
Iska horimaadka dhexmaray ciidamada dowlada ayaa bilowday ka dib markii ay isku afgaran waayeen bar koontrool oo deegaanka Macmacaanka ku taala, taasoo gaadiidka dadweynaha looga qaado lacago baad ah oo sharci daro ah, waxaana intii uu iska horimaadku socday joogsaday socodkii dadka iyo gaadiidka ee wadadaasi iyadoo goobihii ganacsigana albaabada loo laabay, inkastoo hadda ay caadi ku soo laabteen.
Dadka geeriyooday labo ka mid ah ayaa waxay ka tirsanaayeen ciidamada dagaalamay, halka sadexda kale ay ka mid ahaayeen dadkii rayidka ahaa ee goobtaasi ka ag dhowaa, waxaana ku jiray wiil yar arday ahaa oo xiligaasi ku lugeynayey wadada dhinaceeda, kaasoo ku lebisnaa dareyska ardayda, isla markaana gacmaha ku watay buugaagtii u iskuulka kala yimid ee uu ku soo qaatay duruusta.
Xaalada ayaa hadda degan, inkastoo xiisad iyo cabsi laga dareemaayo goobtaasi, waxaana iska hor imaadyada noocan oo kale ah ee dhexmara ciidamada dowlada Somalia dhexdooda ay yihiin kuwo caadi ka ah magaalada Muqdisho, kuwaasoo qasaaraha ka soo gaara dadka rayidka ah aysan jirin cid dib damnbe isku soo hadal qaada.
Ciidamo ka wada tirsan Dowlada oo Shaqaaqo ku dhax martay Degmada Dharkeyley.
Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku dhimatay 4 kalena wey ku dhaawacmeen ka dib markii ciidamo ka wada tirsan dowlada Somalia ay barqanimadii maanta ku dagaalameen deegaanka loo yaqaano Macmacaanka oo ka tirsan degmada Dherkeynley ee magaalada Muqdisho sida da