Xaalada Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa saaka xasiloon, kadib markii shalay la isku fara saaray, in kastoo weli ay ka jiraan xiisado colaadeed oo ku aadan gacan ku heynta Magaalada Baladweyne, iyadoo halkaasi ay isaga baxeen kooxda Xizbul-islaam.
Wararkii ugu dambeyay ayaa sheegaya in ay ciidamada dawlada KMG Soomaaliya ay fariisin ka sameysteen halka loo yaqaano janta kuundisho wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in ciidamada dawlada qarkood ay galeen Bariga magalada Baladweyne balse ay hadan dib uga soo baxeen.
Warakii ugu dambeeyay aya sheegaya in ay xaalada Saaka deganatahay dadkana ay howlahopoda shaqo u kaceen xaalada ay ytahay mid hada degen, in kastoo laga cabsi qabao in ay dhici karto in mar kale uu dagaal dhaco.
Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa waxa ay ka soconayaan duleedka Magaalada Baladweyne, iyadoo halkaas ay abaabulo ka wadaan kooxda Xizbuyl-islaam qeybta koofur bari oo la sheegayo in ay halkaasi isku uruursnayaan.
Si kastaba ha ahaatee waxaan la ogeyn sida ay ku dambeyneyso xaalada Magaalada Baladweyne oo mudo Lix bilood ah ay ka talinayeen kooxda Xizbul-islaam.
Xaalada magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan oo saakay xasiloon