Garo Geesigaaga

0
Monday March 07, 2016 - 00:25:12 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garo Geesigaaga

    Waxaan qirayaa geesinnimada ciidankii naftood hurayaasha ahaa ee baabuurtii qaraxyada siday fashiliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay inta aanay gaarin bartilmaameedka ay doonayeen in ay qarxiyaan Jimcihii 26 Febraayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan qirayaa geesinnimada ciidankii naftood hurayaasha ahaa ee baabuurtii qaraxyada siday fashiliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay inta aanay gaarin bartilmaameedka ay doonayeen in ay qarxiyaan Jimcihii 26 Febraayo.

Askartaas oo ayagu naftooda huray, waxay badbaadiyeen dad aad uga badan inta hadda ku dhimatay weerarka.

Waxay mudan yihiin in uu Qaranku u aqoonsado dadaalkooda oo ay ku bixiyeen qiimaha ugu badan ee qof bani'aadam ahi uu huro, kaas oo ah nafta. Waxaa Ilaaheey ku guuleeyay in ay badbaadiyaan dad badan oo aanay aqoon, ayaguna hadda aan ka warqabin waxa laga maray in ay maanta noolaadaan oo ay qoysaskooda la joogaan. Intii khatarta u bareertay ee is hor taagtay qaraxa iyagu ma badbaadin, sidoo kale Soomaali badan oo aagga ku sugnaa.

Askartii dhimatay waxay mudan yihiin in magacyadooda la xuso, qoysaskoodana uu Qaranku meel saaro.

Mar kasta oo aan Xamar ku arko askari waddo dhex taagan ama ag fadhiya oo baabuurta baaraya, inkasta oo uu qori sito, qaarna bastoolad iyo middiyo u dheer yihiin, haddana waxa aan dareemaa in waxa keliya ee uu dadka ku daafici karaa ay tahay naftiisa oo uu huro. Sababta oo ah nooca dagaalka Muqdisho ka socdaa ma ahan mid nin qori haystaa uu joojin karo isaguna uu ka badbaadi karo.

Waxaad arkeygaa marka qarax dhaco ee askari meel fatash ah taagnaa uu ku dhinto, maalin ama laba ka dib askari kale ayaa taagan oo asaga oo og meeshii uu saaxiibkii ku danbeeyay.

Qaarkood qashqashaad la'aan ma ahan, qaarna shaxaad ayay dadka ku dhibaan. Laakiin ujeeddadu intaas wey ka weyn tahay kana muhiimsan tahay.

Askariga dariiqa taagani halista wuu ogyahay, waana naftii hure u bareeray in uu naftiisa ku daafaco shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed. Iyagana Allah ha ka dhigo kuwo garashadeeda la yimaada oo mushaarka, daryeelka iyo qaddarinta askariga Soomaaliyeed aanay mugdi iyo muran toona gelin.
 
Posted by
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip