KHAWAARIJTA OO QIRATAY DULLINIMO IYO IHAANO TII UGU XUMEYD!!

0
Sunday April 04, 2010 - 22:58:44 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KHAWAARIJTA OO QIRATAY DULLINIMO IYO IHAANO TII UGU XUMEYD!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqristow Bal waxaad Aqrisaa dhageysataa amaba daawataa Wararkii Muqdisho ee Warbaahinta Gudaha iyo dibadda ka baxay, Sabti: 03/04/2010. 

Ninka ay ugu yeereen “Karratee” ee Khawaarijtu u xil saartay Qodista Qabuuraha oo si ay ka muuqato doqonimo iyo inuu Madiidin ama adeege u yahay kuwa isaga ka sareeya oo soo adeejiyey ayaa wuxuu isla soo taagay Saxaafadda horteeda isagoo qiranaya in aanu wax Lafa bani aadam ah ka helin qabuurihii ay qodeen oo dhan , lagasoo bilaabo Koonfurta Somalia ilaa Muqdisho.

Wuxuuna yiri isagoo sidan u hadlaya: “Qabuura qodista waxaan kasoo bilowni Gobolada Koonfureed ilaa Muqdisho , waxaana ogaani waxa oo Dadka Owliyo waaye loogu sheegi jiri inay ahaayeen , Lafo Geel , Lafo Eeyo , waxaana ugu tagni Qabuurahaas dhaxdooda Lafo Geel iyoneyti Lafo Eeyo oo la Caabudaayey!!!”

Waxaase kasii darnaa markii uu si Anshax xumo iyo Xishood darri ah usoo hordhigay Wariyaalka wax uu u ekeysiiyey kuna sheegay Xubinta Taranka Raga , oo uu ku andacooday inay kasoo bixiyeen Qabri kamid ah Qabriyadii ay qodeen , wuxuuna yiri isagoo kusii indha adag Aadaab xumidiisa iyo Xishood yaridiisa: “Qabrigaan waxaa imaa jiri Naagaha oo ilmo la’aanta heeso , Markaas ayey ku fariisan jireen Xubintaan oo arkeesiin oo Qabriga dhexdiisa kor loo qotomiyey uyukoo dhohooyiin ilmo aan heleenaa”

 Hadaba Hadalka Ceynkan ah waxuu Qof kasta si Cad oo aan dheeh iyo Shaki ku jirin uga qaadan karaa arimahan soo socda:

1)-inuu Rabbi (S.W) Khawaarij ihaaneeyey iyagoo ku hungoobay wixii ay raadinayeen oo ahaa inay helaan Lafaha Culamadii Ahlu Qabuurka ahaa , sida Muuqata oo ay qirteena loogu badalay, Lafo Geel , Lafo Eeyo , iyo wax kasii xumaan badan oo ah: in Baadi goobkoodii lagu Qaabilay “Xubin Taran” oo Dabiiciyanba Astaan ama Calaamad u ah in lagu Caayo Cid aan haba yaraatee ihaanadeeda waxba loo Reebaneyn, taas oo ah Caay Dullinimo iyo Ihaano Yoolkeeda ugu danbeeya.

2)-Inuu Rabbi(S.W) Karaameeyey Awliyadiisa , Karaamo isugu jirta dhowr Qeybood taas oo si fiican u muuqata, Tan 1aad: in Khawaarijtu Qowlkooda iyo Ficilkoodaba ugu qirteen si ka baxsan Rabitaankooda iyo Khiyaarkooda , oo haddii ay Rabitaankooda tahay aanay marnaba Ihaanadan oo kale qirteen, sidii ay horaba ugu qirteen inay Khawaarij yihiin kadib markii ay isu bixiyeen Magaca “Shabaab” oo uu Nabi Muxamad-( S.C.W) iyaga hortood u bixiyey Khawaarijta Sida ku Cad Xadiiska Saxiixa ah ee Sifahooda ka hadlaya:   (هم قوم أحداث الأسنان سفهاء الأحلام) oo ah “waa Qoom Shabaab ah oo Doqomo ah” 

Tan 2aad: oo ah in sidii horayba Qaar Anbiyada Allaah Mucjisa ahaan ugu dhacday Haatana Rabbi (S.W) wuxuu ugu karaameeyey Awliyadiisa , waxayna tani lamid tahay: Markii uu Nabigeena Muxamad-(S.C.W) dhex maray Gaaladii Cadawga ahaa ee Reer Qureysh Habeenkii ay kusoo tashadeen inay Nabiga-(S.C.W) dilaan , isagoo Nabigu ku seyriyey Carro dhamaantood indhaha kawada gashay isla markaana Nabigu Aqrinaya Aayadda Quraanka ee ilaahey ku yiri:  (وجعلنا من بين أيديهم سداً ومن خلفهم سدً فأغشيناهم فهم لا يبصرون)

 Sidoo kale Qisadan waxay la mid tahay: markii ay gaaladu kusoo tashadeen iney dilaan Nabi Ciise-(C.S) oo ay yimaadeen gurigii uu ku jiray dabadeedna ay u direen Nin iyagii kamid ah si uu usoo eego inuu Nabi Ciise-(C.S) ku sugan yahay Guriga gudihiisa , Lakin marki uu soo laabtay Ninkii si uu ugu sheego Saaxiibadiis inuu Nabi Ciise-(C.S) ku sugan yahay guriga gudihiisa ayaa Wajigiisii ama Suuradiisii loo badalay Suuradii ama Wajigii Nabi Ciise-(C.S), Markaas ayey Gaaladii Saaxiibadiisa ahaa isla markiiba kula dagdageen inay dilaan iyagoo isla goobtii qudha kaga jaray, kuna andacoodeen inay Nabi Ciise dileen dabadeedna “Salbiyeen” (Laba qori oo is dhaaf ah meydkiisa ku xireen) , taas oo ilaa Maanta ay Gaalada Masiixiyiintu ku andacoonayaan , waxaase ku beeniyey Allaah (S.W) oo Qur’aanka Kariimka ku sheegay (وما قتلوه وما صلبوه ولكن شبّه لهم)…(بل رفعه الله  إليه) ًwuxuuna yiri Allah: “ma aanay dilin mana aanay Salbin , Lakin waa loo suurad ekeysiiyey …ilaahay ayaana koryeelay Ciise”

 Waxaase layaab noqon doonta markii sida Caadada u haan jirtayba ay khawaarijtu isku dayaan inay mar kale Burriyaan Qiraalkoodan oo ay hadana mar kale bilaabaan inay  dib ugu andacoodaan inay Qabuurahaas Lafihii Culamada ka heleen,  taasina layaab maleh marka loo eego Danbiyada iyo Jariimooyinka waaweyn oo ay Har iyo Habeen faraha kula jiraan.

Waxa kaloo Umaddu wada sugeysaa Karaamaad kale oo intan ka badan oo mar aan dheereyn iska soo daba bixi doona inshaa Allaah, kuwaas oo ay ka muuqan doonaan Wax lala wada yaabo oo ay ugu horeyso Ciqaab weyni inay Khawaarijta ku dhacdo inta aan la gaarin Ciqaabkoodii weynaa ee Aakhiro, sidaasina waa sida uu Allaah ku balan qaaday Xadiisul qudsigiisa (من عادي لي وليا فقد آذنته بالحرب)  wuxuuna Rabbi (S.W) ku balan qaaday Xadiiskan in Ciddii isku taagta Awliyadiisa ay usoo ban baxday la dagaalanka Rabbi , taas oo Macnaheedu yahay inuu Ciqaab adag la kulmi doono , Rabina Balankiisa ma guub yeelo mana baajiyo ee waa la sugayaa kol ay ahaataba inshaa Allaah.

(إن الله لا يخلف الميعاد)

waxaana la hubaa Xilli ay ahaataba in laga jaseyn doono Kabaairta iyo Jaraaimta ay Khawaarijtu kasbabadeen inshaa Allaah.

Waxaa kaloo Ahlul Cilmiga oo dhami ogyihiin kuna cad Qur’aanka iyo Sunada Nabiga-(C.S.W) in sida soo jireenka ah ee ay ku soo soconjirtay Abuurista Allaah aan loo deyn jirin kuwa qooqa kuna kibra uunka Alle ama Khalqiga ilaahey , lakin ay dhacdo in la sabaansabo loona xarig dheereeyo si ay usii maquurtaan uguna sii fogaadaan Faajirnimada iyo dunuubta ay sameynayaan , kadibna si kadis ah loo qabto iyagoo war moog ah oo wadadoodii qaldaneyd kusii socda, sida Allaah Quraankiisa ku yiri: (سنستدرجهم من حيث لا يعلمون ، وأملي لهم إنّ كيدي متين) “waan Sabaansabeynaa si aanay waxba u ogaan , waana u kaadinayaa Ciqaabka aan la damacsanahayna waa mid adag”

Sidoo kale Xadiiska Nabiga ayaa ahaa:  (إن الله ليمهل الظالم حتي إذا أخذه لم يفلته) “Allaah Daalimka wuu sugaa, macnaha fursad uu ku towbad keeno ayuu siiyaa , ilaa uu ugu danbeynta qabto ,hadii uu qabtana masii daayo” 

 

Waxa sugan in mar aan fogeyn Khawaarijta lagu ciqaabi doono Gacmaha Umadda Soomaaliyeed ee ay Cadaabka ku hayaan , waxayna ku kadsoomeen iyadoo aanayba jirin Cid ilaa Hadda si dhab ah ula dagaalantay ama kalasoo horjeesatay Dagaal dhab ah , marka laga reebo Culamaa’udiinka Ahlu-sunnah Wal-jamaacah ee Gobolada dhexe , taasoo ah ah waxa dad badni ugu maleeyaan inay Khawaarijtu Awood dheeraad ah leeyihiin , lakin Qiyaamahoodu ku qumi doonaa markii la gaaro dhabta oo uu bilowdo kacdoon dhab ah , ayna qaado Mowjado Kacdoon oo duufaan ah oo lagu cirib gooyo laguna bakhtiijiyo meeshii lagu arko Xilli iyo Xaram intaba.

Xilligaas oo aan fogeyn iyadoo haatanba uu qasbayo soona dadajinayo Cadaabka iyo dhibaatara joogtada ah oo ay ku hayaan Shacabka , waxana dhici doonta hadii Bakhtigooda Meel walba la waro inay dad badni yiraahdaan: “ma sidan ayey ahaayeen? Haddii aan ognahay inay sidan loo Leyn karo mar hore ayaan ku bilaabi laheyn Dagaalka”

 

Waxan kusoo gaba gabeynayaa Khawaarij waxaa la gudboon inay ku cibra qaataan Waayaha Aduunyada iyo Waanada Diinta , waa inay ogaadaan Halkii ay ku danbeeyeen Qoomamkii kibray ee is mahdiyey kuwaas oo ay kamid ahaayeen Reer Caad , Reer Thamuud , Fircown , Qaaruun Haamaan , iyo Qomamkoodii iyadoo Allaah Quraanka Miisaal ugu soo qaatay Xoogii iyo Awoodii lasiiyey inay xitaa Buuraha Guryo ka qori jireen (وينحتون من الجبال بيوتا فارهين)  ilaa ay ugu danbeyn kadsoomaan oo ay yiraadaan: (من أشدّ منا قوة)؟ ِ”yaa naga xoog badan”? Allaah ayaa ugu jawaabay: (أولم يروا أن الله الذي خلقهم هو أشدّ منهم قوة)

“miyaanay ogeyn in Allahii abuuray ka xoog badan yahay”

Nimankii ilaa heerkaas awooda is baday isagoo Allaah ka hadlaya Awoodoodii iyo halkay ku danbesay wuxuu ku yiri Quraanka: (وثمود الذين جابوا الصخر بالواد وفرعون ذي الأو تاد الذين طغوا في البلاد فأكثروا فيها الفساد فصبّ عليهم ربك سوط عذاب)

 

Waliba sida Rabbi u tusay Awoodiisa waxaa kamid ah iyadoo lagu Halaagay Qoomamkaas Hore ee isla Awooda weynaa waxyaabo la xaqiro sida: inuu Jibriil ku qeyliyey oo ay Qeyladaas Awgeed lawada Bakhtiyeen iyo in qaarkood lagu saladay Quraanyo kaga aruurtay meel kasta oo jirkooda kamid ah oo furan , taa badalkeeda Khawaarijtan Somalia waxaa lagu Halaajin doonaa ugu danbeynta inta aan cid kaleba la gaarin Haweenka, Caruurta, iyo Marrasta jilicsan oo ay dhibka ku hayaan , iyadoo ay dheeraad u tahay Seefta Mujaahidiinta Ahlu-sunnah Wal-jamaacah, inshaa Allaah.  

 

W/Q: Sh.C/qaadir Sh. Maxamad Mataan-(Colow)

E-mail: shcolow@hotmail.com

Mobile: 0060-173817184

Kuala Lumpur-Malaysia.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip