Gogol-xaadh (tix gabay ah)

0
Tuesday July 31, 2012 - 23:43:47 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gogol-xaadh (tix gabay ah)

    Isimmadii, duubaabkii ama madax-dhaqameedkii Ummadeed wax ay geed walba u xaadhtaan oo gambadh walba ugu fadhiistaanba waxa ay isu geeyeen 825 Ergey oo hadda Muqdisho u fadhiya shir ansixinaya Dastuur Qaran oo loogu hayaamo dib u saamasho dawlad isu-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isimmadii, duubaabkii ama madax-dhaqameedkii Ummadeed wax ay geed walba u xaadhtaan oo gambadh walba ugu fadhiistaanba waxa ay isu geeyeen 825 Ergey oo hadda Muqdisho u fadhiya shir ansixinaya Dastuur Qaran oo loogu hayaamo dib u saamasho dawlad isu-talis ah, xushmaysan oo haybadaysan; dawlad huwan maamuuska dadweyneheeda; dawlad rigli ah oo an goob-kaga-kac ama meel-ku-gaadh ahayn; dawlad Qaran Soomaaliyeed; Dawlad Dadka Soomaaliyeed.


Sidoo kale, Hayaankii dheeraa wuxu tiicid kob-raagaaleysi iyo taako-taako guur ahaadaba, waxa la sheegay in uu (20 Agost 2012)ku aaddan yahay naq iyo xareed walacle oo yibal-tirad lehmaashaa Allaah… dhowaa… Ilaahow an waraabe la tegin!!. Maalmaha soo socda waxa kale oo la filayaa in Odayaalku bandhigaan 275 xubnood oo iyana noqon doona Cod-xanbaarayaal Shacbi (barlammaan)…. Kuwaas hawlsha u taal oo culus awgeed, waxa rajo tahay in loo xuli doono ma-dhaafaan aqoon iyo bisayl ahaanba xilkaas ammaano qaadi kara; oo anxag karkarnimo hawl ka maglaallacan, xag hufnaaneed hadhuub-raac noqon, xag xirribeedna an xaal iyo xaajona ka mahmahan; gaar ahaanna ku astooba gole Soomaaliyaysan oo leh nuxur Soomaali xor ah” oo makanin kara masuuliyadda hogaaminta Qaran “Soomaali isna xor ah”…. Hogaamiyahaas, haddii Eebbe idmo waxan ku soo dhoweyn doonaa gabay tusmayn iyo wacad ballaneed ah… markii la gaadho gebo-gebada xilkiisana (haddii Eebbe qaddero) waxa an u tirin doonaa gabay ku garabsiiya dib-u-doorasho ama u horseeda dhicid (ridid)....

Maanta GOGOL-XAADH waxa ay xasuusinaysaa sooyaalkeedii(Berlin ka hor iyo kaddib); waxayna yaboohinaysaa Halyeygii tubta-toosan-ku-aaddinta siyaasadda mustaqbal ee Qaran iyo badhaadhe u gadhqaadka aayo-masiireedka ummadda Soomaaliyeed

GOGOL-XAADH:

Geyi udugsan goobaan nicmo ah godan barwaaqaysan

Gasiin dalancarrada badhigaddacan midhoguduudnaadey

Gurrunjaa curdina xabag guntin ah geedo wada oon ah

Garannuug cas goodir iyo cawl gorayo duur-joog ah

Gammaan dooran, faras geed ku jira geenyo dananaysa

Baqal guro leh giindhay hayin ah gaambiye addeec ah

Geel kadin ah gaawaale ramag qaalmo gorinaaya

Rakuub golos ah, gool buuxsanmiyo korommo gaadiid ah

Lo’ gar maal ah, ido gorod madow giiryar oo dararan

Gu’ kacaama, webiyaal galgalan gacammo soo jiidan

Galley beeran gacamaale muus dalag garaarooba

Bad gingiman gadiir iyo qariib gurunbe jeerjeer ah

Dhaqan guun ahnolol gaariyada hoo’ is maal gelin ah

Gacmo deeqa gaafoodtan siman sahay is gaar-siinsan

Hayaan guura reero isu gala gooh la wada daaqo

Gob tolaysanxidid gaadasho ah gabadh xigaalaysa

Gurimidangurbood kala degdega gaan isma huraanah

Ergo gaafan samo loo gurmado gaasas kala baaqda

Geed hadhac ah gedefaale baxay duqey gadhwaaxeedda

Garsoor qiinmay xeer gaasabaxay guurti dhex ahaadtay

Guddi shiray guddoon lagu khatimay talo la soo gooyey

Guul hanantay dhiro daawo galay taws xal laga gaadhey

Haro galacle, ceel ilo godlada galal duraabaaya

Godan nabad ah geediyo xareed beelo gaballaaxa

Garan-waa-cad gaal amar la yimi duul gunnimo diidey

Garri yoontay, waran-qaad gurmadey gamas hor loo boobay

Gidhli-dhacay gamuun aammus yiri nacab la googgooyey

Golli heestay, weer goosan nacay haad gadiidsanaya

Golxob dhiigle, gaaleen xinne ah hoodto geylimo leh

Gobannimo dhacsi ah guul magli ah calan naf loo gooyey

Gudmo reeb ahgudhan naanniyeed gaanyo dabo-keen ah

God waraabe yeelaal gufo leh tebin gurreytoobey

Galaabeen xun, haaneed gurracan sugulle gawdhgawdhey

Candho galow ah godol dhoohan iyo gacalo diiddowdey

Gorfo madhan, gadtaati caqday iyo guulal wada oomay

Galax baaqday goommane han jabay himilo goolowdey

Gedood dararay tuhun geeli-dhalay gudo is jeedaashey

Gamuun leexday good haah la yiri gamasyowaalaystay

Gabbaad dumey gojaxo baylahdiyo gaax la fadhataystay

Garwaaq raagey guud kala dibbadey goosan kala fiidhay

Galaa dhacay garoow god uga roor guro naf loo aadey

Gun-ka-unug xal geed-geed la biday goofaf dani uuntay

Gaag doogayguuleed cid tebey goror is doon-doontay

Dhis gangaanmey, goonyo is qabsaday saqaf ganboollaaday

Go’ madoobe waafeer gondood geeddi dhicisoobey

Yay garab ah gacan-haadis dhacay geyshash ina Xaam ah

Gaashaan tol hiil geesinimo madax wareer gooyey

Dhaxdin gudub hayaan geeddiyo ah socod la googooyey.

Boqor guudGaraad dadu-dhexe ah Duubab gole xaadhtey

Xul la gurayyaqaan garasho dheer waracyo guubaabsan

Goob-kaga-kacxeer gacan qabsi ah codad galliimayn ah

Guryo muuqdereer galab-carraw tahan naq loo gaadhey

Gogol-xaadhandoor gaadasho ah gole dhab loo tuujey

Godol sheegan gooraad cayiman Agos kolkaad gaadhto

Midaw gawdhsha goboleeye kada ururshe goobkiisa

Garsoor naca gaboodfale dulmiya caaddil gocadkiisa

Gallad diidda giiryaale nugul geesi dayadkeeda

Gurgur xaabsha gaafane hayina geelbareerka cugtay

Baroor-golol ah suunnaari godan reer gammaan ka xigay

Gar buuqowmi guudiyo waddani rag uga geeraartay

Maxamuud Muuse Cali Caarre

Mmcarre50@hotmail.com

Website-kasta oo daabaca waa ku mahadsan yahay…

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip