Jaalliyada Mudulood ee ku nool magaalada Aarhus ee dalka Denmark waxay iyaga oo aad ugu tiiraanyeesan geerida ku timid marxuum Halyeey Dr. Xuseen Shiikh Axmed "Kaddare" ay si wadajir ah tacsi ugu diraayaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo Halyeeygu ku dhex lahaa Sharaf iyo Sumcad aad u balaaran. Jaalliyadu waxay sidoo kale iyagoo aad u murugeysan si gaar tacsi ugu diraayaan Qoyska, Ehelada iyo Asxaabtii uu Dr. Kaddare ka geeriyooday. Marxuumkana waxay Allaha Waaxidka ah uga baryaayaan inuu naxariisto Janno ka waraabiyo iyo in geeridiisa umadda soomaaliyeed samir iyo iimaan ilaah ha ka siiyo, aamiin.
Waxaa hubanti ah in taariikhda mugga weyn ee Marxuum Dr Xuseen Sh. Axmed Kaddare u reebay shacabka Soomaaliyeed ay iska dhaxli doonaan jiilalka kala danbeeya ee si wadi doonna jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.
Geerida Halyeey Dr. Xuseen Kaddare: Dhambaal Tacsi oo Ka Yimid Jaalliyada Aarhus/DK
Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun