Brazil Oo Xalay Si Xarako Leh Ku Hanatay Koobka Confederation Cup

0
Monday June 29, 2009 - 17:48:29 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Brazil Oo Xalay Si Xarako Leh Ku Hanatay Koobka Confederation Cup

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

JOHANNESBURG  Xulka  Brazil ayaa 3-2 ku garaacay dhiggiisa dalka Mareykanka, ka dib ciyaar cajiib aheyd oo taageerayaal badan oo reer Brazil ah bilowgii ciyaarta ka fajacisay.

 

Ciyaarta oo aad u xiisa badneyd ayaa ka dhacday garoonka Ellis Park Stadium ee Magaaladda Johannesburg ee South Africa.

 

Qeybtii hore ee ciyaarta xulka Mareykanku oo ciyaarta maamulayey ayaa u suurta gashay Laba gool oo fajaciso ku noqday ciyaaryahanada iyo taageerayaasha Brazil,

 

waxaana lagu kala nastay 2-0 oo Mareykanku lahaa,

 

hase ahaatee markii dib loogu soo laabtay garoonka ayaa tababaraha wadanka Brazil Dunga wuxuu sameeyay is- bedello heer sare ah oo ciyaarta wax weyn ka bedelay iyagoo la yimid 3 gool oo is daba joog ahaa.

 

Laba gool ee uu dhaliyay L. Fabiano iyo goolka guusha ee Lucio ayaa xaqiijiyay guusha wadanka Brazil, Maraykanka ayaa laba gool ee uu la yimid waxaa u kala dhaliyey xidigaha kala ah C. Dempsey iyo London Donavon , waxaana mar wax laga weydiiyay tababaraha wadanka Mareykanka Bob Bradley dib soo dagaalaankii Brazil uu yiri “runtii guuldarada Brazil ay na dul dhigtay  waa na dhaawacday, hase ahaatee cashar ayaan ka baraney,

 

dhammaan dadweynaha adduunka ku nool oo idilna waa arkeen in aan nahay xul wanaagsan”

 

Dhigiiisa wadanka Brazil Dunga isna yiri “in kasta oo 2-0 si looga kabsadaahi ay adag tahay mar kasta, haddana ciyaartooyda xulkeyga ma aysan niyad jabin,

 

mar kasta waa la socdeen in guul darro aysan ku dhici doonin, waayo 29-maalmood ayay si rasmi ah u wada tababaranayeen, waana noo farxad in aan koobka dib ugu celinaa wadanka Brazil”.

 

Madaxweynaha South Africa Jacop Suma iyo Gudddoomiyaha xiriirka K/cagta adduunka Joseph Blatter ayaa si wada jir ah koobka u guddoonsiiyay kabtanka xulka Brazil Lucio, Ciyaaryahanka ugu qaalisan caalamka ee Kaka ayaa goobta kala hoyday abaal marinta Kubadda Dahabka oo halkaasi lagu gudoonsiiyey.

 

Dalka South Africa ee martigeliyey koobkan Qaaradaha ee Confederation Cup, ayaa si weyn ugu diyaargaroobaya marti gelinta ciyaaraha adduunka (World Cup 2010) ee sanadka soo socda ka furmi doona, sida uu qorshuhu yahay.

 

Daawadayaasha Soomaalida

 

Taageerayaasha Brazil gaar ahaan Soomaalida ku dhaqan dalkan Koonfur Africa ee ciyaartan si weyn ula socday, ayaa waxaa ka yaabiyey in Laba Gool iyo waxba lagu nasiyo Hooyada K/cagta adduunka ee Brazil,

 

iyagoo ku kaftamay in saraakiil militari ay u ciyaarayaan xulka qaranka Maraykanka, Brazil-na ay ciyaaryahanadeedu la mid yihiin xoogaga Al-Qaacidda gaar ahaan Al-Shabaab oo ay ka badin doonaan saraakiisha Maraykanka.

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

 

Indhojaceel2003@hotmail.com

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip