DULMI-DIID-(Maanso): By: Cabdiraxiim Hilowle (Galayr)

0
Sunday December 20, 2009 - 11:29:30 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 676
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DULMI-DIID-(Maanso): By: Cabdiraxiim Hilowle (Galayr)

    Maansadan waxaa la yidhaahdaa dulmidiid waxayna soo baxday horaantii sanadkan ama dabayaaqadii bishii janaury 2009 waxaay ku jirtaa diiwaanka suugaantza aftahan waxaanay ka mid tahay suugaantayda ku kaydsan boga hidaha iyo dhaqanka iyo suugaanta ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadan waxaa la yidhaahdaa dulmidiid waxayna soo baxday horaantii sanadkan ama dabayaaqadii bishii janaury 2009 waxaay ku jirtaa diiwaanka suugaantza aftahan waxaanay ka mid tahay suugaantayda ku kaydsan boga hidaha iyo dhaqanka iyo suugaanta ee aftahan maadaama maansadan oo ahayd maanso iyaduna deelay ah oo aan waqtigaas tiriyay mudo sanad ku dhawaada waxaan hadana ugu talo galay inay la fal gasho maadaama ay isku ujeedo yihiin


Maansooyinka deelayda  cusub ee qarniga 21aad ee ay da,yarta soomaaliyeed ugu talo galeen inay ku baraarujiyaan bulshadoodaa  diiwaankan ayaa  ah mid loogu talogalay in lagu saxo qaladaadkii bulshada dhexmaray ama lakala dhex dhigay maaha silsilada abuuraysaa  siyaabaha khaldan ee suugaanta loo adeegsaado waa tan maansadii dulmidiid ,
 
 
 
In-dhowaale Deelkeed
Murti daaddahaynteed
Dulucdeeda Suugaan
Dirirkeeda Maansada
Ma danayn dadkaygoow
Ma doonayn inaan galo,
Waxse maanta igu diray;
Diiwaanka qoran iyo
Markii dood-wadaag iyo
Deelleey la-ii furay
Dacalkayga Maansada
Aan daaddaheeyee
Inaan deeg idhaahdoo
Daahayga anna furo
Sow daw umaan helin?

Deel-qaafka yaalliyo
Dunidaan ku noollee
Dadkii joogey maqan yahay
Misna way dul muuqdaan,
Dubaaqooda hoosena
Wax kalaa dagaagulan,
Dibnaa hadalka dhihiddiyo
Duunkoodu waa laba
Ee daacad iyo may
Kala-doorsadaan xumo?

Dulucdiyo ujeeddada
Haddaan hoos usii dego;
Dabuubtayda gaarka ah
Aan idiin daliishee
Dulmi-diid ayaan ahay!

Dadow aan idiin digo;
Waa dardaaran gobonnimo
Waa dar-yeel Islaamnimo
Waa dan guud dhammaanteen
Waa doorka nabadeed
Isku-duubni weeyaan
Dardar iyo midnimo qaran.

Waxan uga dan leeyahay
Dadka kii dareen lihi
Ama inuun damiir lihi
Dar-xumada ku taalliyo
Diifta wuu ogaadaa
Dedaal buu sameeyaaa,
Dadka wuu u sheegaa
Dantu meesha ay tahay.

Damiinnimadu waxay tahay
Dad dhan oo dalkoodii
Danta gaar ka door biday
Daacadnimo ku ceeb tahay
Daallinnimo u faan tahay
Dullinnimo u diriroo
Ka fogaadey Diintiyo
Dariiqii ILaah iyo
Daliilkii dhabta ahaa.

Waxa taas kasii daran
Ma damqado jidhkoodoo
Ma dubaaxsho abidkood
Derbi weeye dhagaxoo
Qalbigood dareen ma leh,
Dadka kii u xigey iyo
Waxay dabin u qoolaan
Ducufadiyo maatida,
Waa dooxatiyo bahal
Waa dugaag hadlaayoo
Damiir ma leh wax diidaba.
 
Inta daahirka ahee
Dulmiguna la ceeb yahay
Doqon bay ku sheegaan,
Waxa ay ku durayaaan
Maysagaa dad dili kara
Dumin karaba daaraha
Dadka oon dareen qabin
Duhur belo dhex dhigi kara
Beel nabad u degganeyd
Kala-daadin kara ehel.

Dooddayda gaarka ah
Waxan uga dan leeyahay;
Ummad yahay is-daba qabo
Ka danayso nacabkoo
Dib u eeg wixii dhacay,
Dabinkii gumaysigu
Weli daafta hoosiyo
Dariiquu ku xidhan yahay
Weli dawga lama furin
Ee dareen ku-joog noqo
Kii daacaduun maqal,
Kii aan dantaa wadin
Doocaba ka xidho oo
Ka daboolo dhegahaba.

Dunidana dhammaanteed
Dhowaan waa la-duubiye
Daayinkaa usoo noqo
Diintiyo Sharciga raac
Dadka meel isugu keen,
Godobtii dorraad iyo
Haku daalin waa hore,
Dura wixi la-soo maray
Dib in loogu yeedhaa
Waydiin dadnima-xumo,
Horu soco dadkaygoow
Geeddiga dib haw celin.

Duni kale ma joognoo
Gaar ugama duwanine
Dadka Aadan baa dhalay,
Daabaan-wadaag iyo
Waa durriyad walaala ah
Isir keliya iyo duud
Hooyo qudhihi dihatoo
Dirkii Xaawa weeyee
Daalaco adduunyada
Ummadaha docdaada ah
Iyo dawladaha kale
Siday nolol u deexdaan
Nabad ugu dangiigaan
Nimco ugu dabbaashaan.

Dood aan dhammaanayn
Dad aan abid heshiinayn
Dakhar aan bogsoonayn
Ceeb daayin nagu taal,
Digo hoos ka nool iyo
Dacar iyo ladh soo kaca
Iyo doogta aramida
Dirir aan qaboobayn
Miyeynaan ka daalayn?

Dalkeennii wacnaayee
Degelkii dhabta ahaa
Dadow waa kan ololaye
Miyeynaan dareemayn?
 
Qaar dooxata ahoo
Dabku shidaya geedaha,
Kuwa daawo dhacaysiyo
Daqiiq qoydey keeniyo,
Da'yarii inoo kacay
Kuwa daad-gureeyoo
Badahaa ku daadshiyo,
Kuwa dilaya ubadkee
Dubta beerka cayddiga
Duqaydiyo wax-garadkii
Iyo Dirici talin laa
Gebiyada ku dumiyoo
Dadkeennii goblamiyee
Asay saaray dumarkii
Iyo diiratada baas
Miyeydaan dareemayn?

Intaas oo dar-xumo iyo
Qaar kaloo kasii daran
Baa dalkii asiiboo
Dumarkiyo agoontiyo
Doxorrada ku soo hadhay
Dawakh bay ku joogaan,
Qaarna way dareereen
Dirqi bay ku carareen
Debedahay u dhoofeen
Gaalay dul joogaan,
Da'dood bay baryaanoo
Dewersay ku nool yihiin.

Daayi'mu Raxmaanow
Deeq-bixiyihiiyow
Dhibka waan ka daalnoo
Dirqi baan ku sugannee
Intaan doontu nala degin
Duco naga ajiiboo
Daallimiinta naga qabo
Oo Daayinkaygoow
Noo door sidii roon.

Dayibow ILaahoow
Haddii aan danbaab galay
Danbi-dhaaf Allahayoow
Adaan kaa dalbanayaa.

ILa durugtay heestuye
Aan soo dabbaalee
Waxa aan ku dagagray;
Haddii ay dabuubtani
Dacwaddaydan gaarki'i
Tahay door inoo roon
Diiwaanka wacan iyo
Taariikhda duugga ah
Baan ka daawan doonaa.
 
 
 
ALLAA MAHAD LEH.
Waa Qalinkii iyo Hall_abuurkii
Cabdiraxiim Hilowle (Galayr).
abdirihiin1@hotmail.com .

Halkaan Ka Aqri Maansadi kale ee Diiwaanka Cusub.

 

(Dacwo) Diiwaanka Cusub Deelayda ‏( Abwaan Xasan Abuukar(Abaaji)

 ( Dabataal) Diiwaanka Cusub Deelayda 'By, Axmed Xaawoow'

( Dawo) Diiwaanka Cusub Deelayda (W/C: Muxyadiin X Ciid)


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip