Muslimiinta kunool magaalada Trondheim ee dalka Norway oo si siman isugu soo baxay dukashada Salaada Ciida (Sawiro).

0
Saturday July 18, 2015 - 18:11:45 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muslimiinta kunool magaalada Trondheim ee dalka Norway oo si siman isugu soo baxay dukashada Salaada Ciida (Sawiro).

    Qaar kamid ah warbaahinta dalka Norway oo si weyn uga faalootay, sida muslimiinta kunool dalka Norway ugu dabaal degeen munaasabada Ciidul Fidriga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar kamid ah warbaahinta dalka Norway oo si weyn uga faalootay, sida muslimiinta kunool dalka Norway ugu dabaal degeen munaasabada Ciidul Fidriga.
in kabadan 500 qof oo Muslimiinta kunool magaalada Trondehim ah ee isugu jira Rag, Dumar iyo Caruur ayaa isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalada Trondheim iyagoo udabaal degaaya munaasabad gunaanad u aheed bishi barakeysneed ee Ramadaanka iyo soo dhaweynta bilashada bisha Shawaal.

Dabaal dega ciida ayaa ugu horeyn waxa lagu daah furtay dukashada Salaada Ciida oo ku beegneed 9:30, subaxnimo oo ee xigtay hadalo kooban oo soo jeediyay, Ameen Chilwan oo ah gudoomiyaha bulshada Muslimiinta e kunool magaalada Trondheim (MST).

-Inta lagu guda jiray bisha barakeysneed ee Ramadaanka waxa mamnuuc naga aheed cunida, cabida iyo isu taga jnsiyadeed xiliga qoraxda soo jeedo. Ugu dambeynti waxa maanta udabaal degeenaa bishaan bishi Soon oo dhamaatay.

- Inkabadan 500 oo qof ayaa soo xaadiray masjidka ugu weyn ee magaalada Trondheim, qof walba waxa uu cunay doolshe iyo mac macaan kale iyagoo naftooda uraaxeenayaan, sidaa waxa yiri Chilwan.

Xildhibaanka Soomaaliyeed ee laga soo doorto golaha deegaanka ee magaalada Trondheim, Ismail Muhyadiin , ayaa yiri, Farxada ciida awgeed ayaa muslimiin aad utiro badan soo buux dhaafiyay masjidka weyn ee ku yaalo faras magaalada Trondehim, taasi oo keentay in gawaarida xayirmaan.

- Waxey u aheed farxad bulshada Muslimiinta ah ee kunool magaalada Trondheim gaar ahaan bulshada muslimiinta Trondheim (MST), kuwaasi oo isu keenay dad ku kala duwan dhaqamada, Luqadaha iyo midabka hasa yeeshe kasiman diinta oo ah dad wada Muslim ah.

Muhyadiin ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan yahay howsha ee wadaan Muslimiinta Trondheim (MST) oo xubno ee ka yihiin 50 dal oo kala duwan.

Ciidul Fidriggga ayaa ah mid kamid ah labada ciida ee ugu weyn diinta Islaamka, waxeyna ku beegan tahay dhamaadka bisha Soonqaad iyo bilashada bisha Soonfur oo ah bisha tobanaad ee sanadka Hijriga ee Islaamka.

Xigasho: http://www.adressa.no/nyheter/trondheim/article11326429.ece

Waxa Tarjumay: Abdirahman Sheik Abdullahi.
Norway- Waqooyiga Yurub.
higsi2016@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip