Dagaaladi iyo duqeymihii musal-salka ahaa ee maalmahaan kasoconayey magaalada Muqdisho waxaa ay caawa fiidkii hadane ka dilaaceen qeybo katirsan Waqooyiga Muqdisho oo maalmahaan ay joogto u noqotay dagaalada iyo duqeymaha aan dhamaadka laheyd.
Dagaalka waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamada Nabad Ilaalinya ee Amisom iyo kuwa Dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo wada jir ah iyo Xarakada Shabaab oo dhawaan ay kusoo biireen Xisbul Islaam.
Waxaauu dagaalkadaqiiqado kahor ka dilaacay xaafado katirsan Degmada Boondheere iyadoo dagaalka uu yahay mid aad u culus oo foolka foolka.
Agagaarka Wasaarada waxbarasha iyo Hotel Jubba oo ay fariisin u tahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Aamisom ayaa waxa uu dagaalka iminka uga soconayaa mid si xowli ah iyadoo leysweydaarsanayo hub aad u cul culus oo laga maqlayo magaalada qeybaheeda kala gedisan.
Lama ogaan karo ilaa iyo hadda qasaaraha dhabta ah uu geystay dagaalka balse wixi warar ah ee kusoo kordha kala soco warshekh.com
Dhinaca kale waxaa iyana caawa fiidki Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ka dhacay iska hor imaad aad u xoogan oo dhaxmaray Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo Xarkatul Shabaab isla markaan ay bar bar socdeen Duqemo Xoogan.
Iska hor imaadka ka dhacay degmada Hodan waxaa la sheegay inuu bilawday gilinkii dambe ee maanta ilaa caawa fiidkii uu socday waxaana uu ka dilaacay iska hor imaadkaas Guriga Shaqaalaha ee Degmada Hodan.
Dhanka kale Iska hor imaadka ka dhacay Howlwadaag ayaa waxaa isagane la sheegay inuu ka bilaawday Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho oo ay farisiin kuleeyihiin Ciidamada Amisom iyo Kuwa Dowlada.
Duqeymaha bar bar socday iska hor imaadyada ayaa waxa la sheegay in ku dhacayeen meela ka fog goobaha ay labada dhinac ku dagaalamayeen.
Sidoo kale ilaa iyo hadda lama ogaayagane qasaaraha dhabta ah uu geystay Iska hor imadkaas wixi kusoo kordha kala soco wararkeena dambe.
Dagaallo iyo Duqeymo ballaaran oo Caawa ka soconaya W/Muqdisho