waa howl ay ku amaanan yihiin mamulka sare hay'ada wadahadalka bulshada kuna sifoobay waxqabad dhaba, waana midan mugdi ku jirin wixii ay muqdisho ka qabteen 17 dagmo gobolka banadir iyo maamulka sare dowlada way garab is taageen si looga baxo dhibatada.
Waxaa xaqiiqo inay amaan mudan yihiin intii u soo tafa xaydatay inay garab istaagaan umada Soomaaliyeed inay u midoobaan si wadajir ahna u qabsadaan danahooda kana hortagaan wax kasta oo dhaawacaya jiritaankooda iyo midnimadooda.
Ugu dan bambeyntii culimada Soomaaliyeed ayaa qiraya in Hay'adda CCD ay ku amaanan tahay waxqabadkeeda oo bulshada ku nacfisay mar haddii ay ku guuleysatay inay meesha ka saarto afkaarihii xagjirnimada ahaa ee kooxda Shabaab ay ku qaldayeen caruurta mustaqbalkoodana ku luminayeen iyagoo been ka sheegaya diinta Islaamka ee saxda ah iyo inay mideyso shacabka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan.
Waan hubaa in hay'ada wadahadalka bulshada CCD iyo hogaankeeda yihiin kuwo u soo dhabar adaygay marxalada adag ee uu ku sugnaa dalka, wuxuuna Guddoomiye Ciise Cadde noqday mas'uul ay ku weyn tahay wadaniyadda oo aan ku dhaqmin eex, qabiil iyo nin jecleysi, balse saaxib ka dhigtay qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah kana damqanaya in dhibaato loo geysto dadka, diinta iyo dalka.
Waxaa Qoray:
Cabdulahi Cabdi Xuseen
Waxqabadka Hay'adda CCD Waa lama ilaawaan isbedel ku keenay qeybaha Bulshada (Warbixin dhinacyo badan)
Waxaan laysku diidanayn oo marag madoontaa in la xusana mudan cid kastaa oo bulshada wax u qabatay si ay uga samato bixiso masiibooyinka ku habsaday dalka iyo dadka, hadaba hadii aan u soo daadego qormadeydaan anigoon ka been sheegin xaqiiqda jirta.