Wariye ku geeriyooday Babba Muqdisho.

0
Friday June 14, 2013 - 19:08:25 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye ku geeriyooday Babba Muqdisho.

    Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday maanta Wariye Xassan Maxamed Ismaaciil, (Xassan Kuuriya) oo in badan ka soo shaqeynaya saxaafada xilliganna ahaa mid kamid ah qorayaasha Website-yada afka Soomaliga wax ku baahiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday maanta Wariye Xassan Maxamed Ismaaciil, (Xassan Kuuriya) oo in badan ka soo shaqeynaya saxaafada xilliganna ahaa mid kamid ah qorayaasha Website-yada afka Soomaliga wax ku baahiya.

Allaha u naxariistee Wariyaha ayaa ku dhintay xeebta Liiso halkaas oo uu damaashaad u aaday maanta oo Jimca aheyd sida uu xaqiijiyay Cabdi Maxamed Simaaciil (Cabdi Cuud) kaas oo ay walaala yihiin wariyaha geeriyooday ahna agaasimaha idaacada Sabelee ee magaalada Muqdisho oo in badan Kuuriya uu uga shqeynayay Farsama Yaqaanimo.


Xassan ayaa la sheegay in ay Baddu qaaday kadibna laga soo bixiyay isaga oo meyd ah arintaas oo bahda Saxaafada Soomaalida ku noqotay arin naxdin ku beertay.


Waa wariyihii ugu horeeyay ee baddu qaado inta la xasuusto, waxaana uu noqonayaa wariyihii shanaad ee sanadkaan ka geeriyooda wariyaasha Soomaaliya iyada oo laba kamid ah ay ku dhinteen qaraxyo Muqdisho ka dhacay halka laba kalana ay dileen kooxa Bastooladley ah.


Allaha u naxariirtee Kuuriya ayaa waxa uu ifka uga tegay Laba wiil iyo Xaas iyada oo lagu wado in maalinta berri ah lagu aaso magaalada tan Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.
INAA LILLAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip