Munaasabadaan ballaaran ayaa waxaa soo qaban qaabiyeen Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljameeca ee ku sugan magaalada Addis-Aababa ee Dalka Ethiopia.
Mowlaca Reer Shiikh Cabdi Cumar ee ku leeyihiin magaalada Addis-Ababa oo lagu qabtay munaasabadaan ayaa waxaa kazoo qeyb galay Culumaa’udiin farabadan oo si weyn looga yaqaano gayiga soomaaliya.
Shiikh Maxamuud Macalin Xasan oo ka mid ah Culumaa’udiin kazoo qeyb galay Munaasabadaan ayaa waxaa uu halkaas ka aqriyey siirada Nabigeena Muxamed CSW qeybta israha.
Sidoo kale Shiikh Mukhtaar Cabdulee Suubiye oo ku magac dheer (Sh.Mukhtaar Cadde) ayaa waxa uu isagane aqriyey Siirada Nabigeena Muxamed CSW qeybta Micraajka.
Mowlaca lagu dhigay xaflada ayaa waxaa soo buux dhaafiyey dadweyn aad u farabadn oo ka muuqata hilow ay u qabaan ixtifaalkaan sida ballaaran loo soo agaasimay ee lagu weyneynayo dheelmiskii Nabigeena CSW Al Israa Walmicraaj.
Shiikh Maxamuud Macalin oo kazoo jeediyey munaasabadaan ballaaran wacadi qiireysan oo soo dumay qalbiga dadyowga kazoo qeyb galay ayaa waxa uu ka hadlay muhiimad ay dadka muslimiinta ah u leedahay maalintaan sharafkeeda aan la soo koobi Karin.
Maalintaan ayaa waxaa ay tahay maalin qiima weyn u leh dadyowga muslimiinta ah iyadoo looga baahan in dhamaan dadyowga musliinta in ay weyneeyaan munaasabadaan qiima sharfka leh.
Sidoo kale waxaa ka hadlay Shiikh Mukhtaar Cadde oo isagane wacdi dheer oo soo jiiday quluubta kazoo qeyb galayaahsa xaflada halkaas kazoo jeediyey ayaa waxa uu dalka Soomaali uga baryey in Ilaahey dhibaatada ka qaado maalintaan qiimaha iyo sharafka leh awgeed.
Munaasabadaan ballaaran ayaa waxaa kazoo qeyb galay Culumaa’udiin farabad iyo odayaal dhaqameydyo oo kala ah:
I) Shiikh Mukhtaar Cabdulle Suubiyey (Sh. Mukhtaar Cadde)
II) Shiikh Maxamuud Macalin Xasan
III) Shiikh Abuukar Macalin Maxamuud
IV) Shiikh Maxamuud Ismaan cadde
V) Xaaji Muxidiin Cugaal
VI) Yaasiin Maxamed Yalaxow
VII) Xaaji Saciid Maxamed Hiraabe
VIII)Cabdi Nuur Maxamed (Kadiye)
IX) Col. Xasan Ruuke
X) Shiikh Cabdulle Xasan
Iyo dad kale oo farabadan oo intaa lagu soo koobi Karin.
Qaban qaabiyaasha Xaflada oo kala ah Maxamed Toxobow Cabdi, Cumar Shiikh Axmed Yare, Macalin Xasan Maxamuud Cabdulle (M. Xusuley) iyo C/raxmaan Xuseen Xasan (Fanax)
Isku dabaride iyo sawir qaade Cali Shiikh Axmed yare.
C_yare2@hotmail.com
Sidee loogu xusay magaalada Addis-Ababa habeenkii la dheelmiyey Nabigeena Muxamed CSW(Sawiro)
Munaasabad si balaaran loo soo qaban qaabiyay oo lagu maamuusayay habeenkii la dheelmiyey Nabigeena Muxamed SCW ayaa lagu qabtay magaalada Addis-Aabab ee dalka Ethiopia gaar ahaan xaafada 24 Magananya.