SHAQADA IIGA DILA!!!

0
Monday January 05, 2015 - 21:30:54 in Wararka by Axmed Abukar
  • Visits: 2627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHAQADA IIGA DILA!!!

    Allaah ayey mahad oo idili usugnaatey, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatey, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Xikmad Pakistani ah ayaa waxeey dhaheeysaa, "Qofka in aad disho aad rabto, saaxiib aad udhow baa lala noqdaa, kadib marka aad dishana qabrigiisa baa bulshadoo kuwada arkeeysa si aad udaran loogu dul baroortaa/Ooyaa"

Aqristoow maadaama dalku aanu laheyn shaqooyin ku filan baahida shaqo ee jirta, burbur dhinackasta ahna uu dhowr iyo labaatansano daashadey ayaa caasimada dalka ee Muqdisho, oo ah meesha dalka ugu muhiimsan, ee siyaasadaha qabaliga ah, tan Gobolka iyo guud ahaan tan quwadaha caalamkaba la isku heeysto, ayaa waxaa nasiibdarro si xoowli ah uga socda nuuc dilal qorsheeysan ah oo lagu khaarajinayo dadka aqoonta leh ,iyo kuwa shaqooyinka fiican Muqdisho kuheeysta, waliba si gaar ah waxaa dhawaanahan lasii labajibaarey, ugaarsiga dadka aqoonta leh ee Professionals-ka ah, ee qurbaha dib uga soo noqdey, si dadkooda iyo dalkooda eey wax ugu qabtaan, ama ucaawiyaan.

Dadkaa waxaa safka hore uga jira Injineerada, sida marxuum: Eng.Cabdullahi Cali Canshuur, oo habeenkii Isniinta, taariikhduna ku beegneyd November17, 2014 dabley hubeysan eey kudileen degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Minneapolis-na loogu baroordiiqey 3-dii January, 2015-ka.
Waxa sidoo kale taariikhdu markii eey aheyd December 20, 2013-kii lagu laayay duleedka magaalada Muqdisho afar dhaqaatiir ah oo iskugu jiray saddex Suuriyaan ah iyo hal Soomaali ah. Sidoo kale xasuuqaas waxaa ku geeriyooday laba nin oo ilaaladii dhaqaatiirta ka mid ah.

Sida dib laga ogaaday bartilmaameedka weerarkaa wuxu ahaa Dr. C/raxman Macalim Fiqi oo isagu ka badbaaday gaadmadaan, sababtoo ah gaarigiisu daqiiqado ayuu ka dambeeyay kolonyada gawaarida ah ee weerarku uu qabsaday. Weerarku wuxu ka dhacay agagaarka koontaroolkii cusbaa ee Afgooye, halka loo yaqaan Siinka-Dheer, waxayna dhaqaatiirtu ku sii jeedeen isbitaalka weyn ee Dr. Fiqi uga furan degaanka Ceelasha Biyaha.

Shan Bilood kahor xilligaa ayey sidoo kale aheyd markii weerar gaadmo ah lagu dilay Allahu u naxariistee Dr. Cismaan C/raxman Fiqi, oo uu dhalay dhaqtarka la weeraray.

Labada weerarba way beeniyeen Al-Shabaab oo inta badan lagu tuhmo dilalka gaadmada ah. Waxa intaas wehlisa inaysan horay iyo gadaalba u jirin wax dakano ah oo ka dhexeeyay Dr. Fiqi iyo Al-Shabaab wuxuuna Dr. Fiqi ka shaqeynayay isbitaalkiisa xiligii ay Al-Shabaab maamuli jireen Ceelasha Biyaha iyo kadiba. Meeshaa maxaa kaaga cadaatey?

Waxaa sidoo kale ka mid ah dadka la ugaarsanayo maamulka iyo macallimiinta jaamacadaha sida Marxuum: Ibraahim Maxamuud Xaamud, oo ahaa madaxdii waxbarashada ee Jaamacada SIMAD, oo maalintii Arbacadii taariikhduna ku beegneyd 10-kii December 2014ka lagu khaarjiyey Muqdisho. Waxaa sidoo kale lagu ugaarsadaa guud ahaan shaqaalaha dowlada, gaar ahaanna kuwa ka shaqeeya meelaha dhaqaalaha xooggan ee inta badan xaaraanta ah laga sameeyo sida: Dekkada Muqdisho, Garoonka Aadan Cadde, Bankiga dhexe, Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.

Waxaa sidoo kale ka mid ah meelaha dadkaa lagu ugaarsado hey'adaha gudaha ah iyo kuwa caalamiga ah (Local NGOS & International Organizations), waxaase si gaar ah farta loogu fiiqaa hey'adaha UN-ta maadaama eey ugu dhaqaalo fiicanyihiin, mashaariic aan ladhaqangalin balse dhaqaale xoogan lagu boobana laga helo, UNDP-daba ha ugu caansanaatee.

Waxaa sidoo kale jira dilalka qaar ee wariyeyaasha aadka u firfircoon ee loo quuriwaayey aqoontooda, kartidooda, firfircoonidooda, magaca iyo sumcada eey leeyihiinna, nasiibdarrana udhinta, kuwaasoo intabadan aad looga maseeyrsanyahay.

Waxaan meesha kamarneyn dadka waxba aanan qurbaha ka iman, balse shaqooyinka fiican kuheeysta magaalada Muqdisho, inta badan waxaa kuwan dambe ugaarsanaya, dadka ka hoos shaqeeya, oo eey madaxda uyihiin, kuwaasoo isdhahaya dallacsiin beey idinka hortaaganyihiin, iyagoo iska dhaadhiciyey in meeshaa eey madaxda ugu sareeya kanoqon lahaayeen, hadeey kuwa shaqadaa heeysta iska horwareejin lahaayeen, oo dilaayaasha ayaa shaqada dadkaa eey hayaan damac uu uga jiraa, waxeeyna iska dhaadhiciyeen, in dadkaasi boosaskaa ka buuxiyeen oo ay ka hortaaganyihiin, sidaa daraadeedna Gangs Dilalka Muqdisho lacag ku qaata(Death Squids/Contract Killers/Assasins) ayey ka adeejiyaan. Inta badan gawaaridooda ayaa Miinooyin loogu xiraa (Sida Wiilkii miskiinka ahaa ee dhawaan Buulo-Xuubeey lagu khaarajiyey), ama meelaha eey badanaa istaagaan ayaa loodhigaa Miinooyin sida: Xoghayihii Guud ee Gobolka Badaanir xilligii mudane Tarzan, Marxuum: CabdiKaafi Hillowle Cismaan oo qarax lagu dilay May3, 2014, kasoo loo magacaabi rabay Dekkada Muqdisho maalmo gudahood inta aan lakhaarijinin, sida walaalkii Xassan Hiloowle Cismaan (Xassan Kacaan) uu sheegay isagoo yiri "Walaalkeey Xassan Kaafi Waxaa laga dishey shaqo uu Dekedda ka qaban lahaa”, hadii kale inta indhaha looso xirto ayaa toos loo khaarajiyaa Askar iyo saraakiil badan oo ka tirsanaa nuucyada kala duwan ee ciidamada qalabka ayaa sidan lagu gumaaday, ama gaari inta laga dabaqaado ayaa xabado shabaq looga dhigaa sida dilkii loo geeystey madaxii Waaxda Socdaalka ee Garoonka diyaaradaha Aadan cadde: Maxamuud Cabdi Cadoow Dhabareey.

Marka qorsheeyeyaasha dilkaa looga horwareejiyo dadkii shaqadaa heeystey, ayaa sidaa shaqadii waxaa kula wareega dadkii dilkaa ka dambeeyey, cid dabagal kusameeyneysa majirto, hadii lagu sameeyana meel ma gaaro (Case closed), iskadaa soo ogaasho dhab ah, sooqabasho daacad ah iyo cadaallad horkeenid hufan intaba.Kiiskoo dhanba sidaa ayuu ku xirmayaa, dantii eey Iimaanlaawayaashaa ka lahaayeen dilalkaana sidaa ayey uga gaarayaa. Markii horaba qofka hadaanu Allaah casawajalla ka cabsaneyn, heey'ado dowladeed oo karti, khibrad iyo aqoon uleh baaritaannada fal-dambiyeedyadana aaneey walwal ku heyn in eey soo qabandoonaan oo aanu kabaxsaneyn, ileyn sida Soomaaliduba tiraahdo, "Kufaar Korkiisuu ka naxaa", nasiibdarro! waxeey kusii dhiiragalineysaa dambiilayaashaasi in howlahooda eey siiwataan, oo waliba eey sii laba jibaaraan. Maqnaashaha sooqabashadooduna waxeey kuwo cusub kusii dhiiragalisaa qabsashada howlahaa guracan ee lacag kuqaadashada gooynta naftaa Muslim ka ah, ee Allaah uu xaaraantinimeeyey in si aan sharci aheyn lagu gooyo.

Waa waxjira sidoo kale in Sirdoonka wadamada dariska, gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya eey qorshooyinka dilalkaa wax kafuliyaan kuwaasoo lagu ugaarsanayo dadka tayada leh, ee ummadan in eey u baxsato laga yaabo, oo dabcan eey kujiraan qurba-joogta dalka dib ugu soolaabaneeysa, ee kalsoonida iyo rajada weyn abuuraya, iyadoo qaarkoodna eey kudadaalayaan sidii isbadal dhab ah eey dalka uga sameynlahaayeen, ayaa wadamadaa aan soo sheegney u ugaarsadaan si kuwa dibadaha kumaqan balse raba in eey dalka dib ugu soo noqdaan loo khalkhal iyo cabsi galiyo, iyadoo ulajeedadu tahay in Soomaaliya 100ka sanee soo socota dhulka lagusii hayo, oo aaneey sida hadda xaalkeedu yahay in uu kasii xumaado maahane, aanu kasoo wanaagsanaanin, maadaama wadama darisku halis qaran (Nation Security threat) u arkaan Soomaaliya oo dagan, nabad ah, mideeysan ah, awood dowladeed iyo mid ciidan dhisanba leh.

Dhinaca kale Al-Shabaab iyadu diyaar ayey utahay in eey iska sheegtaan qofkastee ladilo oo dowlada iyo hey'adaha caalamiga ah ushaqeeya, maadaama eey yihiin cadowgooda dagaalka uu kala dhaxeey, iyo waliba si ay umuujiyaan in eey leeyihiin awood waxeey rabaan eey ku fulinkaraan. Ogoow waa xitaa hadii dilkaa aaney iyaga geeysan, wax shaqo ahna aaneey ku laheyn’e, taasoo fursad usiisa cidkastoo rabta in eey waxqasto, ama gumaado dadka, iyadoo og in baaritaan la ahaan iyo waliba isla Ilbiriqsigaa Al-Shabaab loo wada saarindoono, ama kabasiifiicane iyagu sheegandoonaan, taasoo saantirasho tii ugu wanaagsaneyd u ah dambiilayaasha.

GABAGABO IYO GUNAANAD

Dal waxaa faldambiyeedyada ka hortaga sharciyo hufan (Laws) iyo sharci-dhaqangaliyeyaal (Law Enforcement Agencies), kuwaasoo aqoon, khibrad, karti, iyo wadaniyad usaaxiib ah, ama kuwada sifoobey, qalabkoodii dambi-baarista iyo wixii iyaga baahi tirilahaa intaba uwada dhanyihiin. Waxaase intaa kasii muhiimsan in ay jirto garasho, rabitaan iyo go'aan adag, oo madaxda sare kayimaada kaasoo eey uga hortagayaan, kuna ciribtirayaan dambiyada waaweeyn nuucyadooda kala duwan. Hadiise taa lawaayo faldambiyeedyadu in eey sii laba jibaarmaan maahane ma yaraanayaan waana tan maanta ina wada heeysata.

Ilaahoow Iimaanka ina gali, oo Aakhiro, cabsida Allaah iyo Ciqaabtiisa kulul qalbigeenna haka saarin, illeyn iyadaa qofka Muslimka ah ilaalo iyo waardiyeyn ugu filane. Subxaanallah!

 
Qoraa: Cabdulqaadir M.Cismaan "Cabdiboqor"

Maamule kuxigeenkii hore, ahaana Macallin isla Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Al-Madinah International University.

abdulkadirphd@hotmail.com

MN, USA.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip