Sidaa oo kale shacabka ku dhaqan goboladaa Puntland waxeey dalbanayaan in lagu dhaqo shareecada Islaamka maadaama ay yihiin Umada muslim ah, waxaan mudan in la xusso kacdoonkii xamar ee loogu hortagay dhiigmiratadii isku magacaabay dagaal-Oogayaashii Muqdisho iyo qandaraaskii eey ka soo qaateen USA & Ethiopia ee ahaa in culumada xamar ku sugnaa eey u iib geeyaan USA si loo dabarjaro culumo ku dhaqankeeda shareecada u horseeda umada muslimka ah, kacdoonkii shacabka ayaa xaqiijiyay in umada somali eeyan weli dhiman jiraana shacab damiir diimeed leh kana soo horjeedo iibsiga culumada,taasi waxaa eey sabbabtay in laga saaro fadhiyadii iyo xarumihii eey xamar ku haysteeyn in ka badan 17 sanno markii danbane waxaa eey qaxooti ku noqdeen Ethiopia, waxaa dhamaatay riwaayadii Cade Musse iyo balamahii uu shacabka u qaaday.
Markii uu la kulmay culumada Puntland xiligii uu ahaa madaxweeynaha Puntland basle waxaa uu Cade Musse qaaday wadiiqadii uu falay C/aahi Yusuf ee ahaa la dagaalnka culumada iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka,waxaa uu dib u habeeyn ku sameeyay hay´ada loo yaqaan PIS (puntland intellegence service) waxaana eey ka fuliyeen qafaalasho culumo faro badan ee goboloda Puntalnd iyada oo taageero balaaran laga heleya dowlada maraykanka iyo qafaalashada gaar ahaan qabaa-iilada degen dhulka somali galbeed ee Ethiopia sida Ogaadeenka iwm
Dhacdadii ugu danbeeysay waxaa wada fuliyay ciidamada booliska iyo ciidamada shacabka Bossaso eey u bixiyeen Ashahaado la-dirirka ama kuwa loo yaqaano PIS oo si aad ah u hubaysaa waxayna dariiqa magaalada Bossaso dhexdiisa ku weerareen shiikh Maxamed Ismaaciil oo ah Caalim aad looga yaqaano Gobolada Puntland ee Somalia dhalasho ahaana ka soo jeedo Cali Saleebaan.PIS aa Urur ka kooban calooshooda u shaqeystayaal aan diin aaminsaneyn,isla markaasna howshooda eey tahay in ay ugaarsadaan culumada islaamka iyo cid kasta oo ay ku tuhmaan shacaa-irul islaam ama ay ka muuqato astaan diimeed.Taasi waxaa cadeeyay xirigiisa iyo Waraysi ay la yeelatay Shabakada Somalitalk.com Sh Maxamud Qorane ka mid ahaa culumadii sida xaqdarada loo qafaashay iyo markii la soo daayey ayuu cadeeyay in loo xiray in uu yahay nin u damqanaya Diinta Allaah. Alow Sahar Umuuraha.
Booqashadii dhawaan uu C/raxmaan Faroole ku tagay dhulka Ethiopia waxii ka soo baxay ee ahaa in shareecada Islaamka eeyan la jaan-qaadi karin Puntland waxaa eey sabbabtay in shacabku diido aragtida Ethiopia iyo kuwa u shaqeeya,r/wasaraha Itoobiya Meles Zanewi ayaa u sheegay Madaxweyne Faroole in ay dawladda Itoobiya xiriir wanaagsan la leedahay dawladda Puntland isla markaasna ay bulshada Puntland & Ethiopia ka dhaxeeyeen dano gaar ah oo aysan la-laheyn dhinacyada kale ee Soomaalida, haddii aad akhristow xusuusato Cade Musse ayaa sida oo kale hadda ka hor si cad u qirtay in Ciidamo itoobiyaan ah ay joogaan gudaha Puntland asaga oo ku macneeyey taasi in ay tahay xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyey Puntland & itoobiyaanka, waxaa umada Puntland is weeydiisaa Puntland ma gobol ka mid ahbaa Ethuiopia ????
Xalka waxaa uu ku jiraa in shacabka Puntland eey diidaan gumeeysiga cusub ee Ethiopia iyo kuwa qandaraaska ku soo qaatay ee uu ka mid yahay C/raxman Farole iyo ururkiisa Ashahaado la-dirirka ee aan arxan u aheeyn shacabka Puntland guud ahaan iyo shacabka somalia,dalka waxaa ka dhalay dowlad midnimo qaran waxeeyna ku dhawaaqday in dalka lagu dhaqi doono sharceecada Islaamka waxaa quman in r/wsaaraha dowlada midnimada qaran Cumar C/Rashiid in uu dhawaaq dheer kaga hortago gumaadka reer Puntland eey ku hayaan kuwa u shaqeeya gumeeysiga Ethiopia,waxaan leeyahay mudane r/wasaare xil-baa kaasaaran shacabka iyo culumada laga ugaarsanayo gobolada Puntland fadlan waajib wadanimo diinimo in aad ka hortagto C/raxman Farole iyo ciidamada Ashahaado la-dirirka.
Mudane r/wasaare shacbka reer Puntland waxaa eey aad u jecel yihiin ku dhaqanka shareecada Islaamka sida aad qirtay naftaada in dalka lagu badbaadin karo oo kaliya ku dhaqanka shareecada Islaamka hadaba sow ma muuqato in shacabkaa iyo culumadoodo loo qafaalanayo maxaad shareeco u sheegeeysaan iwm taariikhda ayaa qoreeysa wax walba oo dhulkaa ka dhaco cida shacabka iyo rabitaanka shareecada u hiiliso ayaana guuleeysan.
Dr.Ali.A.Hirebe
Hirabe_a@hotmail.com
Kacdoonka Pumtland Waa Bilowgii Shareecada Islaamka...
In dhawaale waxaa ka jiray Puntland kacdoon Shacab,taasoo lagu diidan yahay gumeysiga cusub ee Ethiopia kaas oo laga diiday guud ahaan Somaliyeed gaar ahaana degaanka Puntland,