Xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa xalay ka dhacday munaasabad aan horay loo arag nooceeda oo kale ayna ka soo qeyb galeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Federaalka, Ergada ka qeyb galeysa shirka New Deal ee Muqdisho ka socda iyo dadweyne fara badan.
Xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa xalay ka dhacday munaasabad aan horay loo arag nooceeda oo kale ayna ka soo qeyb galeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Federaalka, Ergada ka qeyb galeysa shirka New Deal ee Muqdisho ka socda iyo dadweyne fara badan.
Ammaanka wadada dheer ee u dhaxeysa Madaxtooyada ilaa xarunta Gobolka Banaadir ee Heliwaa ayaa si weyn loo adkeeyay, kaddib markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Alfa Group iyo kuwa AMISOM ay xireen wadadaasi, iyadoo gaadiidka iyo dadka rayidka ah laga mamnuucay, inkasta oo dadweynaha Muqdisho si weyn uga cawdeen xanibaadda had iyo goor lagu soo rogo meelaha ay marayaan madaxda Dowladda federaalka.
Munaasabadaan oo uu soo qabanqaabiyay maamulka Gobolka Banaadir si weyn loo soo abaabulay isla markaana la isugu keenay dalagga kala duwan ee dalka ka baxa oo isugu jira khudaar kala duwan iyo alaabaha hidaha iyo dhaqanka ayaa maamulka gobolka Banaadir waxay ku ammaaneen abaabulka munaasabadaasi.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Jan. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo halkaasi ka jeediyay khudbadda furitaanka ayaa ka warbixiyay waxqabadka maamulkiisa tan iyo markii loo magacaabay, isagoona sharaxaad ka bixiyay howlihii ugu waaweynaa ee uu qabtay mudadii uu xilka hayay.
Waxa uu sheegay Guddoomiye Muungaab in maamulkiisa geed dheer iyo geed gaaban u koray sidii uu isbedel uga dhalin lahaa gobolka Banaadir, wuxuuna uga mahad celiyay dhammaanba xubnaha ka soo qeyb galay munaasabadaasi, isagoona sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka gacan siiyay guulaha laga gaaray gobolka Banaadir.
Wasiirka arrimaha gudaha C/llaahi Goodax Barre oo qaatay khudbada ayaa ku ammaanay maamulka gobolka Banaadir, gaar ahaan Guddoomiye Muungaab oo uu sheegay inuu noqday mas'uulkii ay is lahaayeen wuu ka soo bixi karaa howsha baaxadda leh ee loo magacaabay, iyadoo hadalkaani uu meesha ka saaray shakigii laga qabay in xilka laga qaado Guddoomiye Muungaab.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaasi ka jeediyay khudbadda xiritaanka ah ayaa ammaan kala dul dhacay Guddoomiyaha gobolka Banaadir, isagoo si cad u sheegay in ammaanka iyo xasilinta gobolka Banaadir ay u igmadeen Guddoomiye Muungaab oo uu sheegay in mudadii uu xilka hayay uu qabtay howl badan.
Waxa uu si gaar ah uga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya, wuxuuna Madaxweynuhu tilmaamay in dowladiisu ay dadaal xoogan ugu jirto sidii ay u gaarsiin lahayd horumarka ay maanta ku taamayaan dalal badan oo caalamka ka tirsan.
"Soomaalidu way dhaliishaa qofka soo jeediya talo fiican, iyagoo dhahaya Horta qofkaan hadlaya qabiilkiisa yaa waaye, waxaana Soomaalida kula talinayaa inay ku taageeraan qofka talo fiican soo jeediya ee aanay dhihin qabiilkiisa yaa waaye" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Muqdisho inay ka qeyb qaataan nabadda iyo horumarka dalkooda, wuxuuna caddeeyay Madaxweynaha inay lagama maarmaan tahay doorasho xor ah oo dalka ka dhacda.
Xaflad aan horay loo arkin oo xalay ka dhacday xarunta G/Banaadir iyo shaki Muqdisho ka jiray oo meesha ka baxay + Sawirro
Xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa xalay ka dhacday munaasabad aan horay loo arag nooceeda oo kale ayna ka soo qeyb galeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Federaalka, Ergada ka qeyb galeysa shirka New D