Danjire Max'ed Cali Ameeriko oo xilkiisa wareejinaya iyo loolan xoogan oo loogu jiro jagada Guddoomiyaha G/Banaadir (Xog sir ah oo la helay)
Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee wadanka Kenya Maxamed Cali Ameeriko uu qorsheynayo inuu xilkiisa ku wareejiyo shaqsi kale.
Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee wadanka Kenya Maxamed Cali Ameeriko uu qorsheynayo inuu xilkiisa ku wareejiyo shaqsi kale. Arrintaan xil wareejinta ah ayaa timid kaddib markii Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi uu ka codsaday Danjiraha inuu xilka danjirenimada ku wareejiyo shakhsi aan magaciisa la shaacin, isagana loo caleema saaro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho maadaama uu ka soo jeedo beesha Mataan Cabdulle.
Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo arrintaan si fudud oo ka fiirsasho la’aan ah ku aqbalay ayaa loo ballanqaaday lacag gaareysa 500-Kun Dollarka Mareykanka ah oo uu u isticmaali doono ololaha uu ku gelayo sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa siyaasiyiinta, Malaaqa, Odayaasha dhaqanka iyo ganacsatada beesha uu ka dhashay, waxaana arrintaan kala shaqeynaya shakhsiyaad yar oo xulufo la ah.
Aqoonyahanada beesha Mataan Cabdulle ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisal Wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed u soo jeediyay in ay si weyn uga fiirsadaan shakhsiga ay u magacaabayaan xilka maamulka Gobolka Banaadir.
Dhinaca kale aqoonyahano u dhashay beesha Mataan Cabdulle ayaa sheegay in aanay marnaba suuragal noqoneynin qorshaha Maxamed Cali Ameeriko uu ku doonayo xil ay beesha Mataan Cabdulle leedahay uu cid kale ku wareejiyo maadaama ay beesha hore u siisay xilka danjirenimo ee uu haatan hayo, isla markaana xilka Guddoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho ay u dooran doonaan shaqsi nadiif ah oo matalaya beesha qaadina karo xilkaan culus.