Qeybta dambe ee Diyaaradda ayaa waxaa ka soo baxay Baabuur madmadow oo u eg nooca CARIB-ka loo yaqaan oo aanay xabaduhu karin, kuwaasoo mid ka mid ah lagu baarkimay roog gaduudan oo lagu sharxay ubaxyo iyo fiyoorayaal ayaa waxaa albaabka ka soo degay Xoghayaha arrimaha dibadda Mss. Hillary Clinton iyo Ra'iisal Wasaaraha Jarmalka Angelo Markel iyo wufuud ay ka mid ahaayeen Safiirka Talyaaniga Soomaaliya Mario Vitelli, Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna wakiilka EU iyo Safiirka Soomaaliya u jooga Talyaaniga, madaxda hay'adaha WFP, UNDP iyo diblomaasiyiin ka socda caalamka.
Ugu horeyn laba gabdhood oo ka tirsan ubaxa iyo ardayda Muqdisho ayaa xirmooyin fiyoorayaal qoorta u geliyay Mss. Hilary Clinton iyo Mss. Markel, kaddibna waxaa gacan qaaday Madaxweyne Sheekh Shariif, Ra'iisal Wasaare Cumar C/Rashiid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo mas'uuliyiin ka tirsan labada Gole ee dowladda KMG ah.
Madaxweyne Sheekh Shariif Mss. Clinton, Ra'iisal Wasaare Cumar C/rashiid iyo Ra'iisal Wasaare Markel ayaa halkaasi salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Bambeyda oo halkaa ku garaacay astaanta calamada Soomaaliya, Mareykanka iyo Jarmalka, kaddibna iyagoo wada saaran gawaari dusha ka furan soo maray wadada soo aada Km-4 ilaa Villada, halkaasoo ay safnaayeen dadweyne furxayay caleemo qoyan iyo calamada saddexda wadan.
Kulan gaar ah oo nus saac socday kaddib ayay Mss. Hilary Clinton xarunta Madaxtooyada kula hadashay mas'uuliyiin, marti sharaf iyo suxufiyiin, "Muqdisho awal waxaan u heystay meel ka qatar badan magaalooyinka Kapul iyo Baqdaad, balse markaan arkay iminka farqi weyn ayaa u dhaxeeya intii ay joogeen kooxdii Shabaab" ayay tiri Mss. Clinton, iyadoo ballanqaaday in Mareykanka sidii uu ugu gurmaday masiibadii Haiti si ka badan ay u caawimi doonaan shacabiga iyo Dowladda Sheekh Shariif.
"Muqdisho mustaqbalka dhow waxay u ekaan doontaa sida magaalada Jakarta oo kale, waxaana ugu baaqeynaa caalamka in la taageero Soomaaliya" ayay tiri Mss. Clinton oo u mahad celisay wadamada Uganda, Brundi iyo Jabuuti, iyadoo hoosta ka xariiqday inay dhisi doonaan jaamacad iyo machad weyn oo magacaabayo Prof. Ibraahim Xasan Caddow iyo Drs. Qamar Aadan.
"Prof. Caddow dhowr jeer ayaan is aragnay, wuxuu ahaa tiir ka mid ah tiirarka aqoonta, Drs. Qamarna sidoo kale, ma dadkaas oo kale ayaa la dilaa, runtii qaraxii 3-dii Disembar ee Hotel Shamo waa mid ka mid ah astaamaha Al-Qaacida" ayay cod dheer ku tiri Ms. Clinton.
Mss. Markel oo iyana halkaa hadal kooban ka jeedisay ayaa ballanqaaday in sida caadada ah ay caawimaad siin doonaan ciidamada Booliska, sida tababaro, gaadiid, isgaarsiin iyo qalabyada casriga ah ee wax lagu baaro.
Safiirka Talyaaniga Mario Vitelli oo ku hadlayay magaca EU-da ayaa isna ballanqaaday in kaalmooyin caalami ah loo fidin doono Dowladda iyo shacabka barakacsan, "Iminka ma joogaan kooxihii is hor taagayay in kaalmo iyo gargaar la siiyo shacabka tabaaleysan, waxaana iska daba imaanaya kaalmo badda iyo cirka aan ka keeni doono" ayuu yiri Vitelli oo uu hareer taagnaa dhigiisa Nuur Cadde oo u tarjumayay kooxaha Barbaarta gaashaaman oo ku shirayay "Takfiirki waa taqalusnee...taageera Towradaan Shariif.
Wakiil ka socday dalka Japan ayaa ballanqaaday dib u dhiska waddooyinka burburay inay ka dhigi doonaan buundooyin kor iyo hoos ay baabuurtu isku dhaafaan, haweeney u hadashay dalka Norway ayaa iyana ballanqaaday inay dhisi doonaan guryo la dejinayo qoysaskii ciidamada ay ka geeriyoodeen iyo agoonta waalidkood ku dhintay fowdada iyo colaadda.
Madaxweyne Sheekh Shariifl, Ra'iisal Wasaare Cumar C/rashiid, Sheekh Aadan Madoobe ayaa iyaguna u mahad celiyay wafdiga, iyadoo gabagabadiina halkaasi lagu casuumay afhayeenka xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh C/risaaq Abuu Yuusuf Al-Qaadi oo guud ahaan u mahad naqay intii gacanta ka geysatay sifeyntii kooxaha uu ku tilmaamay Khawaarij iyo shisheeye ku soo duulay Soomaaliya oo 03/03/2010-ka iminka firxadkooda laga raadinayo buuraha iyo bohollada Raaskambooni, maxaabiis badanna laga soo qabtay oo u badan ajnabi.
Wafdiga ayaa soo kormeeray suuqa Bakaaraha oo xarun u ahayd kooxihii ka horjeeday Dowladda Federaalka iyo joogitaanka ciidamada AMISOM, Jidka warshadaha, Boostada iyo suuqa xoolaha kaddib ayaa wafdiga oo ka sii duulaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaan ku soo baraarugay daryaanka madaafiic iyo hoobiyayaal ka dhacaya Muqdisho, anigoo ogaaday inaan ku jiray riyo habeen kuna duceystay "RIYADII XALAY RABBIYOW HA RUMOWDO".
W/Q: Axmed Waddani
Mss:Cilinton iyo Booqashadii Suuqa Bakaaraha.
Iyadoo wadooyinka gala xarunta madaxtooyada, Airoporka iyo guud ahaan goobaha muhiimka ah ammaankooda aad ayay u adkeeyeen, ciidamada Delta Force, Amisom iyo kuwa Dowladda federaalka isla markaana ay hawada Muqdisho dul heehaabayaan Helikobtarada, AC