Maxaa kala socotaa shirqoolka Muungaab iyo Sharif Xasan ee ka wadaan magaalada Muqdisho?

0
Thursday May 12, 2016 - 01:25:22 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3962
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa kala socotaa shirqoolka Muungaab iyo Sharif Xasan ee ka wadaan magaalada Muqdisho?

    Warar hoose oo ee heshay Shabakada Warsheekh ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ee kasocdaan kulamo sadex geesood ah oo lagu jah wareerinayo siyaasada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar hoose oo ee heshay Shabakada Warsheekh ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ee kasocdaan kulamo sadex geesood ah oo lagu jah wareerinayo siyaasada Soomaaliya.

Kulankaan sadex geesoodka ayaa waxa uu udhaxeeyaa siyaasyiin kasoo jeeda gobolka Banaadir oo uu horkacayo Mudane Muungaab, gudoomiyihi hore ee gobolka banaadir oo dhan ah iyo madaxweynaha maamul goboleedka konfur galbeed iyo ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

Mas’uuliyiin xog ogaal u ah kulankaani ayaa sheegay in shararkaani uu udub dhaxaad uyahay shariif Xasan oo doonayo in Mudane Muungaab uu ka dhigo gudoomiyaha Baarlamaanka ee dowlada cusub ee Soomaaliya taasi oo shariifka uu doonayo inuu ku jah wareeriyo hab qeybsiga dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Mudane Shariif Xasan ayaa sidoo kale mudane Muungaab ubalan qaaday inuu geed kore ufuuli doono sida Muungaab uu xubin xildhibaan uga heli lahaa baarlanmaaka cusub ee imaan doono si uu ugu soo baxo gudoomiyaha baarlamaankaas.

Shariif Xasan ayaa talaabadaani uga gol leh inuu wax ka badalo hanaanka awood qeybsi ee dowlada dhexe ee Soomaaliya isagoo maanka ku hayo shariifka hadii riyadaani ufusho uu shariifka uxusul duubayo sida uu u heli lahaa madaxweynanimada Soomaaliya halka uu beesha Hawiye uu la doonayo iney noqdaan gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya halka Beesha Daaroodna uu la doonayo ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya.

Warbixinta ayaa Sidoo kale xaqiijineesa in kulankaani si dadban qeyb uga yahay ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali sharma’arke, oo dad xog xogaal ahi ee qireen inuu uxusul duubayo sida uu markale ugu soo bixi lahaa ra’isul wasaaraha xukuumada cusub ee dhalan doonto.

Gudoomiyihi hore ee gobolka Banaadir Mudane Muungaab oo isaga ah mas’uulka sida aadka ah loola xiriirayo inuu qeyb kayahay shirqoolka Shariif Xasan iyo Cumar Cabdirashiid ayaa dad xog ogaal ahi waxey sheegayaan inuu si aad ah ula dhacay mungaab qorshaha iminka lawado.

Muungaab oo hamigiisi utartamida hogaanka sare ee dalka hoos udhacay tan iyo marki uu ka tagay xafiiska maamulka Gobolka banaadir kadib marki uu lumiyay kalsoonidi adkeed ee kala dhaxeysay madaxweynaha dowlada dhexe ee Soomaaliya,

Kaga bogo qormadeena danbe halka ee shirqool wadayaashani ee kaga shiraan magaalada Muqdisho iyo magacyada siyasyiinta sida tooska ah ugu lug leh shirqoolkaan magacyadooda oo dhameestiran.

Xafiiska Shabakada Warsheekh ee Waqooyiga Yurub
E-mail: warsheekh10@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip