Tagsiilayaasha Toolmoon Qormo Xiiso Badan uu Qoray Wargeyska Xog-maal

0
Friday August 21, 2009 - 23:37:38 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tagsiilayaasha Toolmoon Qormo Xiiso Badan uu Qoray Wargeyska Xog-maal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdiraxmaan Nuur Jilley (Bashaash).

 

Mid ka mid ah xirfada ay ku shaqaystaan Soomaalida waa wadista baabuurta yaryar ee loo yaqaano Tag-siyada (taxis), magaalada ugu badan ee baabuurtani ay Soomaalida ka shaqaysato waa Johannesburg oo ay ka shaqeeyaan inka badan 10 tagsi, hadaba faaladani waxaan ku eegeynaa moowduucani xiisaha baddan.

 

Qiimo ahaan gaariga wuxuu u dhigmaa dukaan oo kale, hase yeeshee dadka uma arkaan in uu leeyahay waxsoo saarka dukaanka oo kale, xaqiiqdii dadka qaar ayaaba u arka in qofka tagsiilaha no-qonaya in uu yahay qof shiidey , waayo dadka uma maleeyaan in tagsiilenimadu laga sameeyo lacag ka badan nolol maalmeedka.

 

hase yeeshee xaqiiqdu taasi waa ay ka duwantahay, tagsiilenimadu waa shaqo sharaf badan oo laga sameeyo lacag u qalanta shaqada la hayo, in aad tagsiile noqoto waxay u baahantahay in aad heysatid hanti aan ku iibsatid gaadiidka aad isticmaaleyso, sidoo kale waa shaqo u baahan xirfad aqooneed oo xagga watista ah, sidoo kale waa shaqo u baahan aqoon dariiqyada magaalada aad shaqada ku heysid, si la mid ah waa shaqo u baahan kasbashada dadka ma-caamiisha ah oo ay tahay in ay heystaan taleefoonkaaga oo ay ku-soo wacaan markasta oo ay u baahdaan in loo qidmeeyo.

 

waxaad halkaasi ka garan kartaa in ay tahay karti iyo hanti u baa-han oo aanan sahlanayn, oo aysan ahayn arrin igu soo roor ah. mid ka mid ah astaamaha ay la gaarka yihiin tagsiilayaashani ayaa ah in ay iyagu yihiin mulkiilayaasha baabuurta ay kaxaynayaan halkakuwa iyaga lamidka ah ee ku noolyurub iyo maraykanka ay wadaan baabuur aysan iyagu lahayn intooda badan, arrin kale oo ay kaga duwanyihiin ayaa ah in aysan baabuurtooda lahayn wax astaan ah oo lagu garto sida qoraal dusha sare ku qoran oo ah (TAXI).

 

waa ganacsi ku kooban Soomaalida macaamiil ahaan, oo dadka dalka u dhashay kama warhayaan jiritaanka ganacsigani maadaamaa aysan dhanka dowlada ka diiwaangashanayn.

 

Magaalada Johannesburg tagsiilenimadu waa shaqo lagu soo badanayo oo soo jiidanaysa dad cusub, gaar ahaan dadka tuulooy-inka kasoo baxay ee doonaya in ay magaalada soo galaan, wallow uu yahay suuq waasac ah oo cid kasta u furan hadane waxa ajira fursado cariiri ah marka laga hadlayo macaamiisha aad ku xisaabta-maysid iyo waliba dadka oo yeelanaya gawaari u gaar ah oo ay danahooda ku oofistaan.

 

qiimaha lagu raaci baabuurtani waxay waxay ku xirantahay hadba masaafada aad dooneysid in aad tagtid, meelaha ugu badan ee dalabkoodu badanyahay waxaa ka mid ah Boostejada Basaska, Garoonka dayuuradaha, Home Affair-ka, iyo meelaha dalxiiska loo tago.

 

boosteejada basaska iyo Home Afairs-ka qiimahoodu kama badna R70, laakiin Garoonka maadaamaa uu aadu fogyahay waa R300, waxaa kaloo jira oo mudooyinkii dhawaa suuq yeeshey waa-baabuurta u baxda magaalooyinka Pretoria iyo Rustanburg oo iyaga kaga duwan wax kasta in la naadiyo, kuwani waxaa lagu raacaa R70 laakiin waa in uu garaiga buuxsamaa oo ugu yaraan 4 qof oo min R70 la saaraa.

 

gaadiidka waa kala nooc oo waa kala qiimobadanyihiin, qaarkood ayaa watta gawaari qaali ah oo casri ah oo ay naftu ku dagayso marka aad kortid.

 

magaalooyinka kale sida Cape Town ma jiraan tagsiilayaal noocan u shaqaynta, laakiin waxaa jira kuwa qaab kale u shaqaysta, waxay wataan gawaarida baakiyaasha loo yaqaano waxayna ka kireeyaan dadka dukaamada leh oo ay alaabaha uga soo daabulaan meelaha ay ka iibsadaan.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip