Gabaygii 32AAD “SAADAAL” ee Silsiladda Sallaamaley

0
Friday June 22, 2012 - 15:51:52 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabaygii 32AAD “SAADAAL” ee Silsiladda Sallaamaley

    ASALAAMU CALEYKUM……… Gabeygan waxa uu kamid yahey Silsiladda Caan-baxdey ee loogu magac-baxday “Sallaamaley”, Waxa uu Abwaanku ku nuux-nuuxsanayaa Iney adagtahey Sida loo Midoobo ama dib leyskugu celiyo labadii dhina

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASALAAMU CALEYKUM……… Gabeygan waxa uu kamid yahey Silsiladda Caan-baxdey ee loogu magac-baxday “Sallaamaley”, Waxa uu Abwaanku ku nuux-nuuxsanayaa Iney adagtahey Sida loo Midoobo ama dib leyskugu celiyo labadii dhinac ee Soomaaliya ee Midoobey lixdanaadkii , Maantana kala ah Soomaaliya Iyo Somaliland … Waxa uu taageerayaa Kala go’a ayada oo Xumaan laga dheeraanayo Iyo Xifaaltanba … Gabeygan Cidda uu ku socdo ee uu magac-dhabayo Way soo bixi doontaa oo ka hordhici maayo waxba . Gabeygii oo Muc iyo Murtiba Xanbaarsani waa kan ee Ka bogasho wacan oo wanaagsan …… Gabeyga “SAADAAL”

1. Sarbeeb gabaya hadalkoo sandahan, erey la suureeyo

2. Suugan curatay sagal koo da’iyo ,sarac la beeraayo

3. Suldaan taliya saajaca goliyo, suubane abwaana

4. Sabool foqora qani loo sinqado, kii safradi hayso

5. Inta calafka seejiyo ninkii ,sawjad boqor yeeshay

6. Caatadu ninkay sahayatiyo, sumalka aad moodo

7. Si kastaad u eektaba khalqiga, saatir wada uumay

8. Mid kastaa sad buu leeyihiyo, saami gooniyahe

9. Layskuma safaadee murtidu, waa so’ daan degay e

10. Sida subac qur’aan baan galaydh, ula siyaaxaaye

11. Surma-seegto malahayn tan iyo, sabi ahaan tiiye

12. Guunyadaba sumaddaa nafluhu, sax ugu goobaaye

13. Ana inaan subeeciyad u xidho, waa sidaan rabaye

14. Aan sallaxo sidii hoorrimaad, siigadii kiciye

15. Afartaa sansaankii murtida, sogordeheedi dheh

16. Saac iyo mankoo udug baxshiyo, saban barwaaqeed dheh

17. Socod-baradku sugaan waqii, saafi kari waaye

18. Arar lala sureeryo tixaan, helay sarteedi dheh

19. Afar kale salaamalay hadaan, yarahe suureeyo

20. Soohdintii abwaankeed hadaan, sidig u maalayo

21. Somali waan wada nihiyo, saan-madoobaha e

22. Sabankaana waan wada degnaa, qaradaa sudhane

23. Sokeeyiyo xigaal waa la yahay, seedi iyo jaare

24. Siyaasadi saddiiq maleh tol iyo, seedi baan nahay e

25. Saqiir walidkii bay sudhaa, kala socdaalaane

26. Saf waxay wadaagaan dantay, seer la falataaye

27. Siin iyo saad inaan kala saxnaa, waa sidaan rabay

28. Silicii gumasytaha markii, eebe naga saaray

29. Nayntiin sitiinkii markaan, saaxir kala guuray

30. Masikane kolkaan xamar socdaal, saacad kaga gooyay

31. Waataad sad-qudheed dhigteen, saymo dhaliseene

32. Wuxuu qaran saluuga dhiciyo, ceeb la saan yaday e

33. Sooyaalka kii fiiriyaa, wuu siqsiqayaaye

34. Soor hadii la qaybshoo sibyaan, sacabka loo buuxsho

35. Sadkii wiilka qaday oo misana, diifla saranseeray

36. Hadii uu lucaab saydho oo, baahi socoteeyo

37. Maandhe inaad waxsiisa ishay, kaa sitiraysaaye

38. Misna saamaxnaabaan ku idhi, waa gob sumadeede

39. Saadaal tijabada horaa, lagu sargooyaay e

40. Adoo soohan adooo sararo wayn, oo dadkaba saydha

41. Surma wiilka kugu daya misana, seeto kula gaada

42. Saradii hilbaa iyo adoo, gabay silaaxaga

43. Subaxaa haduu kula kulmoo, ereyo saameelo

44. Santaag inuu ku faaloodo oo, samo abaaraynin

45. Sadrigaan ka sii garanayaa, tan aad sugaysaane

46. Afartaa sansaankii murtida, sogordeheedi dheh

47. Saac iyo mankoo udug baxshiyo, saban barwaaqeed dheh

48. Socod-baradku sugaan waqii, saafi kari waaye

49. Arar lala sureeryo tixaan, helay sarteedi dheh

50. Sikastaba hanoqetee kolkii, saxalku uu duulay

51. Sawrada horteed baan ku idhi, talo inoo seese

52. Saraayaa la doorbiday dhib iyo, saban colaadeede

53. Sulub iyo silaax kuma tarmaan, suugga aadmiguye

54. Sodoh ooyda sabi aabe taba, gaari salalaysa

55. Waayeel ilmada saydha oo, seexan kari waaya

56. Sixo iyo dadbaa looga dhigay, subagga xoolaaye

57. Lug haday socdaalkiii gabtoo, cudurku saameeyo

58. Seedeheeda gaangari dhexgalo, sare u faafaaya

59. Inta aan jidhkuba saaqmin ee, noloshu kaa suulin

60. Seef inaad ku gooysaa aday ,sooryo kuu tahaye

61. Sinjigeenna iyo baa ka dhigan, aradka soomaale

62. Qunbe subaga lama siisan karo, sadhiyo daacuune

63. Midha sacabku jira looma qubo, geed kuwii sudhane

64. Solaya-cas ma dego reer haduu, naqu siraataaye

65. “Siiroo-boynti-fayf” looma huro, dawlad saafiye he

66. Afartaa sansaankii murtida, sogordeheedi dheh

67. Saac iyo mankoo udug baxshiyo, saban barwaaqeed dheh

68. Socod-baradku sugaan waqii, saafi kari waaye

69. Arar lala sureeryo tixaan, helay sarteedi dheh

70. Xaajadu saqlayn kuma gashiyo, qiiro aan socone

71. Sanawaad in laga fiirsaday, samo ku gaadhaye

72. Safiyaay haween iyo nin yari, sixi aqoon waaye

73. Sayn-cadkaa wax kala saara iyo, sowdka maansada e

74. Samays baa lakala leeyihiyo, hawlo kala sooce

75. Sicad wax uma sheegtaan haween, dood haday sariye

76. Sukhrufbaa inoo sheegtay iyo, suradaha diin e

77. Xaayaw sirtaan qarinayuu, soo faqfaqayaaye

78. Sablaalaha aad igaysiyo dhulkaad, ila sabaynayso

79. Baadhitaan sameeyoo ku noqo, marinaka sooyaalka

80. Afartaa sansaankii murtida, sogordeheedi dheh

81. Saac iyo mankoo udug baxshiyo, saban barwaaqeed dheh

82. Socod-baradku sugaan waqii, saafi kari waaye

83. Arar lala sureeryo tixaan, helay sarteedi

84. Garka habarii soohdee in badan, soor u cuni wayday

85. Goortay samaysee xigii, sawrac wacan yeeshay

86. Tidicii intay soo furtay, faruhu suuqmeene

87. Naxli baa inoo sawrtay iyo, sawdka eebahay e

88. Wax kadhigan ninkii saadufeen, sugin ahdaaftiiye

89. Sabre inuu sadkiisii heelo, wa mataal sugane

90. Falastiinba saabure muddiyo, saban laxaad wayne

91. Ajandahooda kama seexanoo, waa u sadtiriyaane

92. Ana sahal inaan uga hadhaa, waa hal aan socone

93. Wuxuu shacabku saanyado qofkii, suuli yidhi eedye

94. Saqiir iyo kabiir “Lannimaa”, lo sacyiyayaaye

95. Sifafaalihi dawladnimo, waan sitaa idil e

96. Calankaan suldo lahayni waa, lama siyaartaane

97. Sad bursiinyahay eeday ,iyo yaa sokeeya ahe

98. Sibraar qoyay inaan weheshadaa, waa sabaan tegay

99. Wuxuu qoom sargooyo alkumay, inu he siidaayo

100. Sacab timo ku yaal weeye oo, waynay soconayne

101. Sanca iyo suuriya dadkii, suugga lagu laayay

102. Saciimkeedi liibiya wuxuu, seefta marinaayey

103. Saancadaagi binu cali wuxuu, umamka saafaayay

104. Saca masar wuxuu sida siyaad, soloyay ruuxdooda

105. Mawdkay suradiisiyo arkaan, salawga yeedhaya

106. Halkay talada sareen misana ,kama salguurayne

107. Go,aan loo sinnaado qofqudhi, sina u diidaynin

108. Misaalkeedu waa sawraddaa, carabtu seeseene

109. Sabaalaha hajoogtee dagaal, suna haday gaadho

110. Sariic inaan u laabtoo markale, xamar la saaxiibo

111. “Satisfaydh” inaan taa ku noqon, suuro ma ahayne

112. Ictiraafna waa sugahayaa, saaka iyo jeere

113. sabca alif ha qaatee maruun, wuu sal-dhigayaaye

114. Saadaashu waa heer sariyo, heego socotayne

115. Xuban siinta “igad” baa ka mida, sahannadiisiiye

116. Hala sugo gu’ sooraha nimcadu, saadanbey imane .

Sharraxaadda Erayada :-

· “Siiro-boynti-fayf “= 0.5 (Qaab dawladii soomaaliya wax ku saami-qeybisey oo Qaab-beeleeed ku dhisnaaa )

· “Laannimo”= Somaliland-nimo

· Sabca alif = Tiro Caribiya oo u dhiganta (7,000)

· Nayntiin = Tiro Ingiriisi ah oo u dhiganta (19)

· Sitiin = Tiro Carabiya oo u dhiganta (60)

· Satisfaydh= Waa kalmad ingiriisi ah oo macnaheedu tahey (Raali noqosho)

· “IGAD”= Waa ururka Midowga Dawladaha Africa



Curiye:- Mustafe Nuur Xasan

Email: khaliiji17@hotmail.com

Khartoum, Sudan



1.Xasan Abiib Faarax (Xasandaaci) daaci77@hotmail.com

2. Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com

3.Cabdiraxiin Hilowle Galayr galayr1977@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip