Baabi’inta awoodii uu axdiga siiyay baarlamaanka, kala diristii gudiga madaxa banaan ee diyaarinta dastuurka IFCC iyagoon howshooda dhameysan iyo ka hor istaaga Odayaasha la shirayay in wax go’aan ah ay ka gaari karaan waxa hada socda iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka intuba waa astaamo muujinaya in kooxda Saxiixayaasha ay wataan ajando iyaga u gaar ah wax dul qaadna aanay u haynin cid soomaali ah oo soo faragelin karta.
Waqtiga ka haray soo gabogabeynta xiliga KMG ah waxaa hada ka haray in ku dhow bil iyo bar waana waqti aad u yar marka loo eego howshii la doonayay in la qabto oo dhamaanteedba kala dhantaalan.
Waxaana muuqda khilaafyo mararka qaar ka qota dheer is haysadkii hore oo arimo muhiim ah oo quseeya Qaran nimada soomaaliya salka la galaya waxa ka mid ah arinta dastuurka.
Gudiyadii diyaarinta dastuurka waxaa ay sheegayaan in kii ay diyaarinayeen 8-dii sano ee lasoo dhaafay la laalay laguna badalay mid ay saxiixayaasha qorteen iyagoo danohooda waafajiyay.
Maxaa ka ba’an dastuurka ay saxiixayaasha qorteen welina aad looma falanqeyn waayo waxa uu muran ka taagan yahay dastuur ahaantiisa laakiin qodobadii ugu horeeyay ee laga arkay waxa laga waayay halka ay tahay caasimada soomaaliya Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Odayaasha loo gudbiyay dastuurka ayaa waxa uu qabaa in dastuurkan uu yahay mid aan soomaali u qalmin
Gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (tarsan) ayaa qaba in inkiraada caasimad nimada Muqdisho ay muujineyso in dastuurkaan uu yahay mala abaal oo kii saxda ah la tuuray.
Maamulka Puntland oo ka mid ah saxiixayaasha ayaa arinta caasimada ku sifeeyay mid ka mid ah ajandayaasha u baahan in laga heshiiyo oo aan muqadas laga dhigi karin sida uu sheegay Cabdi Shakuur Mire Aadan oo ah wasiir ku xigeenka howlaha guud ee Puntland.
Dooda ka imaaneysa dastuurka ma aha wax ay waqti u hayaan in ay dhageysataan saxiixayaasha waayo waxayba aminsan yihiin in ansixintiisa aan cid kale looga baahaneyn waxaana fikradaasi qaba Madaxweynaha Puntland Faroole.
Hadaba maxuu yahay doorka ay leeyihiin Odayaasha dhaqanka ee lagu shiriyay muqdisho waa dood taagan oo lagu jahwareersan yahay waayo waxa ay dowlada ka mamnuucday in ay soo faragaliyaan arimaha jira howshoodana ay ka dhigayaan soo xulida Ergada ansixinta dastuurka loogu magacdaray kuwaasi oo laf ahaantooda aan u idmaneyn faragelinta dastuurka oo ay u gudbin doonaan baarlamaanka soo socda Cabdi raxmaan Xoosh Jibriil wasiirka dastuurka ayaa fikradaa qaba.
Odayaasha dhaqanka ayaa iyaga qaba in dowladda ay xakameysay dooneysana inay ku xalaaleysato wax aan soomaali u qalmin oo la isaga daba imaanayo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ka mid ah odayaasha sidaasi qaba.
Ka tanaasulida dastuurkii mudada loo diyaarinayay soomaaliya iyo hor istaaga kahadalka arinta dastuurkaan maalmaha lagu sameeyay ayaa muujineysa xaalad siyaasadeed oo qatar ah oo xiligaan ay soomaaliya wajeheyso taa oo ay intaa dheer tahay in meel marinta dastuurka uu sal u yahay fulinta dhamaan qodobada ku xusan roadmap-ka oo aan weli gabi ahaantiisba wax ka fulay aanay jirin aqoonyahanka Afyare Cabdi Cilmi ayaa qaba in xaalku uu yahay fad ama hafadin waalagu fadsiin.
W/D: Yuusuf Axmed Abuukar (Keynaan)
Dastuurka iyo Shakiga uu leeyahay (Faalo)
Baabi’inta awoodii uu axdiga siiyay baarlamaanka, kala diristii gudiga madaxa banaan ee diyaarinta dastuurka IFCC iyagoon howshooda dhameysan iyo ka hor istaaga Odayaasha la shirayay in wax go’aan ah ay ka gaari karaan waxa hada socda iyo