Ha cuuryaamin Ciyaartooyga K/Cagta, fursad sii berrina ku faan!! (Warbixin)

0
Friday January 02, 2015 - 19:20:01 in Wararka by
  • Visits: 3208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha cuuryaamin Ciyaartooyga K/Cagta, fursad sii berrina ku faan!! (Warbixin)

    MUQDISHO: Waxaa Marag ma doonto ah in Isboortiga dalkeena uu ku talaabsanayo horumar dhinacyo kala duwan haba ugu badnaato dadaaladii horumarineed ee baaxadda leh ee ka muuqata Kubadda Cagta dalkeena.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUQDISHO: Waxaa Marag ma doonto ah in Isboortiga dalkeena uu ku talaabsanayo horumar dhinacyo kala duwan haba ugu badnaato dadaaladii horumarineed ee baaxadda leh ee ka muuqata Kubadda Cagta dalkeena. Waxaa dayactir lagu sameeyay garoonkii Kubadda Cagta ee Banadir (Conis Stadium), oo maanta la jaanqaadi kara garoomada Caalamka, iyadoo lagu goglay Cowskii Macmalka ahaa. Waxaa Isbedel weyn ku yimid qaabkii Maamulka Kubadda Cagta dalka oo iminka lagu faani karo inuu yahay mid aad u sareeya marka loo fiiriyo hanaanka ay Guddoonka Sare ku hagayaan Nidaam ku fadhiya Heerka Caalami. Waxaa la kordhiyay Kooxaha Heerka Koowaad tasoo ah talaabo lagu Farxo. Waxaa aad loo adkeeyay Nidaamka Garoonka iyo Garsoorka oo XSKC ku adkeystay inuu Noqdo mid Tayo sare leh isla markaana Xilligan lagu tilmaamo inayba Bariga iyo Bartamaha Afrika ay ku tashato Garsoorkeena Soomaaliyeed marka la ciyaarayo ciyaaraha ugu adag ama kuwa kama danbeysta "Final" (CECAFA).

Intaas iyo in ka badan oo Horumar way Muuqdaan Laakiin waxaa aniga ii muuqanaya maadaama aan muddo badan qalinka u qaatay sidii aan uga tebin lahaa isboortigeena wixii horumar iyo wixii caqabad ku noqon kara mustaqbalka, Xaalad aan u arkayo inay Mustaqbalka dhow iyo kan fog Caqabad ku noqonayso Kubadda Cagta Dalkeena Taasoo ah in Ciyaartoyda Kubadda Cagta Soomaaliyeed ee Heerka Koowaad ay la soo darsayso heer ay ku wayaan fursad ay Xirfadooda ku kordhiyaan ama ay ku soo bandhigaan, Ha noqoto kuwo fursad u heli lahaa inay si wanaagsan ugu sii qibrad qaataan garoonka oo xilligan ah mid heerka Caalami , Ha noqoto in Bahweynta isboortiga ay u soo baxaan Ciyaartoy xirfad wanaagsan oo ay taageeraan , Ha noqoto in ciyaartoyga Soomaaliga uu Noqdo mid Sumcad iyo Magac weyn ku yeesha Bahweynta Kubadda Cagta Soomaaliyeed Taariikhdana baal Dahabi lagu qoro. Haddaba fursadaha aan Xusayo ee uu Istaahilo Ciyaartoyga Soomaaliyeed ee soo maray marxalad garoonka uu ku ciyaarayo Xabado ay ku soo dhacayaan u bareerayay inuu ciyaaro weliba aan ka maqnaan Fagaarayaasha caalamka daruuf kasta oo uu dalka ku jiray. Maanta Maxay ku sugan yahiin, Maanta Sidee Tahay Niyadooda, Maanta Ma Aminaysaa In Kuwii Shalay loo sacaba tumaayay ee la ammaani jiray In Milkiilayaasha Kooxaha qaar ugu Abaalgudeen Kursiga Keydka inay Goradda Laalaadiyaan.

Waa Wax jira In Kooxaha Caalamka ay Soo Iibsadaan Xirfadyahano ay isleeyahiin dhaqaale iyo Magac sare ayay idin soo hoyin karaan, Marka dhanka Soomaaliya ay noqotana waa Talaabo lagu Faani Karo In Isboortiga Dalkeena lagu Arko xirfadyahano dalal Shisheeya ka yimaada oo Ciyaaraha heerka koowaad ka Muuqda, Laakiin Isweydiinta waxay tahay Kooxaha Caalamka gaar ahaan kuwooda heerka koowaad ugu badnaan waa 20 kooxood waxay leeyahiin Xirfadyahano kale oo caalamka ugu firirsan oo ay ku tashtaan Marka la difaacayo Calanka Dalkooda ama Xulkooda. Sanado Badan ka dib Dalkeena Horyaalkan socda 2014/2015 ayaa laga dhigay in Heerka Koowaad ay ku tartamaan 10 kooxood, Bal Xisaabtama Haddii aad Tahiin Bahweynta isboortiga Jecel gaar ahaan Kubadda Cagta Haddii ay Kooxihii Kubadda Cagta saddex meelood labo meel ay Goolhaye ka dhigteen Ciyaartoy Ajnabi ah Safka hore "Line Up" Yaad ku tashanaysaa beri Inuu Xulka qaranka kuu difaaco Ileyn Waa Kii Keydka Ku Khibrad qaatay, Haddii difaacyadii iyo Khadkii dhexe sidoo kale aad ka dhigteen Ajaaniib aan iyaguba Xirfad sare dhaamin ciyaartoydeena , Ama aan Hubno inayba ka Iman intooda badan Kooxo Heerka Koowaad ah, Beri Yaa Matelaya Khadkii dhexe, Gool haye ama Weeraryahan Ma Marcel Odhambo Mise Samsoniyke Chukwu?

Waxaan ku Talinayaa inaan la Curyaamin ciyaartoyda Kubadda Cagta Dalkeena , Waxaana Hubaal ah Inay Leeyahiin Karti iyo Xirfad ay Ku dabooli karaan booska iminka loogaga riixayo kuwo aan Xirfad dheereyn - Tusaale u qaado kooxda JEENYO dhamaantood waa Muwaadaniin Soomaaliyeed "Waxaa lagu Naaneysaa Wadaniyiinta "The Citizens" waxay iskaga Horyimaadeen dhawaan Koobkii Jeneraal Daa`uud kooxda BANADIR SC oo ay ku jiraan Ciyaartoy Ajaaniib oo Laf-dhabar u ah si weynna loo Maalgeliyay, Wixii Galabtaa Garoonka ay JEENYO UNITED ka muujisay waa loo wada joogay maku sii dheeraanayo. Waxaa jira Koox soo Iibsatay ama dalka keentay Ciyaartoy Ajaaniib ah, Rumaysta Ciyaartoyga Ajnabiga ah wuxuu qaataa 3 illaa 4 Ciyaartoy Soomaaliyeed waxay qaataan oo Lacag ah, Ciyaartoyga Soomaaliyeed waxaa dhacda wixii uu xaqa u lahaa inuu mar isku qaato marka ay ka maqan tahay 3 illaa 4 bil ka dib Balse Ajnabiga wixiisa waa afka hore. Sidoo kale kooxo badan ayaa dalka ku soo kordhiyay ciyaartoy ay inta badan ka keensadeen heerka labaad ee Horyaalka dalalka deriska nala ah. Weli Xisaabta ma lagu darsan Caqabad ay Keenayso curyaamintan dadban iyo Guusha Dhalanteedka ay kooxaha ku Xisaabtamayaan iyo Inay ka Raacaan koox Hebel waxaa u Ciyaara Ciyaartoy Kenyan ama Ciyaartoy Nigerian!!!


Dhabtu waa in arinkan fiiro gaar ah ay u yeeshaan XSKC iyo Madaxda kooxaha si aysan u lumin Fursadii Ciyaartoydeena aan beri ugu Faani lahayn uguna faa`ideysan lahayn Sumcadda uu Beri noo soo hoyo, Fadlan Madaxda Kooxaha Ixtiraama fursadna Siiya si ay Safka hore u Matalaan "Line Up", Fursad Sii Macalimiinta Xulka Qaranka Haddii ay Xulanayaan Ciyaartoyda Mataleysa Calankeena si ay ugu qiimeeyaan Kartida iyo Xirfadda uu Garoonka ka muujiyo. Waxaan Rajeynayaa Ciyaartoy badan oo aan hubo Xirfadooda inay sareyso Maantana Kursiga Keyd gashay In Fursad la siiyo lana Curyaamin, Si Qaranka Beri ugu Faano.



Saciid Ibraahim Xuseen "BUUNA"
saciid_buuna@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip