Faah faahin:-Toogasho xalay ka dhacday Muqdisho

0
Monday October 01, 2018 - 08:17:39 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahin:-Toogasho xalay ka dhacday Muqdisho

    Kooxo ku hubeysnaa bastoolad ayaa xalay gudaha Suuqa Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ay ku dileen wiil dhalinyaro ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo ku hubeysnaa bastoolad ayaa xalay gudaha Suuqa Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ay ku dileen wiil dhalinyaro ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in dilkan uu yimid kadib markii rag burcad ah ay taleefonka Gacanta ka dhaceen Haweeney,isla markaana taasi oo ku qeylisay in laga caawiyo sidii telefoonkeeda ay dib ugu soo ceshin laheyd burcada.

Sidoo kale waxaa la sheegay in wiilka dhalinyarada ahaa ee la dilay uu kamid ahaa Ganacsatada Suuqa Degmada Xamarweyne,waxaana lagu magacaabi jiray Ayuub Axmed Daahir Tooxow.

Kooxda dilka fulisay oo watay Mooto Bajaaj ayaa la sheegay in ay Goobta ka baxsadeen,waxaana goobtaasi durbo gaaray Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya,kuwaasi oo baaritaano sameeyay Suuq Xamarweyne.

Dilkan xalay ka dhacay Degmada Xamarweyne ayaa ku soo aadaya xilli shalay Duhurnimadii Gabar 14-jir aheyd koox burcad ah ay ku dileen agagaarka Hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip