Faah faahinta weerarki qasaaraha badan dhaliyay ee Hotel Jazeera (Sawiro)
- Visits: 1554
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Wararki ugu dambeeyay ee laga helayo qaraxi xoogana ee maanta lala beegsaday Hotelka Aljazeera ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya iney ku naf waayeen in ka badan 10 ruux iyo tiro intaa kabadan oo dhaawac ah.
Wararka laga helayo Hotelka ayaa tilmaamaya in gaariga uu ku qarxay banaanka kore, isla markaana uu ahaa nuuca iska rogaha loo yaqaan, ayna ku dhinteen shan qof, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.
Hotelka ayaa waxaa deganaa Safaaradaha Shiinaha, Masar iyo Qatar, iyadoo ilaa iyo iminka la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxa.
Sidoo kale, War ay soo saartay Al-shabaab ayay ku sheegtay inay iyadu
mas'uul ka ahayd Weerarkan, iyagoo ku xusay warkooda in weerarkan uu
aargudasho u yahay dad shacab ah oo ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ee
ka tirsan AMISOM ay ku laayeen Gobollada Bay iyo Bakool ee Koonfurta
Somalia.
Xiligii uu dhacaayay weerarka ayaa waxaa Hotel Jaziira deggenaa xubno ka
tirsan Dowladda Somalia, Safaaradaha laba waddan oo kala ah Imaaraadka
Carabta iyo Qatar, waxaa kaloo deggenaa dublamaasiyiin caalami ah iyo
weliba dad kala duwan oo Soomaali iyo Ajnabi ah
Ciidamada amniga ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaasi oo howlgallo ka wada halka uu qaraxu ka dhacay, isla markaana qorsheynaya inay ka hortagaan mid kale in halkaasi lagu soo weeraro.
-Marka
uu cadowga ummada Soomaaliyeed nuucii rabo ha ahaadee, uu soo qaado
dagaal arxan daro ah sida Kan Aljazeera Hotel ka dhacay oo kale, waa in
aynu meel iska dhignaa, khilaafyada iyo kala aragti duwanaanshaha
dhexdeena ah, Una midownaa la dagaalanka cadowga lana shaqeeynnaa
hey,adaha ku shaqada leh- "Dareenka Shacabka iyo Siyaasyiinta kala gedisan ee Soomaaliyeed.
Wixi kusoo kordha kala soco wararkeena danbe
Faah faahinta weerarki qasaaraha badan dhaliyay ee Hotel Jazeera (Sawiro)
Wararki ugu dambeeyay ee laga helayo qaraxi xoogana ee maanta lala beegsaday Hotelka Aljazeera ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya iney ku naf waayeen in ka badan 10 ruux iyo tiro intaa kabadan oo dhaawac ah.