Alshabab (Waa diidnay WFP,Dadkeynana duleysa mee)

0
Thursday November 18, 2010 - 12:31:49 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alshabab (Waa diidnay WFP,Dadkeynana duleysa mee)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Shabaab ayaa shlay garoonka Stadium ku soo bandhigtay bandhig la yaab leh oo isugu jiray shiribyo, Tartanka orodka, Bootin, Kabdhood iyo Dheri jabin iyo wax yaabo kale oo ay ku maamusayeen munaasabada maalinta 2-aad ee Ciida Carrafo.
 

Ugu horeyn laba koox oo ka tirsan curubyada dagaalada ayaa xarig jiid ay ku tartameen ay guusha ku raacday guutada Muscab Ibnu Cumeyr, iyadoo halkaasina la soo dhigay laba jiirkaan oo kuwa saliida lagu keeno ah ee qaada 20-ka liitar oo lagu qoray magacyada Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Afhayeenka AMISOM Bradgye Bahoko, balse magacooda lagu bedelay (Shariif Murtad iyo Beenaale Bahoko) taasoo ay falaaro ku shiishayeen rag ku tartamayay Kabdhoodka ama shiishka falaaraha iyadoo la waayay cid ku guuleysata in ay falaarta la hesho labadaasi jiikaan midkoodna.
 

Sidoo kale Tartan Dhera jabin ah oo indhaha la iska xirayo ayaa waxaa ku guuleystay Fu'aad Maxamed Xaaji oo ka tirsan Werayaasha Idaacada taageerta Al-shabaab ee Al-furqaan kaasoo ku guuleystay 10- canjal oo hadiyad ah.
 

Dhinaca kale waxaa halkaasi gabayo guurow iyo shiribyo lagu tartamayay ku guuleystay kaalinta koowaadna ka gashay dufcada Yaaq shiid ee uu horkacayay Taakow Macalin Ciise halka kaalinta labaadna ay gashay dacwada Deyniile, halkaasoo laga tiriyay Shirb ka turjumaya mamnuucida ay xarkada Shabaab ku soo rogtay samafalka Hey'adaha gaar ahaan WFP


(Waa diidnay WFP .... Dadkeynana duleysa mee.)
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip