Hordhac: Bucuresti v Chelsea Basel v Schalke 04

0
Tuesday October 01, 2013 - 08:19:56 in Sports by Web Admin
  • Visits: 1271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Bucuresti v Chelsea Basel v Schalke 04

    Kubadsameeyaha reer Belgium Eden Hazard ayaa ka maqan Chelsea kulanka caawa ay wajahayaan Steaua Bucharest ee Group E Champions League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kubadsameeyaha reer Belgium Eden Hazard ayaa ka maqan Chelsea kulanka caawa ay wajahayaan Steaua Bucharest ee Group E Champions League. Blues ayaa xaqiijisay in Hazard uu dhaawac yahay, waxaana uu maqnaanshiyaha kula biirayaa xiddiga ay isku wadanka yihiin Kevin de Bruyne. Isagoo ku guuldareystay inuu soo jiito tababare Mourinho kulankii Capital One Cup ee Swindon, De Bruyne ayaa laga saaray kooxda Chelsea ee u safartay caasimada Romania.

Weeraryahanka Fernando Torres ayaa lagu soo daray inkastoo uu ganaax uga maqan yahay ciyaaraha Ingariiska ka dib casaankii uu qaatay kulankii Tottenham.

Kulanka caawa ayaa ah kulan ay kooxda Jose Mourinho u baahan tahay inay badiso si ay xilli ciyaareedkooda Champions League wadada saxan ugu soo celiyaan ka dib markii ay guuldarro ka soo gaartay kulankii wareega hore kooxda reer Switzerland ee Basel.

Waxaa sidoo kale Chelsea ka maqan Marco van Ginkel kaasoo garoomada ka maqnaanaya muddo lix bilood ah ka dib qaliin jilibka looga sameeyay, halka Michael Essien uu isaga ku jirinba ciyaartoyda Chelsea u ciyaareysa Champions League.

Kooxda Steaua Bucuresti ee caawa martida loo yahay ayaa guuldarro ay kulankii furitaanka ka soo gaartay Schalke oo ku badisay 3-0, laakiin waxa ay doonayaan iyagana inay wadada guusha ku soo laabtaan iyagoo ka warqaba in garoonkooda caawa ay kaga badiyeen Chelsea 1-0 xilli ciyaareedkii hore wareega 16ka Europa League.

Kulanka kale ee Group E waxaa iska horimaanaya kooxihii guulaha ku bilowday group-kaan ee hogaanka haya Basel iyo Schalke, iyadoo kooxda Jarmalka ay booqan doonto Switzerland. Kulamada Group-kaan Ee Caawa Dhacaya: Steaua Bucuresti v Chelsea Basel v Schalke 04


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip