Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudg Oo Mooshin Ka Keenay Gudoomiyaha Baaralaamka Maamulkaasi

0
Monday October 24, 2016 - 15:47:19 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudg Oo Mooshin Ka Keenay Gudoomiyaha Baaralaamka Maamulkaasi

    Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa gudbiyay Mooshin ka dhan ah Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa gudbiyay Mooshin ka dhan ah Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Ilaa 34 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi, islamarkaana ku kacsan Guddoonka Baarlamaanka ayaa maanta Fadhigii Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ka gudbiyay Mooshinkaasi.

Qaar kamid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa Guddoomiye Cali Gacal Casir ku eedeynaya inuu ka gaabiyay hore u socoshada shirarka Baarlamaanka, ku xadgudbid Dastuurka Galmudug iyo sidoo kale in uu qabiileeyay guddiyada Baarlamaanka qaarkood.

Mooshinkani waxaa maanta qabtay Guddoomiye Xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo sheegay in si sharci ah uu soo maray mooshinka ay soo gudbiyeen mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa fasaxay Baarlamaanka, waxaana ay galeen Fasax Muddo labo Bilood ah.

Baarlamaanka Galmudug ayaa isku soo noqon doona 5-Bisha January ee sanadka 2017-ka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip