Gabaygii “Sooyaalka Jira”ee Silsiladda Sallaamaley

0
Sunday June 03, 2012 - 09:21:51 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabaygii “Sooyaalka Jira”ee Silsiladda Sallaamaley

    Waxaan salaamayaa dhamaan inta afsoomaaliga ku hadasha ee aan soomaalida wada nahay Waxaan kaloo salaamayaa abwaannada, hal-abuurada soomaliyeed rag iyo dumarba iyo weliba guddiga isu xilqaamay kala habaynta gabayadan run ahaantii waan kawada dheregs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan salaamayaa dhamaan inta afsoomaaliga ku hadasha ee aan soomaalida wada nahay Waxaan kaloo salaamayaa abwaannada, hal-abuurada soomaliyeed rag iyo dumarba iyo weliba guddiga isu xilqaamay kala habaynta gabayadan run ahaantii waan kawada dheregsanahay silsiladdan nin waliba sidii ay la'ahayd ayuu yidhi wixii la'is odhan lahaa waa la'is yidhi raaligalin ayaan ka bixinayaa inaan hadda soconayo maxaa hadhay uma soo hadline anaa hadhay ayaan usoo hadlay. Haddaan intaa dhaafo Gabaygan oo aanan rabin inaan sii faah faahiyo waayo ujeedka isagaa laga dhex helayaa cidda uu ku socdaana way far garanayaan kolley waa abwaanno garasho leh, Aniguna siday ila tahay ama maansada aan u bixiyey waa (SOOYAALKA JIRA ) Kaasoo somalidu guud ahaan ku rafato Ama dafirto waxyaalaha dhacdana aysan rasmi u qaadan ahna wax wayn oo naga maqan. Aan idiin kala-dhex-baxo Idinka iyo gabayga (SOOYAALKA JIRA) SOOYAALKA JIRA:



1. Indhowaydba suugaan Ma odhan ,Waan ka saahidaye .

2. Ma sifaynin sawdkii murtida ,Saamiloow gabaye.

3. Dad u siman markii Laga dhigaan, Xidhay samaaloowe

4. Anoo seexday baan xalay saq-dhexe, Helay sirwaaweeyne.

5. Sanqadhaan maqlaayaa ahayd, Samiryo taag waaye.

6. Salaw qaylo reenkii dhacaan, Salalay goortaase.

7. Mahad sugan bal aan eebbeheen, Siiyo keligiise (SW)

8. suubbanoow rasuulkeeni aan, Salliga gaadhsiiyo. (SCW)

9. saaxiibadiisii wacnaa, surin lasii qaado.

10.Aan su'aalo soomaali-wayn, Sababo dheeraada.!



11.Afartaasi waa siinka gabay, hoga-su’aaleedka.

12.Summad weeye ii gaar ahoo, laygu saacidaye.

13.Soomaali mooyee ma helo, ruux saloolliya’e

14.aan sifeeyo sooyaalka jira, saatanuu dhigiye.


15.Dhulkan siman badaha loo sallaxay, Buuro lagu seemay

16.Cirkan sare xiddigo lagu suntee, Looga dhigay suurad.

17.Saxaab dararsan, sagalkoo qurxoon,samada ood daawan

18.Saanad inuu ilaah nooga dhigay, waa saxeex qorane

19.waa su'aal layaab lee dadyahow, sababta yaasheega ?


20.Samadow ilaahey markuu, Aadan sara-joojey

21.Usujuuda goortii la yidhi, Amarna uu siiyey

22.Ibliis inuu santaagaa sugnayd, waa saxeex qorane

23.waa su'aal layaab lee dadyahow, sababta yaa sheega ?!!


24.Taariikh intaa saa'idoo, suubanuhu sheegay.

25.Iyo siiraduu noo marshaye, subaxba soo joogay

26.In la sugo ayaa ila haboon, lagana saad yeesho


27.Sannad hore wixii soo dhaciyo, aakhir samankeeda.

28.Adduunyada intaa socotay ee, Subaxba heer joogta.

29.Noloshaan sarraysee Caddaan, Soo bandhigay maanta

30.Afrikadan sabool gaajo dili, Silic usoo taagan.

31.Waa su'aal layaab lee dadyahow, Sababta yaa sheega. ?!!


32.Afartaasi waa siinka gabay, hoga-su’aaleedka.

33.Summad weeye ii gaar ahoo, laygu saacidaye.

34.Soomaali mooyee ma helo, ruux saloolliya’e

35.aan sifeeyo sooyaalka jira, saatanuu dhigiye.


36.Soomalidu xumaan kama sinnee, Duul saraa jiraye.

37.Sayidkiyo raggii soo halgamay, Gaaladana saafey.(Darawish)

38.Dhallinyaradii soomaaliyee, Calanka noo saaray (SYL)

39.Dhagaxtuur sallaankuu sudhnaa, Waa saxeex qorane.

40.Waa su'aal layaab lee Maxaa, Suugga ina saaray ?!!


41.Taariikh intaa saa'iddaa, Suubanuhu sheegay (Scw)

42.saxaabadu siday werinayeen, Suuradaha diintu




43.Soddon labo ah toban saa'idiyo, saddex kaloo taagan

44.kulligoodna seed haysanoo, Sadarba meel aaday.

45.Mid waliba anaa saxan dhahoo, Saatanaan rabaye.

46.Inaan saaka haynoo Sidaas, aan lannahay suurad

47.inuu sabigu hooyadii rartaa, Waa saxeex qorane

48.soddon iyo toddoba sow ma'aha, Saaka taladeenu ?(37 States)




49.Afartaasi waa siinka gabay, hoga-su’aaleedka.

50.Sumad weeye ii gaar ahoo, laygu saacidaye.

51.Soomaali mooyee ma helo, ruux saloolliya’e

52.aan sifeeyo sooyaalka jira, saatanuu dhigiye



53.sallaamaley samaan akhirkani, Socota waayaabe.

54.Soddon sano sagaal baa hadhoon, Seero goysnahaye

55.Anaa saxan anaa saafiyaan, Saaka leennahaye.

56.Soomaali waan wada nahaan, Surin ku qaadnaaye.

57.Misna seero kala xidhan ayaan, Soo ban dhiganaaye.

58.Saluug taagan samir koo lumaan, Sooraynaa weliye.

59.Sanuud gaalo keentiyo qabbaan, Kala sarraynaaye

60.Sixintaan la’aan baa nadiley, kala socdaaleyne .

61.Kala soocu ma inoo danbaa, Samiryo taag waagu??


62.Waxba siinku yuu ila durkine, Waan sakalayaaye.

63.sallaamadu shan weeyee dhisoo, Sima makaabkooda.

64. Isku suurad weeyee ka jira, Midab ka soocooda.

65.Sunta qooshan soohdimaha laxidhay, Saani u hagaaja.

66. Sumaddeeni guud qaata oo, Siiba garan-waaga.

67.Sakhradaha gumaystuhu sawiro, Saaka ila diida.

68. U socdaala soohdimaha maqan, Sahanka dheereeya !.



Hal-abuur:

Abwaan Cabdirashiid Maxamed cali (Caaqilka)
E-mail:caaqilka101@hotmail.com
Nairobi, kenya.

FG: Haddii aad doonayso inaad ka qaybqaadato Silsiladdan suugaaneedee Siinleeyda ah ee “Sallaamaley” haddii ay jiraan talo, tusaale iyo toosin, waxaad kala xidhiidhi kartaa magacyadan hoos ku qoran:



1.Xasan Abiib Faarax (Xasandaaci) daaci77@hotmail.com

2. Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com

3.Cabdiraxiin Hilowle Galayr galayr1977@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip