Madaxweyne Xasan Sheekh. "Dhaqanka waa meesha ay umadi ka nooshahay waana ku faaneynaa dhaqankeenna" (Sawiro)

0
Monday June 23, 2014 - 02:55:12 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh. "Dhaqanka waa meesha ay umadi ka nooshahay waana ku faaneynaa dhaqankeenna" (Sawiro)

    Muqdisho,22,Juun,2014- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay bandhig dhaqameed ee ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ee lagu qabtay Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho,22,Juun,2014- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay bandhig dhaqameed ee ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ee lagu qabtay Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Wasiiradda Haweenka iyo Xaquuqul Isaanka Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda C/lahhi Maxamed Nuur, Xildhibaano iyo boqolaal dadweynaha ah ayaa ka qeyb-galay bandhigga.

Madaxweynaha Jamhuuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo bandhig dhaqameedka gaba-gabadiisa ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahad-celiyey qaban-qaabiyayaasha barnaamijka.

" Waxaan rabaa inaan marka hore u mahad-celiyo qaban-qaabiyayaasha barnaamijkan quruxda badan, waxaa ammaan gaar ah mudan Hobollada Waabari ee bandhig xiiso leh sameeyey kaas soo socday galabta ilaa caawa” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaqanku yahay meesha umadi ka nooshahay isaga oo Wasaaradda Warfaafinta ku dhiiri geliyey inay sii wado bandhigyada sidaan oo kala ah isla-markaana gaarsiiso gobollada dalka oo dhan.

"Dhaqanka waa meesha ay umadi ka nooshahay waana ku faaneynaa dhaqankeena. Boqalaal sanno ayaa dhaqanka leysku soo gudbinayey, waa inaan Taariiqdeennii hore heynaa mid cusubna sameynaa. Wasaaradda Warfaafinta waxaan ku dhiiro gelinayaa inay sii wado gobollada dalkana gaar-siiso” ayuu yiri Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federeelka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo hadal qaaday bisha barakeysan ee Ramadaan iyo Todobaadka xurriyadda ee ay labaduba nagu soo fool leeyihiin.

"Dhawaan waxaa nagu soo socda labo arrimood oo muhuum ah. Mid waa bisha barakeysan ee Ramadaan.Waxaan leeyahay Umadda Muslimiinta ah gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed Ramadaan Kariim. Aynu ka faa’iideysano ajarka ay leedahay bisha Ramadaan, ha leysku naxariisto, midba midka uu ka roon-yahay ha afuriyo. Sidoo kale waxaa nagu soo socda Todobaadka xurriyadda sida 26 Juun, 27 Juun iyo 1da Luulyo oo ah maalintii midnimada. Waxaan lee-yahay aanu weyneyno maalmahaas taariikhiga ah. Waa maalmo qiimo ku leh dhammaan Soomaalida”. ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federealka Soomaaliya ayaa mahad gaaar ah u jeediyey Saxaafadda Soomaaliyeed ee caawa si toos ah u tabineysay barnaamijka Bandhig Dhaqameedka.

(Daawo Sawirada By Mobile)


DHAMMAAD

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip