Shirkadaha macaash raadiska ah ee Turkiga oo afar sano kaddib Muqdisho ka dhigay berka-islaan (Waa maxay sababta?!) + Sawirro

0
Friday July 31, 2015 - 18:40:40 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadaha macaash raadiska ah ee Turkiga oo afar sano kaddib Muqdisho ka dhigay berka-islaan (Waa maxay sababta?!) + Sawirro

    Dowladda Turkiga oo lagu tiriyo dalalka garab istaagay Soomaaliya markii ay la degtay abaarta iyo colaadaha is biirsaday, ayaa bilowday inay xayeysiin u sameeyaan sida aan hagarta lahayn ee ay wax ugu qabanayaan shacabka Soomaaliyeed oo dalkoodana ug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Turkiga oo lagu tiriyo dalalka garab istaagay Soomaaliya markii ay la degtay abaarta iyo colaadaha is biirsaday, ayaa bilowday inay xayeysiin u sameeyaan sida aan hagarta lahayn ee ay wax ugu qabanayaan shacabka Soomaaliyeed oo dalkoodana uga wadaan dib u dhis la socda casriga dalalka horay u maray.

Haddaba anagoo ka soo qalin daaraneyna dacaayado raqiis ah oo warbaahinta ka sii daayeen shirkadaha macaash raadiska ah ee Turkiga laga leeyahay ayaa waxay ku sheegeen in mudadii afarta sano ahayd ee ay dalka joogeen magaalada Muqdisho ku sameeyeen dib u dhis sida dhismaha wadooyinka, nalalka cad-ceeda ku shaqeeya iyo dayactirka goobaha muhiimka ah ee Dowladdu maamusho.

Faanka Shirkadaha macaashka ay ka helaan howlaha ay magaalada Muqdisho ka wadaan oo lagu biilo eheladooda ku nool dalka Turkiga ayaa waxaa daliil kaaga filan dhammaanba waxyaabihii ay u qabteen shacabka Soomaaliyeed inay yihiin kuwo u nusan ilaa aakhir, bacdamaa xarun kasta oo ay dhiseen magacooda ku qoreen, taasi oo ka dhigan inay dalkaan beylahda ah oo dadkiisu iyaga isku maqan yihiin uga faa'iideysnayaan.

Runta biya kama dhibcaanka ah waxay tahay oo aad ogaaneysaa marka ay indhahaagu qabtaan irida hore ee Isbitaalka Digfeer, Dekedda Muqdisho, Garoonka Diyaaradaha, Dugsigii Farsamada iyo meelo kale.

Dhammaanba xarumahaasi oo shirkadaha Turkigu dayactireen dakhliga soo gala Sheer ayay ku leeyihiin, walibana waxay ka mid yihiin shaqaalaha ka howlgala min madax ilaa dhaqtar, iyadoo xitaa marka aad galeyso lagaa qaadayo lacag, taasi oo aan weli horay u dhicin in isbitaalka Digfeer marka aad damacdo inaad qof soo booqato lagaa qaado lacag $5 ah.

Waxaa kale oo intaas ka sii daran in dad Soomaali ah oo caqligooda meel dhow wax ka arka ay Turkiga ku ammaanaan waxqabad iyo dib u dhis inuu dalka ka wado, tiiyoo aanayba la socon ujeedada ka dambeysa oo haatanba la wada arkayo, iyadoo shirkadaha Turkiga ah ee Muqdisho u yimid inay macaash ka raadiyaan ay ku andacoonayaan dayactirka waddooyinkii ku burburay dagaalada sokeeye iyo waddooyin cusub.

Howlaha waddooyinka Muqdisho ee ay ku dayactireen shirkadaha Turkiga oo la oran karo wayba uga sii dareen bacdamaa qaab aan ahayn sidii hore u dhiseen, iyagoo xiray meelihii ay biyaha ka baxayeen, isla markaana nidaamkii dhismahooda si weyn saameyn ugu yeelanayaan xilliga uu roobku yimaado.

Waddooyinka Muqdisho laba markii loo dhigo, xitaa nus kama sameysna, iyagoo shirkadaha Turkiga howl aan badneyn ka qabtay waddooyinka ay gawaaridooda isticmaalayaan, taasi oo ah khiyaano laga gelayo qaranka Soomaaliyeed, bacdamaa Muqdisho ay ka ballaaran tahay hal ama labo waddo oo aan iyaguba xitaa dhameystirneyn.

Waxaa Qoray: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
E-mail: jabriil37@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip