Mu’tamarkii 4aad ee Alu Sunna Waljamaca ee Magalada Gothenburg oo la soo gabagabeyey...

0
Sunday August 17, 2008 - 21:07:41 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mu’tamarkii 4aad ee Alu Sunna Waljamaca ee Magalada Gothenburg oo la soo gabagabeyey...

    Waxaa shalay galab lagu soo gababgabeeyay magaalada Gothenborg ee dalka Sweden kulan diimeedkii lagu qabtay sannadkii afraad ee Alu Sunna Waljamaaca kaasoo shalay ay ahayd maalintiisii labaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa shalay galab lagu soo gababgabeeyay magaalada Gothenborg ee dalka Sweden kulan diimeedkii lagu qabtay sannadkii afraad ee Alu Sunna Waljamaaca kaasoo shalay ay ahayd maalintiisii labaad.








 Mutamarkaas oo bilowday maalintii sabtida ahayd iyadoo islamarkaana ay ka soo qaybgaleen dadweyne fara badan oo ka kala yimid waddamo kala duwan oo ka tirsan qaaradda Yurub iyo culumo fara badanba ayaa maalinimadii sabtida ahayd salaaddii maqrib ka hor la gabagabeeyay muxaadooriyinkii loogu talagalay maalintaas .

Dadka ku abtirsada Ahlu Sunna Wal Jamaaca, waxay ku sifoobeen in ay yihiin dad dadaal ugu jiraan sidii ay Muslimiinta, gaar ahaan Bulshada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan, uga badbaadin lahaayeen ”Baadil & Fidno isugu jira” oo ay wadaan dad ”Shaydaan & Ehelkiisa” soo afduubeen, kuwaas oo ku soo dhuumanaaya Diinta Islaamka, xaqiiqduse ay tahay in hadafkoodu uu yahay in ay  tir-tiraan caqiidada xaqa ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca ku salaysan tahay.

Jameecadda A.S.W.  reer Sweden, waxay caadaystay in sannadka kasta, markii la gaaro ”Xilliga Xagaa” ah, uu Magaalada Göteborg ku qabto Mu’tamar Diineed oo hadafkiisu yahay in Bulshada Islaamka, gaar ahaan shacbiga Soomaaliyeed, aqoontooda diineed kor loo qaado iyo in si cilmi ku dhisan looga qanciyo caqiidada saxa ah ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca, isla markaana looga digo in ay ka feejegnaadaan ”Manhajka” ku dhisan ”Madhabka Wahaabiyada” ah.

Haddaba, iyadoo Jameecadda ASW. dadaalkaasi ugu jiro, haddana shaydaanka ma ”Firig Firig yara” inkastoo maalinba maalinta ka dambeysa ay soo yaraanaya daf-dafkooda. Weligeed-baa ”Baadilka Daahirka”, haba buun-buunsame, markuu  xaqu yimaado uu u suuli jiray, sida uu Ilaahayba uu Qur’aanka ku sheegay.

Runtu baraarujin xagga Diinta ah baa lagu qaaday xarakadoodi oo Culimada ASW meel kasta ay joogaan, si joogto ah dadka uga digaan in ay ka fogaadaan dadka ku caan baxay in ay fidmo iyo tafaraaruq ku abuuraan Bulshada ka soo jeeda ASW.

Habeen Isniin, taariikhduna ahayd 07.07.08, ayaa la soo gaba-gabeeyay Mu’tamarka 4-aad ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo u socday laba maalmood, laguna qabtay Hoolka Lundby Centrum ee ku yaala Xaafadda Hisingen ee Magaalada Göteborg, Shicaarkiisuna ahaa ”NIN DACAR ABUURTAY DAMBAR MA MAALO”.
Mu’tamarka waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u badan (rag & dumar) oo ka kala yimid Waddamo kala gedisan sida: UK, Norwey, Danmark, Finland, Soomaaliya & Magaalooyin ka tirsan Sweden. Culimadii Mu’tamarka Casharo & Mawducyo ka soo jeediya waxaa ka mid ah:

1. Dr.  Sheekh Muxsin Muriid, 2)- Dr. Sheekh Axmed Xaato, 3)- Sheekh Muuse Xaaji Aadan, 4)- Sheekh Cali Nuur Cilmi, 5)- Sheekh Axmed Xuseen, 6)- Sheekh Cabdulqaadir Macallin Nuur, 7)- Sheekh Maxamed Kulmiye iyo 8)- Sheekh Maxamuud Cabdi Sabriye oo xiriiriye ahaa.

Waxaa kaloo Mu’tamarka ka soo qayb galay Culimo fara badan oo ka kala yimid Waddanka Sweden gudihiisa iyo dibadiisaba sida. Sheekh Cusmaan X.Aadan, Macallin Saciid, Cabdulqaadir Sheekh Xuseen Cadde, Sheekh Cali Looboge, Awees Sheekh Maxamed Cabdillahi Casir, Sheekh Fu’aad Sheekh Axmed  Gaballe iyo kuwo kale oo aan magacyadooda halkan lagu soo koobi karin.

Mu’tamarka waxaa soo gaba-gabeeyay Shiekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxidiin, wuxuu duco iyo salaan gaar ah u diray dadkii u qumay qabashada Mu’tamarka 4aad ee ASW, kuwa safar dheer u soo galay, kuwii Hiil & Hooba ku taakuleeyay socodsiinta hawl qabadka Mu’tamarka.

Sidoo kale wuxuu u duceeyay Ummadda Soomaaliyeed ee Waddanka gudihiisa ku dhibaataysan, wuxuuna Ilaah ugu baryay in uu ”Naxriistiisu & Raxmadiisuba” u fidiyo kuna deeqo dadka iyo dalka Soomaaliyaba.

Casharadii iyo Mawduucyadii laga soo jeediyay Mu’tamarka aad bay dadkii ugu maqsuudeen, faa’iido aan la soo koobi karina ka heleen, siiba dhinacyadii casharadii ku saabsanayd ”Toobada & shuruudeeda, Sabarka, Is-naseexaynta iyo baryada Rabbiga iyo ku mintida awaamiirta Eebbe si dhab ah (khaalis) oo ay soo jeediyeen Sheekh Cabdiraxmaan iyo Sheekh Axmed Xuseen.

Ilaahay ha nagu wada abaalmariyo shafeecadda Nabigeena Suuban scw.

Waa Billaahi Tawfiiq.
Bahda Idaaradda ASW.
Sweden.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip