Ururada Bulshada rayidka oo Muqdisho uga wadahadlay sidii ay ku gaari karaan degmada Baraawe

0
Thursday November 27, 2014 - 17:02:38 in Wararka by
  • Visits: 1209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururada Bulshada rayidka oo Muqdisho uga wadahadlay sidii ay ku gaari karaan degmada Baraawe

    Kulan looga hadlayay sida Ururada bulshada rayidka ay u gaari karaan degmada Baraawe, si ay bulshada ku dhaqan uga tir tiraan fikradaha qaldan ee dhalinyarada lagu marin habaabiyay ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan looga hadlayay sida Ururada bulshada rayidka ay u gaari karaan degmada Baraawe, si ay bulshada ku dhaqan uga tir tiraan fikradaha qaldan ee dhalinyarada lagu marin habaabiyay ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Hey'adda Wada hadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf, Ururada bulshada rayidka, odayaasha dhaqanka iyo haweenka, waxaana lagu falanqeeyay sida lagama maarmaan u tahay in bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir ay ugu gurman lahaayeen dadka reer Baraawe, maadaama dhibaatooyin ay soo mareen.

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Imaam Maxamed Yuusuf oo sheegay in kulankan uu yahay mid looga hadlayo danta dalka iyo sidii bulshada ay isu abaabuli laheyd, isuguna xirmi lahaayeen, waxaa uu xusay in wacyi gelinta bulshada ay tahay mid muhiim ah, isagoo ku amaanay Hey'adda CCD dadaalkeeda xaga bulshada.

Gudoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee Ex Banaadir Nabadoon Muxiyadiin Xasan Afrax oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay marka hore ay muhiim tahay in meelaha laga saaray Al-Shabaab la tago, si bulshada looga wacyi geliyo fikradihii ay uga tageen, gaar ahaan dhalinyarada yar yar ee la qalday in dhaqan celin loo sameeyo.

"In Baraawe la tago oo bulshada halkaas ku dhaqan la wacyi geliyo waa wax wanaagsan, in dhalinyarada la qalday la dhaqan celin loo sameeyo in kuwii lagu qanciyay inay is qarxiyaan ama wax qarxiyaan laga tiro tiro wixii lagu shubay ayaa rabnaa, dhalinyaradana nolol iyo mustaqbal loo sameeyo oo jidkaas qaldan laga soo saaro"ayuu yiri Nabadoon Muxiyadiin Xasan Afrax.

Ex Xildhibaan Xasan Cali Waranto oo isna kulanka ka hadlay ayaa amaanay doorka Hey'adda CCD ee bulshada, isagoo xusay in Hey'addu ay hadba marxalada lagu jiro ay bulshada qeybaheeda kala duwan ay u qabato siminaaro iyo kulamo looga hadlayo dhibaatada dalka ka jirta.

"Wacyi gelin iyo baraarujin in bulshada loo sameeyo waa wax meesha ku jira, in umada midnimo iyo wada tashi la timaado, markaas waxaa la gaari karaa yoolka la hiigsanayo oo ah in la midoobo dariiqa qodxaha badan laga gudbo, mar hadii Baraawe la dhaafay Shabaab gabalkiisa waa dhacay waa la hubaa in laga adkaanayo, waxaa noo haray wax yar intaas waa laga guuleysanaa"ayuu yiri Xasan Cali Waranto.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in hey'adaha amniga ay uga qorsheysan tahay meelaha Shabaab laga saaro in la geeyo ciidamo nabadsugid iyo boolis, isagoo xusay in Baraawe la geeyay.

Waxaa uu sheegay in hey'adaha ammaanka ay abaal marin siinayaan cid ala cidii soo sheegta Al-Shabaab ama kuwa falalka amni dari ku lug leh, waxaana uu tilmaamay in aan qofkaas la magacaabi doonin, uuna helin doono abaal marin lacageed uu ku farxo.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip