Maxaa kala socotaa Xaalada Degmada Raage Ceele (Sawiro)

0
Sunday March 13, 2016 - 00:20:42 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa kala socotaa Xaalada Degmada Raage Ceele (Sawiro)

    Degmada Raage Ceele oo ka mid ah degmooyinka gobolka Sh/dhexe una xigta dhinaca Waqoyi Bari caasimada dalka ee Muqdisho 120 km, ayaa dadka ku nool waxaa haatan soo wajahay xaalado adag oo dhinaca nolosha ah iyadoo dadka ku nool degmadaasay u badan yi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Raage Ceele oo ka mid ah degmooyinka gobolka Sh/dhexe una xigta dhinaca Waqoyi Bari caasimada dalka ee Muqdisho 120 km, ayaa dadka ku nool waxaa haatan soo wajahay xaalado adag oo dhinaca nolosha ah iyadoo dadka ku nool degmadaasay u badan yihiin xoolo dhaqato,beeraley iyo ganacsato.


Dadka ku nool degmaada Raagge Ceelle ayaa waxaa haatan ka jira xaalado adag oo dhinaca nolosha ah iyadoo haatan lagu jiro xilliga jiilaalka, iyadoo nolosha dadkana ay ku xiran tahay xoolaha nool.

Ammaanka.

Xaalada ammaanka degmada Raage Ceele ayaa ah mid aad u wanaagsan oo la isku haleynkaro iyadoo inta badan deegaanada hoos yimaada degmada ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada dowlada iyo ciidamada AMISOM. Magaalada Raage Ceele ayaa waxa haatan ku sugan ciidamo isugu jira Soomaali iyo AMISOM.

Caafimaadka.

Degmada Raage Ceelle ayaanay ka jirin adeeg caafimaad oo ka jira degmada Raage Ceele waxaana dhibaatada ugu badan ay heysataa hooyada,carruurta iyo dadka da’ada ah.

‘Marka aan gaarno xilliga dhalmada maheysano isbitaal aan ku umulno mararka qaar waxaan la kulannaa dhiigbax daran qoyska waxa ay ku dadaalaan sidii loogu qaadi lahaa magaalada muqdisho balse gaariga lagu qaadayo hooyada umuleysa ayaa waxaa lagu kireeyaa lacag gaareysa 300 oo doolar mana awoodaan dadka oo dhan haddii la helana waxaa jirta in wadada ay dhibaato kala kulmaan maritaankeeda maadaama ay tahay bacaad oo dhib ku ah maritaankeeda gawaarida qaar waxaana dhacda mararka qaar in hooyada ay ku dhimato inta safarka lagu gudo jiro.” ayey tiri Maryan mid kamid ah hooyooyinka ku nool degmada Raage ceele ee gobolka shabeellaha dhexe.

Waxbarashada.

Degmada Raagge Ceelle ayaan hore ugaga jirin xarumo waxbarasho hase yeeshee waxaa toddobaadkan guddoomiyaha degmada Raagge Ceelle Yuusuf Xaaji Maxamuud uu xariga ka jaray labo iskuul oo ah dugsi hoose dhexe oo mid kamid ah ay dhistay gabar soomaaliyeed oo qurbo joog ah midka kalana waxa ka hirgelisay dowlada Soomaaliya.

Raage Ceele ayaa ah degmo hadda kasoo kabaneysa dhibaatooyinkii ka jiray sanooyinkii la soo dhaafay waxaana laga dareemayaa horumar ay gaarayaan dadka deegaanka iyadoo ganacsiga degmadana uu yahay mid loogaga yimaado deegaanada ka fog-fog.

Dhinaca dhalinyarada ayaa dhowaan waxaa halkaasi gaaray Xoghayaha isboortiga gobolka Sh/dhexe Cali Hilowle Cabdi isagoo markii u horeysay gaarsiiyay agab sport dhalinyarada ku nool degmada Raagge Ceelle.
Dhalinyarada degmada ayaa bilaabay tartamo sports sida tartamo ciyaarta kubbada cagta ah iyo weliba tartamo dhinaca ciyaaraha fudud ah sida orodada iyo bootinta.

Si kasta ha ahaatee waxaa muuqata degmada Raagge Ceelle aysan ka helin tixgelintii ay ugaga baahnayd dowlada sidii horumar dhinacyada adeegyada bulshada u heli lahayd.

Guddoomiyaha degmada Raage Ceele Shiikh Yuusuf Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in amaanka degmada uu yahay mid la isku haleynkaro waxaana uu ka codsaday dowlada Soomaaliya iyo hay`daha samafalka in ay wax u qabtaan dadka ay daashadeen dhibaatooyinka ee ku nool degmada Raagge Ceelle.

rage celle (8)

rage celle (1)

rage celle (2)

rage celle (3)

rage celle (4)

rage celle (5)

rage celle (6)

rage celle (7)


Jowhar.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip